Faisal
bulhan |
Faisalbulhan@hotmail.com
Minnesota USA
Kaalay ila arag Jannada.
Sidaan wada maqallay, Jannadu waa meel aad u
cajiib ah, oo Allah iyo Nabiggiisu ay aad noogo sifeeyeen, maanta bal aan isla
fiirinno, Jannada sifaadkeeda iyo quruxdeeda:
Waxaan meeshaan ku soo koobeynaa macnaha
xadiithyaal iyo aayado ka hadlay Jannada, Allaha naga yeelo ahalkeedee. aamiin.
Furaha ( miftaaxa) Jannada
Furaha Jannada waa ( user name) " Laa ilaaha
ilal Allah, Muxammadun Rasuulullah"
Furaha Jannada ( Password) waa " camalka
saalixa ah oo la sameeyo, qofkaan camal saalixa ah sameysan, muftaaxa jannada
uma furo.
Qofka ugu hor galaya Jannada
Rasuulka Allah , Muxammad SAWS, kadib markuu u
shafeeco muminiinta.
Albaabyada Jannada
Waa siddeed
- Albaabka Muxammad SAWS, oo la yidhaah
albaabka tawbada
- Albaabka Soonka, oo la yidhaah, albaabka
Rayaan
- Albaabka Sakada
- Albaabka Sadaqada
- Albaabka Xajka iyo Cumrada
- Albaabka Jihaadka
- Albaabka xidhiidhinta ( waalidka, qaraabada
iyo wuxuu Allah faray in la xadhiidhsho)
Darajooyinka Jannada, iyo qolalkeeda
Jannadu waa darajooyin, waxaa ugu sarreeysa,
Al Firdows Al Aclaa. wexeyna ku hoostaalla carshiga Raxmaanka Caza wa Jalla, oo
ay ka soo burqadaan wabiyaasha jannada ee afarta waaweyn ah.
- 1. Wabiga Caanaha
- 2. Wabiga Malabka
- 3. Wabiga Khamriga
- 4. Wabiga Biyaha
Maqaamyada Jannada Firdowska
Firdowska dhexdeeda waxaa ugu sarreysa
Maqaamka la yidhaah ( Al Wasiilah) oo ah maqaamka Rasuulka SAWS, qofkii u barya
allah Rasuulka SAWS in maqaamkaas la gaadhsiiyo, wuxuu xaq u yeeshaa in
Rasuulku SAWS uu u shafaaco qaado maalinka qiyaamaha.
Waxaa ku xiga qolalka ahlul Cilliyiin, oo ah
daaro isdulsaaran, oo ka sameysan jawahirta qurxan oo qaaliga ah iyo dhagaxda (
Gems) oo ay hoostooda wabiyaashu durdurayaan. Maqaamkanna waxaa leh Nabiyaasha,
Shuhadada, kuwa Dhibka iyo cudurrada ku sabra, iyo kuwa isku jecel Allah
dartiis.
Waxaa kaloo ku yaalla Jannada qolal ka
sameysan jawaahir sida quraaradaha (dhaloodhinka) oo la iska dhex arko.
Jannadaas waxaa leh
- 1. Qofkii hadal qurxan ku hadla
- 2. Masaakiinta cunnada ku sadaqeysta
- 3. Saqbadhkiina, markey dadka seexdaanna, u
istaaga cibaabada Allah jeceyl awgiis.
Waxaa markaas soo hadhay darajooyinka boqolka
ah oo dadka inta soo hadhay loo kala qaybiyo, qofwalba iyo wuxuu shaqeystay
intuu noolaa. Waxaana ugu liita darajada qof leh hantida iyo maalka toban oo
boqorrada aduunka ugu taajirsan.
Magacyada Webiyaasha Jannada
Jannadu wexey leedahay webiyaal iyo ilo (harooyin)
oo ka soo wada burqada afarta webi ee ka yimaada Firdows Al aclaa, waxaana ku
soo arooray magacyadooda Quraanka waxaana ka mid ah:
1. Webiga Al Kawthar: waana webiga Jannada oo
la siiyey Rasuulka Allah SAWS oo ay ka cabayaan Muslimiintu, maalinka xisaabta
qiyaamaha, ooy kabban doonaan, kabbasho ayan dabadeed oomi doonin mahada Allah
darteed, waxuuna Rasuulku SAWS ku sheegay webigaas in xeebtiisa ay ka sameysan
tahay luulka qolofkiisa, ( Pearl Shells), carradiisuna ay tahay Misk,
biyahiisana ay ka ka cadyihiin barafka ( snow), kana macaan yihiin sokorta,
weelashiisana ay yihiin dahab iyo qalin.
2. Webiga Al Baydakh:
Waa wabiga la dhex geliyo shahiidiinta oo ay ka
soo baxaan ayagoo u qurxan sida bisha habeenka caddaha ah, ayagoo ka bogsaday
dhibkii adduunka ku soo gaadhay Allah dartiis.
3. Webiga Baariq:
Waa webi ku yaal albaabka Jannada, oo ay
fadhiistaan shahiidiinta, oo loogu keeno risqigooda jannada, habeen iyo maalin
walba
Ilaha Jannnada ( Lakes)
1. Isha Tasniim:
Waa wax ay cabaan reer jannada waxa ugu sharafka
badan, jannada oo ka sameysan raxiiq al makhtum ( Ubaxa carfaya) ooy cabaan
kuwa Allah uu soo dhoweeyey, waxaana loogo daraa Misk kuwa loo yaqaan asxaabul
yamiin, waana meesha Allah dadka faray iney u baratammaan
2. Isha Salsabiil:
Waxaan leh ahlul Yamiin, waana cabitaan lagu
daray Zanjabiil.
3. Isha, Mizaajkeedu yahay Kaafuur:
Waxaan leh Abraarta, waan cabitaan aan lagu
sakhraamin, oon lagu madax wareerin oon caqliga qaadin, oo qofka caba ka
farxisa farax badan oonan ayadoo kale dunida oollin. Waxaana jooga wiilal
mukhalladuun oo u eg luul la daadiyay, oo ku la wareegaya koobab dahab iyo
qalin ah.
Cunnada Ahlul Jannada
1. Hilib, hilib shimbiraha, faakihada, iyo wax
walboy naftoodu tabto.
Geedaha Jannada
Waa geedo tiirkoodu ka sameysan yahay dahab,
caleentooduna dhagaxda Zummurrudka qaaliga ah oo cagaaran, iyo jawahir.
1. Geedka Duubaa:
Wuxuu sheegay Rasuulku SAWS inuu geedkaas u
egyahay geedka qumbaha, aadna u ballaadhan yahay, oo ay midhihiisu ka soo dhex
baxaan dharka reer Jannada ay xidhaan, midho walbana ay ka sameysmato
todobaatan dhar la xidho, midabo qurxan oo ayan arkin reer adduunka.
2. Sidratul Muntahaa:
Waa geed weyn oo ku hoos yaal carshiga Raxmaanka
hoostiisa, oo xidikiisu ka soo burqadaan afata webi, waxaan ku dheehan Nuurka
Allah SWT iyo malaa'igta farabadan. waana maqaamka Sayyidinaa Ibraahim, CS, ooy
la joogaan carruurta muslimiinta oo saqiirtay, oo ku dhintay fitradii lagu
uumay, asagoo u ah sidii aabbahood. Caleenta geedkaas waxaa ku yaal cilmiga
uunka oo dhan, iyo wax aan Allah SWT mooyee cidkale ogeyn.
Midha Jannada
- 1. Al Tiin
- 2. canabka
- 3. Timirta
- 4. Gobka
- iyo wax walboo Allah ku uumay dunida oo
midha ah iyo waxaan la oqoon oo cusub
Sifada Reer Jannaadka
1. Ragga Reer Jannadka:
Waxaa Alla soo saari doonaa ragga reer jannada ah
ayagoo u eg aabbahood Adam, ayagoo qaawan, oo qurxoon oo indho kuulan oo
cumrigoodana yahay 33 sano jir. Ayagoo leh quruxda Nabi Yusuf, qalbiga Ayuub,
iyo carrabka Nabi Muxammad SAWS. Ayagoo allah u dhameystiray qurux iyo
dhallinyaranimo, oonan dhimanin, oonan hurdin.
2. Haweenka Reer Jannaadka: Haweenka Jannada
waa labo nooc
- a. Xuurul Cayn:
Waa uun Allah uu ku uumay jannada, oo loo uumay
reer jannadka oo Allah uu ku mataalay Yaaquut wal marjaan, ama lul maknuun.
waa haween aad u qurqurxoon, carfoon,
kor jilcan, hadii mid ayaga ka mid ahi ay soo qooraansato reer adduunka,
wexey iftiimin laheyd adduunkoo dhan iyo wax dul jooga, mu'minkana waxaa
sugaya kuwa aan la tirin karin oo ayaga ah.
- b. Haweenka Ree Adduunka ee muminatka ah:
Kuwaas waa boqorrada Jannada, waana ka
sharaf badan yihiin, oo ka fadli badan yihiin, oona ka qurux badan yihiin
Xuurul Ceynka.
3. Wiilasha:
Waa uunka jannada oo ka adeega jannada oo da' yar,
oo u adeega reer jannadka, ayagoo la wareega cunnada iyo cabitaanka , mar
walbana heegan u ah iney u adeegaan ahlul Jannada. Araggooda aad buu u qurxoon
yahay taasoo farax gelisa reer jannadka markey ka qaadanayaan cunnada iyo
cabitaanka.
4. Dhasha Jannada Ku dhalata:
Dhashaani waa naxariista Allah siiyo dadka
muslimiinta ah oo adduunka ku dhali waayey carruur , haddey doonaan dhallaan,
Allah ayaa siiya carruur ahlul Jannah ah ooy ku farxaan, raxmaddiisa awgeed.
Allow naga yeel kuwa dhaxla Jannadaada, oo
istaahila nicmadaada.
Allow naxariistaada nagu daji daaraheeda
Allow nagu arzaaq fardowska sare adigoo noo
naxariisanaya haddaanaan ku istaahilin camalkeenna, maxaa yeelay ma heyno camal
na gaadhsiin kara Fardowka sare marka laga reebo jaceylka aan u qabno aragtida
wajigaaga kariimka ah, iyo jaceylka Rasuulka SAWS na soo gaadhsiiyey hagar
la'aan fartiintaadii oo kaamil ah.
Mahad oo dhanna waxaa mudan Allah SWT.
Qore: Faisal
bulhan |
Faisalbulhan@hotmail.com
Minnesota USA
» Yaa
Qabyaalad Lagu Jiidan Karaa, yaase wax ku jiita?
[Bulxan]
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|