SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

WARBIXIN, FAALLO, SU'AALO, WARAR, IYO WARDHEERE IYO TODDOBAADKAN

wardheere Mahamoud N. Wardere 

  mwardere@oakwood.com  

 Musharaxii hore ee duqa Minnesota

 Faafin: SomaliTalk Minnesota, USA
 Jan 13, 2003

 

QODOBADA QORAALKA EE MAANTA:

  • Soomaaliya waxay ahayd meesha ugu nabad gelyada badan adduunka..
  •  Waa laga soo tarxiilay USA, Carabta, Kenya, lagu dilay S. Africa lagaga banaan baxay Lewiston Maine- maxaa u diiday inay joogaan dalkooda
  • Soomaaliya haddii nabadi ka dhacdo dal hodan ah oo ajnabigu u soo shaqo tago ayay noqonaysaa.
  • Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil—Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?.
  • Ganacsatada Soomaaliyeed wadaniyiin ma yihiin?
  • Macalimiinta waxbarta ardada Soomaaliya joogta iyo dhaqaatiirta daryeeshaba mahadsanidiin.


(warka oo dhamaystitan
Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Soomaaliya waxay ahayd meesha ugu nabad gelyada badan adduunka..

Soomaaliya oo uu ilaahay ku manaysatay cimilada ugu fiican adduunka iyo khayraad dabiici ah oo ay weliba dadkeedana isku af, diin, iyo dhaqan ahaayeen ayaa maanta waxaa adduunka ka yaabisay heshiis la’aantooda inta ay la’eg tahay iyo macluusha ka taagan iyo ammaan daradaba.

Waxaa adkaatay in dhalaanka hadda soo kacay qaarkood laga dhaadhiciyo inay Soomaaliya soo martay beri samaad iyo waayo fiican insha alla way soo noqon doontaaye. Anoo soo qaadanaya meelaha hadda ugu cabsida badan waxaan rabaa in aan u sheego in

Muqdisho la socon jiray 03:00am oo habeenimo meeshii la doono adigoo aanan arkayn isbaaro iyo wax qori sita. Maalintiina magaalada ay camiri jireen arday kuman kun ah oo uniform qaba oo ka soo dareeray iskuulo. Markii uu bilaabmay ololihii hore u marinta reer miyiga ardaydii waagaa joogtay ayay ahaayeen kuwii gawaarida laga buuxiyay oo reer miyiga u soo faa’iideeyay ayagana dhaqanka soo faa’iidaystay.

Baar dheere loo doonan jiray cilmi

Kismaayo dhalinta ay mashquul ku ahaayeen ku cayaarista xeebteeda cajiibka ah ilaa ay Jubada Hoose noqotay horyaalkii kubadda cagta ee goboladii Soomaaliyeed oo boqolkiiba 70 koobka u hoyan jiray waamo.

Baydhabo loo yiqiin Baydhabo Janaay oo dalxiis loo tegi jiray.

Isku soo duuduuboo Soomaaliya nabadda taalay waxaad ku garan kartaa in shaqaalaha hay’adaha caalamiga ninkii loo soo bedelo feesto ayuu dhigan jiray. Tusaale: 1984 Haweenay faransiis ah oo ninkeeda u shaqayn jiray UNDP Soomaalia oo loo kordhiyay waqtigii joogista oo ay rayn rayn ka muuqato ayaan fursad u helay inaan la sheekaysto oon waydiiyay waxa ugu wacan farxadda waxay ii shaagtay inay heshay waxay rabtay oo ah in loo kordhiyo joogista.

Waxay iigu jawaabtay nabadda -- meelo badan oo Africa ah ayaan ka soo shaqeeyay Nairobiba ha ugu danbaysee meel aan kaga kalsoonahay xagga ammaanka soomaaliya ma jirto oo xataa baabuurkayga kama welwelo jidkuu iska yaalaa!

Sidoo kale Haashim wuxuu ahaa nin Suudaani ah oo ay xaaskiisa maraykan tahay waa ninkii ugu danbeeyay oo UNta wakiil uga noqda Soomaaliya. Haashim gabadhiisa oo dugsi sare ka dhigan jirtay Maraykanka ayaa u bogtay magaalada baydhabo oo xataa ku dhowaatay inay ku noolaato Baydhabo Haashim wuxuu ii sheegay inuu gabadhiisa ka kari la’yahay baydhabo wuxuuna yiri waxay u haysataa meesha adduunka ugu quruxsan ka dibna dagaalkii sokeeye ayaa bilaabmay. Soomaaliya waqti nabadgelyo waa soo martay ee ilaah ha u soo celiyo!

Waa laga soo tarxiilay USA, Carabta, Kenya, lagu dilay S. Africa lagaga banaan baxay Lewiston Maine- maxaa u diiday inay joogaan dalkooda

Waxyaabaha laga naxo waxaa ka mid ah dhibta haysata dadka Soomaaliyeed in ay nabad gelyo ku waayeen dalkoodii hooyo taasoo qasabtay inay qaxaan intii ka badbaaday gumaadkii shacbiga iyo dagaalkii sokeeye waa kuwii ka badbaaday ( waxaa lagu qiyaasaa dadkii ku dhintay macluushii 1992 ilaa 300,000 oo dhalaan u badan intay xabadu leeftay ama u curyaamtay ama maskaxda wax ka gaareena iskaba daa).

Gobolka Soomaali galbeed oo gacanta ugu jiro dawladda Itoobiya inta macluul iyo abaar u dhimatay intaas waa ka badan yihiin laakiin ayaga eeda ma leh waayo waa dad loo taliyo oo cadow gacanta ugu jira. Dadka Soomaaliyeed markii ay qaxeen waxay u tageen dad dalkooda dhistay oo hagaajistay inkastoo meelaha qaar laga soo dhoweeyay hadana meelaha qaar lagama soo dhowayn. Maanta waxay ahayd in Soomaaliya loo soo hijroodo ee ma ahayn in laga qaxo ama ninkii Soomaaliya oo laga tarxiilo Carabta ama Yurub ama America ama Afrikada kale inuusan nixin waayo waxba lama yeelayo dalkiisa ayuunbaa loo celinayaa. Haddii dadka qoryaha sita dhigaan oo waxgardku taliyo oo inta eldoret iyo dibada xal laga sugayo la iska dhaafo la tashado oo la ogaado in qabiilkan la eeday uusan jirin ee dadku walaalo yahay muslim wada yahay dadka la soo tarxiilaaba ma jireen!

Soomaaliya haddii nabadi ka dhacdo dal hodan ah oo ajnabigu u soo shaqo tago ayay noqonaysaa.

Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya hadda khayraad dabiici ah ka buuxo oo wadanku hodan ku yahay xagga beeraha, kaluunka, xoolaha (duur joog iyo dab joogba). Laakiin khayraadkaas waxaa la arki karaa oo keliya haddii uu dalku amaan ka jiro, oo loo sameeyo nidaam ku dhisan cadaalad iyo qorsho fiican.

Waxaa ayadana xusid mudan dadaalka iyo firfircoonida dadka Soomaaliyeed oo aad u sareeya. Dadkan waxaa lagu tilmaami karaa inay yihiin dad wax abuuri kara (creative) ama wax soo koobin kara waayo xataa haddii aad soo guurin kartid xirfad kale iyo nidaam horumar kale waxay taas ku tusinaysaa in waxgaradkaagu sareeyo.

Waxaa intaas weheliya in Soomaali badan ku kala firirtay dunida dacaladeeda ayagoo geeyay waxay xoog, xirfad, caqli, iyo ubadba lahaayeen oo haddii dadkaas la dhiiri geliyo inay wadanka ku soo noqdaan qaarkood la iman karaan xirfado aad u sareeya weliba qaarkeen xiriir la yeesheen shirkadaha waawayn oo danaynaya inay maal gashadaan meeshii nabad ah oo ay hashiis la gelikaraan. Waxaan shaki ku jirin in dad shaqo doon ah oo ka yimid dunida dacaladeeda ay iman lahaayeen Soomaaliya oo noqon karta dalka dunida ugu hodansan ! Dawladdii markaas jirtana waaxda socdaalkeedu mashquul noqon lahayd oo lagaba yaabo inay wax tarxiisho!!1

Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil—Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?.

Waxaan shaki ku jirin in dhaqanka reer galbeedku saamayn wayn ku yeeshay dunida intii ka danbaysay xilligii ay dunida badankeed gumaysteen iyo intii ay dhaqaalaha iyo teknoolajiyada dunida hogaaminayeen. Waxaana ugu danbeeyay Af Ingiriisiga oo noqday afka caalamka.

Sidee wasiir looga dhigay maba yaqaan af ingiriisiye?

Siduu u ahaa aqoon yahan dayax gacmeed af ingiriisiba ma yaqaanee?

Sidee kornayl looga dhigay maba yaqaan af ingiriisiye?

Koofi Annan sidee looga dhigay xog-hayaha guud ee UNta accent buu leeyahay? (afka ingiriisiga sida nin u dhashay uguma hadlo.

Mase aragtay qof markuu afsoomaali ku hadlayo soo dhexgeliyo kelmado af ingiriisi ah si loo rumaysto inuu cilmi leeyahay? Ama sheekh Soomali ah oo Soomaali wacdinaya oo afka ingiriisiga soo dhexgeliya!.

Kelmadahan dhegahayga ayay ku dheceen dadka ku hadlayayna waxay u badnaayeen dhalin yaro yar yar oo ay isaga qaldantay cilmiga iyo barashada afka ingiriisiga. la yaab iguma noqon waayo anagoo dhanba maskaxda waa nalaga gumaystaa ee qodaxda ninba intii tabartiisa ah ayay ku tagtaa. Intee in la eg ayaa lagu gumaystaa? waa miisaan qof walba uu isa saari karo asagoo fiirinaya diintiisa, dhaqankii waalidkiis, iyo waxa uu ku dayanayo faa’iido ma u leedahay mise maya.

Ma u dabaal degtaa sanaka cusub, markaad dhalatay, markaad guursatay, qamro ma cabtaa, aabahaa sigaar ma cabi jiray, afka ingiriisiga iyo cilmiga ma isku xirtaa, dadka cadaanka ma kula quruxsan yihiin, dhaqankooda kulligiis ma istiraahadaa kaa fiican. Dadka madaow ma kula foolxun yihiin, labiska iyo tima jarista ma uga dayataa, iwm. Haddii aad calaamadahan badankood isku aragtay is miisaan.

Qoraalkan ugama jeedo in aan dadka ka hor istaago barashada afka ingiriisiga iyo qaadashada wixii fiican ee waxaan ku dhiiri gelinayaa in uu qofkasta miisaan isa saaro. Barashada Afka Ingiriisiga waa fiican tahay oo buugaag badan ayaa ku qoran afkaas, dalalka afka ingiriisiga ku hadlo qaarkood dhaqaale fiican bay leeyihiin oo qofka shaqadiisa ayaa ku xirmi karta ama ganacsigiisa tacliintiisa iyo horumarkiisa. Qofka wuu safri karaa calaa kulli xaal dano badan ayuu qofku ku fushan karaa afka ingiriisiga ee waxa la arbo waa qofku inuu fahmo in afna uusan af ka fiicnayn. Xusuuso taariikhda adduunka marba afbaa horyaal ahaa. Mar Giriiga, mar Carabiga, Roman Latin iwm. Culimada afafka waxay yiraahdaa internetka ayaa u hiiliyay afka ingiriisiga oo markay soo baxday ayuu tartankii afka Faransiisku haray inkastoo qaarna ay yiraahdaan horteeduu haray.

Mar aan safar ku tagay Germany, France, Holland, Denmark ayaan isku taxalujiyay in aan arko ama helo joornaal af ingiriisi ah oo ka soo baxa dalalkaas, dadkii waaba i fahmi waayeen waayo markay iisoo taagaan NY Times, London Times, USA TODAY waxaan iraahdaa maya waxaan rabaa mid halkan ka soo baxay- maskaxdayda waxaa ku jirtay meel kasta Joornaal af ingiriisi ku qoran ayaa ka soo baxa sidii Kenya, Itoobiya, ama Masar markii danbe ayaan fahmay in meelahan la gumaysan jiray ee yurub uusan ingiriisku gumaysan waxaana la iigu jawaabay anaga ingiriis nama gumaysan!.

Muhimada waxa weeye inaad caruurtaada barto af soomaaliga iyo inaadan isku xirin cilmiga iyo Afka ingiriisiga, inaadan la yaabin qof aan afka ingiriisiga u dhalan hadduu ku yiraahdo ma aqaan af ingiriisi..

Ganacsatada Soomaaliyeed wadaniyiin ma yihiin?

Cadaalad ma aha in aan ganacsatada Soomaaliyeed eed dusha ka saarno kulligood waayo waxaa ku jira kuwa fiican laakiin qaarkood waxa ay ku kacayaan ma aha wax laga aamusi karo waxaa la sheegayaa in qaarkood ay lacag been abuur ah soo samaystaan, qaarkood cunto dhacday ama daawo dhacday dadka ka gadaan, qaarkoodna waxyaabo xaaraan ah ka beecmushtaraan maadaama aanay jirin dawlad koontaroosha, qaarkood waxaa laga sheegayaa inay dagaalka huriyaan oo aanay dawladnimadaba dan ugu jirin, waxaase intaas ka sii daran kuwa cuntada dadka ku qaaliyeeya ama lacagta qaarkeed diida.

Ganacsadayaasha waa inay ogaadaan dadka ay ka heleen lacagta waa shacbiga Soomaaliyeed oo walaalahood ah beec mushtarka waa xalaal laakiin qishku xalaal ma aha. Ganacsadaha waxaa laga rabaa inuu sakada bixiyo sadaqana ku daro waayo ilaahay agtiisa ayuu ajar ka helayaa. Cisman Binu Cafaan ilaahay ha ka raali ahaadee sidiisii hor ilaahay wax la gaysto.

Inkastoo aanay fiicnayn in dhaqanka dad kale lagu daydo haddana wixii fiican waa la ogol yahay in la kala qaato. Maxay sameeyeen maal qabeenadii Maraykanka September11 ? Markii ay arkeen shacabkii oo dhiiga ugu deeqaya dhaawacii ka badbaaday qaraxa, markii ay arkeen dawladii oo canshuurta iyo danyntii dadka dhibta soo gaartay u waqti dheeraynayso, markii ay arkeen qaaraanka shacabka iska uruuriyay waxay bilaabeen inay wax taariikhda Maraykanka ku cusub bilaabaan taasoo ah inay ganasatadii bilaabeen wax la yiraahdo 0% interest ama dulsaar la’aan. Ganacsigii baabuurta iyo alaabo badan ayaa dulsaarkii ay ka dhaafeen waayo waa wadaniyiin sidaas ayay dhaqaalihii wadanka iyo kalsoonidiiba ku soo cesheen. Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay wadaniyiin noqdaan

Macalimiinta waxbarta ardada Soomaaliya joogta iyo dhaqaatiirta daryeeshaba mahadsanidiin.

Haddii aydaan idinka ahayn sidee noqon lahayd xaaladda ubadka soo koraya ee Jooga Soomaaliya? Yaa wax bari lahaa yaase daryeeli lahaa?. Adduunku wuxuu isku dhaafay waxbarashada iyo daryelka dhallaanka.

Markii dawlad la waayay, markii dad badani qaxeen, markii Soomaaliya loo yaabay idinkaa u istaagay oo intii aad ka gaari kartaan indhaha u furay ee mahadsanidiin

Markii Jirri iyo mooryaan iyo day day mooyee wax kale oo ay dhallaankeena ku daydaan la waayay idinkaa u soo baxay. Dhibta iyo qatarta idin hor taagan idinkaa u bareeray wadankuna idinkuu idin baxsan doonaa mid wax baro iyo mid wax daaweeyoba – sii jiritaanka magaca sharafta badan huwan ee SOOMAALI idinkaa u hiiliyay Mahadsanidiin

Ilaahay ha idinka abaal mariyo asagaa casiis ahe –mahadsanidiin. 

I  I  D  H  E  H

Mahamoud N. Wardere

mwardere@oakwood.com 

 

January 13, 2003 

QORAALADII HORE EE WARDHEERE:
HALKAN AKHRI | HALKAN FIIRI | HALKAN EEG


 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD