| MUSHARAX CUSUB EE DOORASHADA MADAXWEYNAHA 
 SOOMAALIYA Cabdullaahi Warfaa oo kusoo biiray tartanka madaxweynaha dalka 
 Soomaaliya warqadii uu u diray IGAD si uu isu sharaxo waxay ku bilaabatay sidan:
    wakhtiga dhalashada : 1973 
 meesha : Soomaliya , Hargaaysa
 To : Chairman o f (IGAD) , 
 Technical Committee Ambassodor Bethuel Kiplagat , UN , Eu , Arab League Non 
 Governmental Organizations , Somali Traditional Leaders , Political Leaders and 
 all international Communities.
 
 waxaan halkan ku caddaynayaa anniga oo ah Cabdullahi Warfa in aan u taaganahay 
 tartanka jagada Madaxtinimada Soomaaliya . waxaan ahay nin da'yar oo aqoon 
 fiican u leh dalkiisa , dadkiisa , isla markaana horseed u noqon doona 
 Musraqbal Fiican , fayow , oo ay yeelato Soomaaliya.
 
 Hadii ay dhacdo in aan helo kalsoonid Shacabka Soomaliyeed waxaan darajadda 
 koowaad siin doonaa
 
 * Xalinta dhamaan dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyada oo la adeegsanayo 
 wada xaajood iyo isqancin
 
 * Waxaan mudnaanta koowaad siin doonaa Nabadgalyada iyo sugida xasiloonoda 
 dhamaan Soomaliya.
 
 * Sharciyeeynta qanuun mamnuucaya haysashada , iibinta iyo iibsashada noocyada 
 kala duwan ee Hubka
 
 * Kor u qaadida nolasha muwaadin kasta oo Soomali ah iyo ilaalinta khayraadka 
 dabiiciga ah si loogu faa'iideeyo Jiilka soo kacaya.
 
 *Samayn Nidam waxbarasho oo ka turjimi kara baahida jiilka Soomaaliya ee soo 
 kacaya.
 
 * Waxaan u tiirin doonaa dib u dhiska Dalka aqoon yahannada Soomaliyeed.
 
 * Waxaan samayn doonaa Nidaam Dhaqaale oo ku salaysan suuqa furan .
 
 * Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed wuxuu xaq u heli doonaa waxbarasho, caafimaad 
 iyo khadaamaadka Biyaha oo bilaash ah.
 
 * Waxaan sayn doonaa barnaamij u suurta galinaya qurba joogta in ay wadankooda 
 dib ugu soo laabtan , kana qayb qaataan dib u dhiska Dalka.
 
 * Waxaa muqas ah sharafka iyo dhulka Soomaaliyeed .
 
 * Waxaan awooda saari doonaa daryeelka danyarta , Agoonta iyo dumarka .
 
 * Waxaa aaminsanahay in sharcigu ka sareeyo cidwlba , sidaas daraadeedna uu 
 qaban doono ruxii ku xad gudba qawaaniinta dalka u yaala.
 
 
 Waxbarashada( Education Background )
 
 
 waxbarasho ilaa dugsi sare oo Soomaliya ah .
 
 College of East-north ( Higher Diploma in Economics)
 
 London University ( Masters in Economics )
 
 
 Personal achievements and role during my studies
 
 * ku xigeenka Madaxa arrimaha ardayda ee Jaamacadda
 
 * Waxaan Casharo caawin ah siiyay ardayda dhaqaalaha ee Jaamacadda Westminister
 
 * Saddex magaalo oo ka tirsan Ingiriiska ayaan ka run gareeya ganacsi
 
 
 
 Presidency candidate.
 
 Abdullahi Warfa.
 hajiwarfa@hotmail.com
    Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2003  ....
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
     Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku 
 saxiixan  
 
 |