SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA
Winner of the Waiting Game.

Yusuf Osman Kenadiid.

London, Ontario, Canada

yusufosman277@hotmail.com

July 25, 2003

 

KAAH

 Dad badan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi ayaa la fajacsan sababta guul looga gaari la'yahay hanaanka geeddi socodka Shirweynaha dib u heshiisiinta iyo dowlad u helid dadka Soomaaliyeed ee sanad muddo ku dhow loo fadhiyo duleedka Caasimadda Kenya ee Nairobi.

Waxaan labo Cali isweydiineyn in ay jirto sabab arrinta heshiis la'aanta keeneysa iyadoo sababuhu badnaan karaan anigu waxaan u arkaa iyadoo la isku dhex darey dad ku kala duwan kuna kala sareeya dhanka:- Aqoonta, Waayo aragnimada, siyaasadda, kartida, Maamulka, barbaarinta, dhaqanka, garashada, daacadnimada, iyo ilbaxnimada.

Marka aad eegtid qeybaha bulshada oo shirka joogan marna ma ahan badidoodu dad wadaagi kara Figrad, Talo iyo Isfahan. Waayo waxaa kala duwan nolol dhaqameedkooda ay ku soo koreen, marka ma ahan dad laga sugayo iney si dhibyar isku gartaan talo iyo aqoon isweydaarsina qeybsadaan.

Qeybaha bulshaweynta soomaaliyeed ee shirka jooga waxay ka koobanyihiin sidan:-

1- Ra,isalwasaarayaal oo dal dagan oo sharci iyo kala danbeyn ka jirto soo maamuley.

2- Isimo sida Boqoro, Suldaano, Ugaasyo, Garaadyo, Malaaqyo iyo Wabaro.

3- Wasiiro, Janano, Ambassatoorayaal iyo dad darajo sare ka gaarey Dowladnimada.

4- Culimada diinta oo dhaqan islaanimo iyo caqiido fiican leh.

5- Aqoonyahano Qeybaha cilmiga wax ka yaqaan, waayo aragnimo fiicana leh.

6- Siyaasiinta cusub sida darawalada, Kawaanleyda, waratada, Timojereyaal, Cunto kariye, Dawaarle, Kawejabiyeyaal, Xoolodhaqato kaluumeysato, dhiig Islaameed qabayaal (Criminals & killers) iyo qaarkale oo ka sii liita.

Si loo garto qeyb walba ayaan qaar ka magacaabay, gaar ahaan si loo garto qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ay ka kala yimaadeen.

Waxaan kale oo ku talin lahaa dadku waa iskala yaqaane in talada loo daayo dadka mudan lana sameeyo Hawl Qeybsi (Job Description ) qof kastana loo daayo hawlaha uu waayo aragnimada u leeyahay loona sheego siyaasiinta cusub iney hawlahooda Kaawo jabinta dib loogu celiyo. Waxaan kale oo Ragga iyo Gabdhaha Shirka fadhiya u soo jeedinlahaa iney si degdeg ah u doortaan THE WINNER OF WAITING Game. Hana ka dhiginina sidii Carta KHasaartey.

Wa bilaahi Tawfiiq. 

QORAALADII HORE EE YUUSUF CUSMAAN..  GUJI..

Yusuf Osman Kenadiid.
London, Ontario, Canada

yusufosman277@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2003

 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD