-------------------------------
waa kuma cabdulaahi yuusuf axmed?
waa halgamaagii ugu horeeyay ee aas aasa urur siyaasadeed oo mucaarad ah
isagoo ka dhiidhiyay caburintii nidaamkii 21 sano ka talinaayay dalka.
sidaa silamida ayuu mudane cabdulaahi maanta diyaar u yahay in uu kaalin wax
ku ool ah ka gaysto badbaadada qarankii soomaaliyeed ee burburay ee mudada
13sano ah ka maqnaa fagaarayaasha bulshada caalamka.
arintaa halgankeedu isaga oo aysan fududayn ayuu mudane cabdulaahi yuusuf
isagoo kaashanaya waaya aragnimadiisa uu u leeyahay dalkiisa iyo dalkiisa iyo
waliba kartida rabaaniga ah ee eebe kumanaystay ayuu maanta diyaar u yahay soo
celinta amnigii iyo kala danbaytii qaran burbursan 13sano. waayo nolasha waxaa
aas aas u ah nabad, nabad la'aanteed nolol majiri karto[gacalo waxay ku hoyataa
guri nabadi taalaa].
|
WIIL UBAAHAN
GARGAAR CAAFIMAAD |
Wiilkan
yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey,
wuxuuna u baahana yahay
gargaar degdeg ah. |
mudane cabdulaahi yuusuf isagoon loga baran BALAN BEENA BULSHADA
HORTEEDA,waxa uu wax weyn ka qaban doonaa-
1-dib usoo celinta amnigii iyo kala danbayn
2-dib u soo noolaynta kabayashii dhaqaale ee bur burka baaxada leh saameeyay
3-caafimaadka--sidaan wada ognahay waayadan danbe dalkeena waxaa ku soo
badanayay cuduro aan horay loo aqoon hadii aan si deg dega looga hortagina
sababi kara masiibo qaran mar labaad dalkeena.
4-waxbarashada--aqoon la'aan waa iftiin la'aan waxbarasha wadanka ayaa ah
meelaha uu bur burku uu sida aadka ah u saameeyay iyadoo isku rogtay meela laga
faafiyo caqiidooyin aan horay looga aqoon dalkeena oo doonaya in ay ka
weeciyaan bulshadeena manhaj diineedkii islaamiga ahaa 12qarni in kabadan ka
jiray dalkeena ee SUNNIGA ahaa.
w.diyaariyay maxamuud m. cali yariim |
carab2002@yahoo.com