SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta.

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

Ceynte@comcast.net 

July 18, 2003

 

KAAH

Dumarku meel walba oo eey ku dhaqan yihiin-ba waa laf dhabarta bulshada. Waa hooyooyinkeena, walaaleheen, xaasaskeena, habaryaro iyo eedooyinba. Darajooyin intaas sii dheerna siyaabo kale ayeey ku hantaan.

Ka shacab muslin ah ahaan, Dumarku waa ineey ahaadaan kuwa ka danbeeya ragooda, kuna adeeca wixii wanaag ah oo qura. Doorkaas asaasiga ah, macnihiisu ma'ahan sida eey u micno xumeeyeen warbaahinta reer galbeedka oo ku tilmaama dumarka Muslimiinta ah kuwa "la gumeysto." Iskaba daaye in lagumeyste'e, Diinta islaamku wexeey u sharaftay dumarka si eeysan ragga u sharfin. Suuradda seddexaad ee tiriska Qur'anka Kariimka ah ayuu Alle ugu magac daray (Al-Nisa'a) ama Suuraddii dumarka. Qur'anka kuma jirto suurad labka loogu magac daray oo "Ragga" Ama (Al-rijal) la yiraahdo !

Doodii dhex martay gabdhaha Soomaalida Minnesota ee ay Qortay jariidada StarTribune sannadkii 2000 ... AKHRI

Reer galbeedku andocooshadooda ineey dumarka xurmeeyaan waa mid aan wax la taaban karo wadan. Tusaale ahaan, Gabadha reer galbeedka ah marka la guursado ninku wuxuu ka xayuubiyaa abtirsigeedii, isagoo markaas magicii aabaheed/awoowaheed ku beddela kiisa ! Ma quursi intaas ka weyn baa jiri kara? Midda ku saabsan doorka hogaamineed ee dumarku ku yeelan karaan bulshada, oo iyana reer galbeedku ku andocoodaan inaan dumarka Islamka ah waxba laga siin awood qeybsiga siyaasadeed ee waddamada islamka, iyana waa sheegasho aan raad iyo asal toona laheyn. Marag ma doonato waxaa kuugu filan in waddamada islamka ugu awooda badani eey ka amriyaan dumar. Sida: Indonisia, Pakistan & Bangladesh oo dhamaantood eey madax ka yihiin amaba ka ahaayeen dumar muujiyey ineey hogaamin karaan qaran baaxadiisu boqolaal milyan gaareyso.

Marka aan sidaa leeyahayna, ma sii dhex dabaalanayo dooda weyn ee ku saabsan "Dumarka Islamku ma qaban karaan jagooyin sarsare ? " taa Culimaa'udiinka ayaan faraha uga qaadayaa. Sidaas oo eey tahayna, Waligiin ma aragteen gabar madaxeyne ka ah waddamada tabarta is baday ee caalamka galbeedka ? Waayahanna in la arki doono shaki weyn baa iiga dahaaran. Nasiib xumo waxaa ah in fikradda ah in Muslimiintu addoonsadaan dumarka eey ka dhaadhacday walaalo kale oo muslimiin ah. Haa, weey jiraan takri falyaal ka dhan ah dumarka Islaamka, Laakiin ma gaarsiisna heerka eey warbaahinta reer galbeedku u dig iyo damleeyneyso.

Dumarkeena Somaliyeed iyo Doorarkoodii shalay iyo maanta.  

Ayaan Xirsi Cali Ikraam Cali-kaar
Waa laba gabdhood oo Soomaali ah oo labaduba jooga qurbe, gaar ahaan Yurub. Hadaba akhri qoraalkii ay qortay Ikraam kana qortay Ayaan Guji....
HADALO AY YIRAAHDEEN LABADAN GABDHOOD:
Ayaan: waxay sheegtay in diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka".
Ikraam: waxay tiri "waxaa Ayaan darro ah in Ayaan ay maanta sidato magacii soomaali ee islaanimada lugu yaqiinay oo diintii iyo soomaalinamadii ay waxaan macno laheyn ka dooratay, islamarkaasina faraha lagashay Diintii Ilaahey." [Tixraac...]

Iyadoo eey jiraan dhamaan arrimaha kor ku xusan ayeey misana nasiib xumo qaar kamid ah dumarkeena maanta gabeen doorkoodii dumarnimo. Dumarkeenu wexeey ahaan jireen kuwa guud ahaan ka danbeeya ragooda, sida diintuba fareyso. Wexeey ahaan jireen kuwa hagaajista guryahooda, carbiya hab-dhaqanka caruurtooda, soona koriya jiil caruur ah oo u diyaarsan ineey bulsho weyntooda la noolaadaan.

Marba hada hadii galbeedkiiba la yimid, waxaad arkeysaa/maqleysaa takri fal xag jira oo lagu sameynayo awoodaha xadidan ee dumarka maanta la siiyey. Ka soo billow maalinta guurka oo qaar hablaha Somaliyeed ee maanta jiraa kamid ah eey shardi uga dhigayaan in raggu qaban qaabiyaan xaflado ka baxsan dhaqanka Islamka iyo kan Somalinimadaba. Xafladahaasi waa kuwa lagu marti qaado hobollo caan ah oo "nooleeya" habeenkaas, waa sida eey jecel yihiin ineey u dhigaan'e. Marka leys guursadana, waxaa soo labeysa la tirsi joogto ah oo ragga lagula xisaabtamayo dhamaan dhaqdhaqaaqyadiisa nololeed. Inbadana, hadii uu xitaa khalad dhoco laga daadajiyo sarta markaas lawada deggan yahay "Isagoo bacdiisa madow wata ! " oo loola jeedo; isagoo calaladiisiina gabarka u suran yihiin ! Falalkani waa kuwa si joogto ah uga dhaca galbeedka, kuna badan dumarka aqoonta yar ee faanka mooda ineey caruurtooda aabohood ka eryaan gurigiisii uu raaxada u soo raadsaday, iyadoo waliba marmar uu baraf aan raxmad laheyni da'ayo ! Waa mawqif fool xun oo nin sharaf is moodayba ka dhiidhiyo. Waa iga su'aale; Hablayahow hadmaad hagaagi doontaan ?

Doorkee dumarka looga baahan yahay?

Anigu marnaba soo jeedin maayo ineey gabdheheenu iska liqaan dhibaatooyin joogto ah oo ragga kaga yimaada. Xaq beey u leeyihiin in si sharci ah dhibaatooyinkaas wax looga qabto. Ragguna maba ahan ineey marka horeba dumarkooda dhibaateeyaan. Iskaba daa ineey wax gaarsiiyaan'e. Khilaaf kasta oo yimaadana waxaa haboon in si aan guri iska eryid aheyn lagu xaal mastuuro. Hadii kale cawaaqib aan la mahdin doonin ayaa daba taalla.

Doorka laga doonayo gabadha muslinka ahi waa ineey talo wadaag la noqotaa seygeeda. Marka aan sidaa leeyahay, waxaan ula jeedaa ineeysan ku raacin wixii ka soo horjeeda awaamirta diinta Islamka. Waa ineey ahaataa mid il-raaxo u noqotaa seygeeda, si uusan markaas ugu fekerin xumaantooyin eey gogol dhaaf ka mid tahay. Waxa gogol dhaafyo ah oo aad maanta dhulkan ku aragtaan waa natiijooyinka xurgufyo hoosaad la xallin waayey. Carabtu wexeey ku maahmaahaan "Reer Makkah iyagaa buuraheeda dadka ugu badiya " Marka Lamaanuhu iyagaa danohooda dadka oo dhan ka yaqaan, ee xuruguf hoosaadyada sidaa halagu dhameeyo. Ragguna waa kuwa malaa'ik ah ma lihi. oo kuwa dumarkoodu diyaar u yihiin oo makhaayadaha 2-da habeenima ka sheekeynaya ayaa badan.

C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceynte@comcast.net (new!)


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2003 

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Sawirada waxaa daabacaha soo gaarsiiyey Xagaryare

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD