|
Iska ilaali emailo wareegaya
Hassan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
Sida la cadeeyey waxaa wareegaya emailo ujeedadoodu tahay in lagu dhaco dadka.
Emailadadaas oo intooda badan xambaarsan macluumaad dhab ah si loo soo jeediyo
qofka dareenkiisa, isla markaana loo rumaysto hadafka laga leeyahay eyey isku
dayeyaan kooxo mafiya ah inay kaaga faa’iidaystaan si khidadaysan oo qofka lagu
soo jiidanyo. Waxay raacayaan hab si wanaagsan looga soo shaqeeyey sida iyaga
oo
Soo qaadanaya dhacdooyin run ah
Isticmaalaya telefono iyo cinwaano sax ah, balse aanay wax xidhiidh ah aanay la
lahayn iyo shaksiyaad caan ah.
Magacyo badan oo isku xidhan sida caruur iyo qoyskood iyo meelaha ay kala
joogaan iyo da’dooda oo dhamaan sax ah
Qofka ay la soo xidhiidhaan waxay ka codsanayaan inay arintu tahay sir culus,
isla markaana uu ku helayo dhaqaale aad u badan sidaa awgeed arintu qarsoodi
tahay, qofka danta ka lehna aanu kashifin, taasoo dadka ku abuuri karta hunguri
iyo xishood labadaba.
Waxay kaa codsanayaan cinwaankaaga gaarka ah iyo wuxuun kale oo muhiim ah sida
Account-kaaga iwm.
Marmarka qaarkood waxay ku siinayaan telefonada gacanta ah oo ay wataan balse
sida la sheegay aan la garanayn meel ay ka diiwaan gashan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee waxaanu uga digaynaa dadka inay iska ilaaliyaan emailadaa
oo aan haba yaraatee aanu wax hungiri ah kaa gelin.
Emailadan waxaa dira dad Mafia ah oo isku xidhan, waxaa dhici karta in meel uun
laga soo helo emailkaaga sidaana iyago oo adeegsanaya Masmail in dad badan ay ku
gaadhsiiyaan, iyaga oo ka rajo qaba in 3% oo keliya ay gacanta ku dhigaan
macluumaadka ay doonayaan.
Hadii dadkan la raad raacdo waad heli kartaa meelaha ay emailada ka soo diraan,
balse waxay had iyo gooraale adeegsadaan Internetcafeeyada, librarieska iyo
meelaha kale ee puplic serviceka ah, sida aad ku arki doontaan emailkan hoose
kuma cada qofka loo soo diray, taasi waxay cadaynaysaa in ay adeegsadeen
Masmailling oo halkii email ay ku diri karaan boqolaal kun iyo malaayiinba
email.
Haiid ay helaan cinwaankaaga ama macluumaadka ay ku soo waydiisteen way
adagtahay inaad ka badbaado, waxayna awood u helayaan in ay account-kaaga u
dhacaan.
Fadlan iska ilaali dadkana uga sheekee macluumaadkooda iyo si aan loogu sirmin
arimaha noocaan oo kale ah.
Waxaan tusaale u soo qaadanaynaa emailkan oo ka mid ah kuwa ay faafinayaan
kooxdani, waxaa ku cad:
1. telefonka Gacanta
2. Xafiis
3. Statuska qofka soo diray iyo Thabo Mbeki madaxwaynaha South Africa
4. Lacag dhan US$30.1Million
5. Ujeedada lacata
6. Khidmada aad helayso
7. Shirar iyo macluumaad waqtiyeysan
8. Robert Mgabi President of Simbabwe
9. iyo arimo kale oo badan..
Hassan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
QORAALADII HORE EE XASAN NUUR
-dhammaad-
Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|