SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

Ayaan Xersi Magan dhib ka weyn ayaa jiree halala jihaado !

wali waxaa isa soo taraya qoraalada ka hadlaya gabar soomaaliyeed oo diinta u gaftay, asxaabta qaar ee wax kaqortay gabadhan si wanaagsan oo misana xigmadeysan ayeey gababadhan u tusaaleeyeen.

Si kastoo arrrinku ahaadaba, oohintu argaga ka weyn. aniga wexeey ila tahay in Ayaan Xersi eey diinta u gaftay, taana uu ilaaheey kula xisaabtami doono maalinta xisaabaadka, ha yeeshee xamaasada iyo bulxanka loo hayo arrinta Ayaan maxaa loogu heyn waayey xididada iyo aasaaska dhibaatada soomaalida oo ah Arrinka Qabyaalada, iskaba daa in xamaasad iyo xiiso loo hayee wali waxaa jira Qoraalo weerar toos ah ku ah magaalooyin iyo gobollo soomaaliyeed oo lagu soo qorayo webpage-yada soomaalida, qof ka dhiidhinayana runtii anigu ma arag, waxaa jira ku xadgudubyo xuquuqda aadanaha oo ka dhacaya dalkii hooyo, oo eey ugu danbeeysay xasuuqa ciyaal iskuuleydii muqdisho, dad yar ayaa ka dhiidhiyey, waxaa jira boob loo geysanayo maamullo si dimoqoraadi ah lagu soo doortay, cid ka dhiidhineysaana maanan arag, iskabada daaye waxaa jira u sacab tumid fara badan.  [warka oo dhan hoos ka akhriHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

waxaa jira dil ka dhaca meelo kamid ah soomaalia maalin kasta, dilkana Alle Agtiisa xitaa wuxuu ka yahay danbi aan weynankiisa la soo koobi karin, oo waxaa jira axaadiis sheegaya in Alle -sida uu dhiiga muslinka ah u ilaaliyey- uu door bidayo in kacbada la dumiyo, intii qof muslin ah fartiisa dhaawac la gaarsiin lahaa ! iskaba daaye diinta islaamku wexeey gaarsiisay dilka heer eey xitaa suura gal aheyn inaad disho qof gaal ah oo aad jihaad kula jirto,oo markii aad xabad ku dhufo istiri la soo booday " Laa ilaaha illa-laahu" (Ashahaatinka) waana xadiis caan ah oo ku yimid saxaabiga weyn ee Usama Bin Zeyd mar uu dilay nin sidaas sameeyey, markii uu suubanuhu SCW weydiiyeyna wuxuu yiri " seefta ayuu isaga ilaalinayey, ee islaanimo kama aheyn" markaas ayuu Suubanuhu SCW ugu jawaabay " ma adigaa qalbigiisa jeexay oo daalacday? sideed yeeli doontaa qiyaame marka (Ashahaatinka) lagu horkeeno, oo eey kula xisaabtanto" ! marka weey fiican tahay in muhimad gooni ah la siiyo qofka diinta aflagaadeeyey, ha yeeshee wexeey ila tahay ineey jiraan amuuro taa ka qoto dheer oo maalinle uga dhaca waddankii hooyo, iyo qurbahaba.

Inta eey jiraan Maqaalo reero gooni ah lagu aflagaadeynayo, inta eey jiraan qoraalo magaalooyin ama gobollo gooni ah lagu rifayo, waxeey ila tahay inaan heysanno dhib nagu filan oo u baahan in muhimadeena ugu horeysa aan siino.

Midda kale oo turxaan bixinta u baahani wexeey tahay ineeysan isku xirneyn dhibka eey Ayaan Xersi u geysatay diinta islaamka iyo ku noolaansheheeda eey ku nooshahay waddan galbeedka ku yaal, dhabtu wexeey tahay in Ayan Xersi aniga sideey ila tahay lagu soo barbaariyey meel kamid ah meelaha ugu xag jirsan dhanka ku dhaqanka diinta islaamka oo ah waddanka Sucuudiga, waalidkeedna eey dadaaleen, hayeeshee eey iyadu dooratay ineey diinteedii aflagaadeyso, marka qofka ku doodayow Ayaan hadii aan wadankeedii laga soo barakicin laheyn, diinta meeysan caayseen, wexeey ila tahay taas waa dood aan sal laheyn, misana xaqiiqdaba kafog, ku dhawaad 2 Milyan oo soomaali ah ayaa galbeedka dhex heehaabaya, waana markii ugu horeysay oo qof noocan ahi uu ka soo boxo.

u dhiidhinta diintu ma naga dhab baa mise...?

Aniga shaqsiyyan ilama ahan ineey daacad naga tahay inaan diinta u dagaalanno, sababahan soo socda awgeed.

(1) soomaalida inteeda badan wexeey si toos ah, ama dadban uga qeyb qaateen dagaalkii sokeeye, ninka ugu tabar yar fadhi ku dirir ayuu ku kaalmeeyey beeshiisa, oo waa (Af-kudhiigle) marka hadii eey diini jirto maxaa looga dhowrsan waayey gacan ku dhiigle-nimada, ama ugu yaraan afku-dhiigle-nimada...?

(2) soomaalida ku nool galbeedka iyo qurbaha oo dhan wexeey -intooda badan- ka been sheegaan xaaladooda nololeed, oo dowladaha eey ku dhex nool yihiin ayeey ka dhacaan boqolaal Milyan oo doolar, dhacaas oo ah mid maskexeysan oo laga baaraan dagay, kagadaal marka dowladda loo sheego in nin & naag is qaba eeysan is qabine'e saaxiibo yihiin !!

(3)soomaalida qurbaha intooda badan wexeey isku raacsan yihiin in la hagar daameeyo dowladaha marti galiyey, isla markaana sharciyadooda lagu tunto, laga soo bilaabo khaliijka oo Iqaamooyinka lagu been abuuro, Document aan sax aheyna lagu safro, lagu keeno Galbeedka oo caruur aan la dhalin iyo naag aan la qabin lagu soo galiyo waddamadan (anaa dhalay iyo anaa qaba).

(4) soomaali badan ayaa ka dhiiban hal waddan ka badan, gaar ahaan asxaabta yurub iyo canada, taas oo sharci darro fool xun ah. (waan is ognahay xarfaaneey)

Marka ilma adeerayaalow diinta ma dhinacaan rabno ayaan ka qaadaneynaa, markaas baan dhanka kalena middiyo ka wadanaa oo aan rabnaa inaan ku andocoono ineey "u dagaalanka diintu dhab naga tahay" ...? cid kaleba ha aqbashee anigu ma yeelin, waxaana leeyahay seeftan labada af leh wax halaga baddelo.

Saxaafadda iyo suxufiyiinta maxaa lagudboon..?

Saxaafadda iyo suxufiyiinta soomaaliyeed ee ka caafimaadka qaba cudurada Qabyaaladana waa ineey cod mideysan kaga hortagaan qoraalada lagu ijaafeynayo qeyb kamid ah suxufiyiinta soomaaliyeed, mana ahana inaan ka aamusno xadgudubka diiran ee aan geedka loogu soo gabban ee lagu hayo saxaafadda shariifka ah, dagaalka aan Ayan Xersi kula jirnana aan u weecinno mid aan kula jirno bukaan socodka Qabyaalada, gaar ahaan kuwooda afka dheer ee awooda ineey qoraalo mijaxaabin ah kusoo bandhigaan bog soomaaliyeed.

ugu danbeyntii anigu waxaan dhihi lahaa: dagaalka iyo xamaasadda loo wada yeeshay arrinta Ayaan Xersi Magan oo kale amaba mid kasii xag jira haloo yeesho warxumo tashiilka dhex heehaabaya badweynta saxaafadda shariifka ah, xaqiiqatan Ayan Xersi Magan nagama soo bara kicin dhulkeeniiye, waxaa nasoo bara kiciyey warxumo aashiil, jaahil xukun loo dhiibay, jaahil xabad loo dhiibay, bukaan socod qabyaaladi dhul dhigatay, wadaad xume, daba dhilif, affar jeeble tuug ah, jaajuus ajnabi iyo tobaneeyo kale oo sanka iskula jira.

Wariyaha soomaaliyeed ee caafimaadka qabaa meel kasta oo uu joogaba waa mid xaqiiqda abaara, haba ahaatee mid qaraar'e, mana jiro gobol eey dadkiisu wada shariif yihiin, ama mid eey dadkiisu shayaadiin yihiin, meel kasta waa leysku dhex qasan yahay, waxaase sheegid mudan in soomaalida maanta eey isaga baahi badan tahay toban sano kahor, taana waxaa mahadeed leh wiilasha iyo gabdhaha kala qabiilka ah ee is guursaday, ganacsiga aan xuduuda laheyn ee baahay.

Waxaan ku soo gunaanadaa hadal qiime leh oo uu yiri saxafi gaamuray, calaliyayna xaashiyaha wargeysyada Mr Cabdel-Bari Catwan oo ah tafatiraha wargeyska Al-Quds ee London xaruntiisu tahay, wuxuuna yiri " caalamka islaamka siyaasadiisa saxaafadda ayaa hagta, saxaafadana -nasiib xumo- Xaasidnimo ayaa hagta, hadii xaasidnimada la baabi'biyo waxaa la baaba'aya maamulada ku hor liqdaaran shucuubtaas, hadii kalena subax walba wargeys ragga qoraayi dacar eey ku casheeyaan ayaa indhahaaga ku dhacayaan".

C/raxman Ceynte

St.paul, MN

ceyntejournalist@attbi.com 

Jan 24, 2003

I  I  D  H  E  H

 FILIN ATOORIHIISU MAGICIISA KUJILAAYA " ALLAAH"
waa filim ku jeesjeesaya magaca Allah, sida ay uga jawaabeen Muslimiinta jarmarku... KA AKHRI HALKAN.  [XagarYare] 18/1

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD