SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Warbixin hay'adaha sama falka oo ku saabsan caruurta la dhoofiyo
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Jan 18, 2003

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

Hay'adaha samafalka ee qaramada midoobay fadhigooduna yahay magaaladda Nairobi ayaa shalay soo bandhigtay caruurta soomaaliyeed ee kotorabaan ahaan loogu dhoofiyo dalalka reer galbeedka sida Sweden,UK iyo dalka Maraykanka.. [warka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive



warbintu waxay sheegtay in ilmahaas yar oo da'doodu ay ka hoosayso qaan gaarka laga keeno dalka soomaaliya tan iyo markii burburka dalka soomaaliya uu bilawday 1991 ee taladda laga riday Maxamed Siyaad Barre.

meelaha ugu daran ee ilmaahas yar laga keeno ayaa ah magaaladda Muqdisho iyadoo 250.000 caruur ah bil walba laga soo dhoofinjiray magaalada muqdisho ka hor qaraxyadii 11 sebtember ee New York iyo Washinton, haatanna ay hoos ugu soo dheceen 40 ilaa 60.

caruurta soomaaliyeed oo laga dajiyo garoomadda caalamiga ah ee reer galbeedka ayaa waxaa loo keenaa dalalkaasi in ay mustaqbal yeeshaan waxna ay ku bartaan maadaama dawlad dhexe aanay ka jirin soomaaliya.

caruurta oo waalidiintooda aanay la socon waxaa dhibaatooyin ay kala kulmaan qaabka ay ugu noolaanayaan amaba cidda kafaala qaadaysa.

mid kamid nimanka dhoofiya caruurta oo magaaladda Nairobi ugu waramayay Horn Afrik ayaa sheegay in caruurtaas midkiiba laga qaadi jiray 3500$ wixii ka horeeyay qaraxyadii 11 September ee Maraykanka , halka haatanna laga qaado ilaa 7000$ oo doolarka Maraykanka.

Ridwaan Xaaji C/wali
Nairobi,Kenya

-dhammaad- 

.... HALKAN KA BAAR WARARKII  IQRA

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD