SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
10,000 Somali Qaxooti ah oo loo Qaadayo Maraykanka..

Waxaa isku soo duba riday
Cabdixaafid Xaaji Xirsi
Nairobi-Kenya. 

xaajixirsi@yahoo.com

Jan 21, 2003


10,000 Somali qaxooti ah ayaa waxay aadi doonaan Maraykanka Bisha soo socota horaanteeda dadkaa ayaa waxaa laga soo qaadi doonaa xeryahay qaxootiga ee Kakuma Iyo Dadaab sidaa waxaa sheegay hey'adaha aan dawliga ahayn iyo Hey'adda socdaalka Aduunka (IOM) sidaa waxaa mar dhaweyd u sheegay saxaafadda ninka uga sareeya xafiiska ugu weyn ee IOM ta kenya Mr. Mohammed Abdiker "300 ilaa 500 ayaa la qaadi doonaa todobaad walba kuwaasoo ah dadka Somali Bantuda ah ee jooga Kakuma iyo Dadaab" ayuu yidhi Abdiker isagoo intaa ku daray in la wadi doono shaqadooda ilaa la dhamays tirayo. 

OGEYSIIS: WARGELIN: SHIR MUHIIM AH
BARO XUQUUQDAADA: waa kulan 25ka Janaayo lagu qabanayo Minneapolis, waxaana looga hadli doonaa Qaanuunka cinwaan bedelashada iyo arima la xiriira tarxiilka iyo qodobo kale.. GUJI... 21/1

" Waxaa ogolaaday 50 Gobol oo Maraykanka ka mid ah inuu mid waliba qaadan doono 200 oo qaxooti ah" ayuu ku daray Mr. Maxamed Abdiker, waxay maraykanku dhameeyeen hawlihii dadkaa qaxootiga ahaa waxayna u qaadayaan dalkooda ayuu ku daray. 

[Warka oo dhan:Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

800 oo qof ayaa ugu horayn doona dadkaa waxaana laga keenayaa Dadaab bisha soo socota horaanteeda waxaana loo qaadi doonaa USA iyadoo siduu sheegay ay dadkaasi sheegteen inay ahaayeen dad la Xaqiro oo asalkoodii horena ka yimi Mozambique laakiin aanu waddankoodu wakhti xaadirkan waxba u qaban karin waa sida uu hadalka u dhigaye, Si kastaba ha ahaatee waxay taasi waxoogaa Rajo u tahay dadkii badnaa ee dalka qaxootiga ku ahaa.

Waxaa iyana sheegay inay qaadi doonaan dad qaxooti Somaliyeed ah Australia iyo Canada, laakiin Asalkoodii kasoo jeeday Waddamada Ethiopia iyo Sudan iyadoo sida uu sheegay Abdiker ay caawa booqan doonaan xerada Kakuma wafdi kasocda Dawladda Australia.

Mar wax laga weydiiyey Hey'adda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayey Xaqiijisay inay jirto dadka Somalida ah ee loo qaadi doono Maraykanka Bisha Soo socota horaanteeda isku xidhaha hey'addan ayaa sheegay inay ka qayb qaateen Baadhitaan lagu sameeyey dadkaa isagoo sheegay inay iyaga iyo IOM kasoo wada rareen Dadaab, "waxaa hadda wadankan joogaa qaxooti Somali Bantu ah oo gaadhaya 11,000." Ayuu yidhi Mr.Emmanuel Nyabera, "Waxaannu Xal moodney inaannu Xabbada ugu badallo nolol aanu uga soo barinay Dawlado kale"Ayuu kudaray, iyadoo sida uu sheegay ay ahayd mid riyo ah oo ay dadku waxaad mar uun aadi doontaa Maraykan waaa sida uu hadalka u yidhi Mr. Emmanuel Nyabera'e, Isagoo hadalkiisii ku soo gabagabeeyey "Waxay ahaayeen dadkani kuwo si toos ay ugu dhacdo dhibaatada somalia xataa markii ay Dawladdu ka dhisnayd Dalka kuwasoo ahaa dad laga tiro badanyahay oo la takooro" Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha Hey'adda UNHCR Mr.Goerge Okoth-Obbo, Iyo xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arimaha gudaha iyo ilaalinta dhaqanka Mr. Ali Korane ayaa waxay Axaddii socdaal ku tageen Xerada Qaxootiga ee Kakuma iyago sheegay inay ka jirto cunto la'aan Ba'ani iyadoo sida Qorane sheegay Dawladda kenya ugu Ballan Qaaday inay siin doonto lacag badan oo Deeq ah.

Hadaba rajo intee le'eg ayey u tahay Somalida Joogta Dalka kenya oo intooda badani Quuddaraynaysey inay mar uu aadaan Waddamada Reer Galbeedka iyo Qaaradda Australia, Waxaa Magaalada Nairobi oo kaliya ku sugan dad gaadhay tobanaan kun oo isugu jira Somali, Sudan, iyo Ethiopian. kuwaasoo badankoodu dhamaystay Imtixaankii Maraykanka ilaa hadana aan waxba hayn marka laga reebo waxoogaa rajo yar ah oo ay mar uun is leeyihiin armaa la idin qaadaa, Dadkaasoo dhan ayaa waxay yihiin kuwo intooda badani ay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay Maraykanka ee 11/Sep/2001. hadaba waxay tahay Su'aashu ma sii wadi doonaan Maraykan inay qaadaan Qaxootiga mise way maalinayaa oo kaliya?!!, iyaadoo waliba lagu soo rogay dadkaa in laga qaado faro (Finger Print).

Waxaa isku soo duba riday
Cabdixaafid Xaaji Xirsi
Nairobi-Kenya. 
xaajixirsi@yahoo.com

-dhamaad-

Warbixinadii hore ee Soomaalida Qaxootiga ku ah Kenya kahri: www.refugees.somalitalk.com

WARARKA UGU DAMBEEYEY EE SOOMAALIDA 
AKHRI www.somalitalk.com/news/somalia [ENGLISH VERSION]

I  I  D  H  E  H

 SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD