| 
    
     
 Eljiham waxaa kaloo uu sheegay in wajiga labaad ee shirka lasoo gaba gabayn
    doono 25ka bishan January si loo dhamaystiro qaybaha kale ee shirka ka
    dhiman isagoo xusay in wajigii 1aad ee Xabad joojinta iyo ladagaalanka
    Argagixisadda si wanaagsan loosoo afjaray.
 
 Dhanka kale siyaasadda cusub ee dalka Kenya kuna aadan arimaha soomaaliya
    ayaa waxaa dawladdu ay sheegtay in lasii wadi doono si shirku unoqdo mid
    mira dhala oo lagusoo afjaro xiisadda soomaaliya ka aloosan mudada ka
    badan12ka sano.
 
 Wasiirka arimaha dibadda ee Kenya Kalonzo Musyoka ayaa waxaa uu sheegay in
    shir loo wada dhan yahay maalinta jimcaha ay kawada qaybgali doonaan dhamaan
    wasiiradda arimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD.
 
 Maalinta khamiista ee ka horaysa jimcaha ayaa shir lagu qabanayo magaaladda
    Nairobi waxaa kuwada kulmi doona wasiiradda arimaha dibadda ee safka hore
    arimaha soomaaliya kuwaas oo kala ah Jabuuti,Kenya iyo Itoobiya, waxaana ay
    ka wada hadlayaan sidii la ‘iskula meel dhigi lahaa qaabka loosoo afjarayo
    muranka ka dhex taagan shirka.
 
 Ridwaan Xaaji Cabdiweli
 Nairobi,Kenya
 ridwanhaji14@hotmail.com
 
    14/1/3
     
    Muusa
    Suudi oo Muqdisha Aaday Kenya: hogaamiya
    kooxeedka muuse suudi yalaxoow ayaa saaka ka anbabaxay magalaadda Eldoret ..
    GUJI
    13/1
 
     
 
    .....Taxanaha
    Wararka Eldoret .....HALKAN
 KA BAAR WARARKII  IQRA WARARKA 
SEPTEMBER - GUJI
 » 
AGOOSTO | JULY 
|  JUNE  | 
MAY  | APRIL 
| 
 MARCH    | FEBRAAYO 
|
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
 
com
 
 |