SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DOXA
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!

Waa maqaal aan kuradinayo ninkii afsomaliga dhiiri galinayey.

Al-Hassani | abuzuhri1@hotmail.com

KAAH

Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?” Runtii afka somaliga iska dhaafee waxaa halis kujira jiritaanka dalka iyo dadka haddii aaney soo bixin isbadalo degdeg ah sidaas awgeed waa fikrad yara soo hormartey in loo dooda luuqad.

“Waa dadka kali ah ee isku diinta, dhaqanka, qabiilka iyo luuqada ah…” waxaan filaya inaay soo afjarmatey oo loo baxsanwaayey.

BAAHIDA LOO QABO AFSOMAALIGU INTEE BUU LA’EGYAHEY?

Waa su’aal jawaabteedu aad ku soo koobi kartid: “Inaan isku garano inaan Somali nahey, kadibna isku cayno oo isugu faano ama lagugu dilo marka la’ogaada qabiilka aad Somali kasiitahey”

Somaligu ma’aha luuqad u’adeegeysa hormarinta dalka iyo dadka midna.

Dunida aan maanta taaganahey ee dabayaaqada ahi uma baahno in afsomali hormar lagu sameeyo wax kabadan inta uu hada yahey oo aan waraaqaha kuqortaan dadka aan aqoonta sare laheyn sideyda oo kale.

Dhibaatada uu layimid afsomaaliga lama soo koobi karo xaga waxbarashada.

Fikradii aheyd in laqoro afsomaliga waxaay aheyd mid kuxirneyd nidaam siyaasadeed oo markaas jirey oo oranayey: “Qofku waa inuu afkiisa hooya wax kubarta kuna shaqeeyaa” Intiiba midna madhicin baahida loo qabo waxbarasho luuqadaha kale lagu dhigto waxay noqotay lagamamaarmaan xitaa intii uu jirey nidaamkii dhiiri galiyey in afsomaliga wax lagu dhigto.

Rag baa malaayiin kharash iyo waqti kaga dhumay sidii ay ubaranlahaayeen luuqadaha wadama ay waxbarashada utageen ayagoo soo waxbartey afsoomali ilaa heer jaamacadeed.

Rag baa Jaamacada Umul Quraa kasoo tuurey afar sona walow ay garanayeen dhamaan maadooyin lagu dhigayo laakinse luuqada oo ku adkeed awgeed lagu qasbey inaay dhameystaan 4sano.

Haddii ay jiri laheyd dowlad sida Japan ama China oo hormarisa in luuqada hooya wax lagu dhigta kadibna shaqo lagu helo aad bay ufiicnaanlaheyd. Afsomaali iskuul kaga soo bax, hadhowna luuqad kale shaqo kuraadso sow raadkaada dib uqaad ma’aha.

Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad?  GUJI... July 2

Baahida luuqada ayaan kaa hareyn xitaa haddii aad dhaqaalahaada aad usareeya.

Wadama Khaliijka ee kufadhiya kheyraadka aduunka 3meelood halmeel ayaa kubixiya luuqadaha barashadooda lacag aan lasoo koobi karin kadib markii aay soconweydey xoojinta luuqada Arabiga waa hormarka maanta dunida wuxuu kusocdaa cilmi kayimid reer galbeedka.

Sidaad sheegtey in loo kala turjumo ciyaal iyo waalidkood ama labo walaalo ah waa wax kadhashey dal la’aanta iyo wadamada shasheeya lagu noolyahey. Ama waalidka oo aan caruurta lasheekeysan ama aan arag waxaay keeni kartaa in loo kala turjama laakinse ilma aad korsatey madhicikarto in lagaaga turjama.

Madiidani in afsomaliga laqoro oo laga dhigo maadooyinka laqaadanaya mid ka mid ah sida luuqada sawahiliga east Africa oo katahey.

Qolooyinka aqoonyaanada ahi ee meesha la’isugu keeney waxaay kuqasbanyihiin inaay kuhadlan luuqadii waxlagu soo barey si’ay umuujiyaan taariikhda wadanka wax soo barey. Sidaas ayaa loo soo taba barey. Waa muujin inaay luuqada kuhadlikaraan ee ma’aha inaay afsomaliga aqoon.

Umada kama baxeyso inaay qadarineyso luuqadah ajaanibta ilaa ay cilmi yeelato, cilmigana wuxuu kuqoranyahey luuqada ajaanibta.

Waxaa luuqadaha loo jeceyl yahey ma’aha gaalo jeceyl ee waa cilmi jeceyl. Cilmigiina maalmahaan magaareysid adigoon luuqadaha aqoonin.

Tankale umada somaliyeed laguma tiriyo dadka luuqadaha aduunka yaqaan.

Waxaad arkeysaa wadan ay daganaayeen mudo 30sano iyo kabadan hadana luuqadiisa siwanaagsan ugu hadli karin. Markaas waxaa ku adkaata noolasha wadankaas.

Baahida ay Somaalida uqabto dunida kale waxaay lamidtahey sida baahida loogu qabo biya taasi waxaay keeneysaa in xoog lasaaro luuqadaha kale lana yareeyo dhiirigilin luuqada Somaliga.

Luuqad la’aanta Soomalida waa tankeentey hoos udhaca waxbarashada Somalida degta wadamada Ethiopia iyo Kenya.

Intii uu wadanka burburey waxaa badbaadey intii waxyar kataqaaney luuqadaha kale. Mid kumeel maro, mid waxbarasho dibida kaga helo iyo mid shaqo kuhelaba intaba.

Al-Hassani  | abuzuhri1@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE ALHASSANI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan,


 

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD