SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Eldoret: Goob lagu tijaabinayo damiirka qofka Soomaliga ah.
WQ. Maryan Ifiso

Akhristow ka dib markay Soomaliya ku habsatay masiibo ay iyagu gacmahooda ku sameysteen ayaa waxaa in badan ku soo noqnoqanaya maskaxda qofka caadiga ah ee u damqanaya dalkiisa iyo dadkiisa su’aalo fara badan oo ay ka mid: Tolow maxaa helay ummadeenii? Tolow maxaa helay culimadii, aqoonyahankii, haweenkii, dhallinyaradii, duubabkii? Tolow ma Soomali baa maanta laga waayay qof damiir leh oo ka damqada waxa ku dhacay sharaftii calankeenii, dhaqankii iyo diintii suubaneyd ee sifaha u ahayd Soomalinimada? Tolow Soomali miyey dalkeedii nacday? Tolow waddanigii la sheegi jiray aaway?. Akhristow markaan su’aalahaa is weydiinayey waxaa madaxeyga geli waayay inaan magaca Soomali wada siiyo ragga siyaasiyiinta maanta Eldoret jooga iyo raggii u soo halgamay xornimadan maanta gorgortankeedu Eldoret yaalo.


(waatan sheekadii oo dhan
Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Su’aalahaas iyo kuwa kalaba waxaa jawaab iga siiyay shirka Eldoret. Ninka raja kalahow siyaasiga Soomaliyeed ee maanta Eldoret jooga, ogsoonow dadkaasi in ay yihiin damiir laawayaal oo dalkani yahay Gablan ama cad hilib ah oo haadda u wadhan. Taa waxaan daliil uga dhigayaa arrimahan hoos ku qoran:

Waxaan weligay maqli jiray ninka ama shaqsiga Soomaliga ah gorgortan kama galo bulugleey (Calanka). Laakiin taasi Eldoret ayay ku beenowday. Sida aad la socotaanba furitaankii shirka Eldoret waxay IGAD si badheedh ah u dejisay calankii Soomaliyeed iyadoo markaa tijaabinaya damiirka ergada shirka timid. Hal koox ma ogiye cid kale oo ka hadasha ama taasi ay dhibtay ma lahayn. Caqligu waa diidayaa in raggaas maanta Eldoret fadhiya iyo geesigii Maxamed Cabdulle Xalane (oo ay xabadda xabashidu dishay isagoo diidaya in amxaaro ay qabsato calankeenii) ay u wada sinaadaan Soomali.

Waxaa dhaqanka Somaliga ah ku weyn qiimeynta qofka reer u soo martiya oo marti soorkiisa mudnaan gaar ah ayaa la siin jiray iyadoo xitaa ay dhici karta in reerka martida loo yahay ay qadaan si martidu wax u hesho. Iyadoo taa IGAD ay ogsoon tahay ayaa waxaa ergada Soomaliyeed laga qaaday karaamadii iyo sharaftii martinimada. Bal eeg iyadoo bil soonqaad lagu jiro ayaa markii la gaaray xilligii afurka oo ay saf dheer u soo galeen ugaaladii Kenya lagu yiri adeeryaal baxa oo badda ka caba, iska daa wax kalee xitaa xabad timir ah iyo koob biya ah waa loo diiday. Ihaanada ku dhacday ergadani waxay magac xumo u tahay qof walba oo Soomali ah meeshuu doono adduunka haka joogee. Tolow miyey ka damqadeen siyaasiyiinta Eldoret? Jawaabtu waa maya? Maxaa u diiday in ay dalkoodii (ileyn Heybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyee!!) ay ku noqdaan oo ay geed hoostii fadhiistaan oo ay ku garamaan iyagoo markaan soo lisanaya xoolahooda cadkiisana cunaya, iyagoon saf u soo gelin oo dumarkii Soomaliyeed ee marti soorka ku wanaagsanaa si xushmad lehi ugu adeegi lahaayeen. Akhristow qaabkii ay walaalahayga waqooyi u dejiyeen dhulkoodii (sida shirkii Boorame) wuxuu ahaa mid ku dayasho mudan oo ku saleysan qaabka ay Soomali u xallisan jirtay arrimaheeda without IGAD ama cid kaleba.

IGAD intaa kuma ekaane (Ileyn nin weyn tag lama yiraahdee wuxuu ku tagaa la tusaaye) waxay toddobaadyadii tegay ugu gashay qolalkoodii iyagoo hurdda oo laad iyo budh kaga soo dejiyay sariirahii ay saarneeyeen oo iyagii iyo boorsooyinkoodiiba banaanka soo dhigay iyagoon u aaba yeelin dhallin yaro, waayeel iyo dumarkii laga xishoon jiray. Weli siyaasiyiintii kama damqan. War heedhe maxaa intaa oo karaama dara ah baday calankii iyo sharaftii magacii Soomaaliyeed? Waxa ku dhacaya ergadii waa waxay raggii hore ka gabyi jireen. Nin horey u gabyay ayaa yiri “ileyn ma dumaalo dumarku ninkey nolosha ku nacaane” koley anigu Maryan ahaan kuwa Eldoret fadhiyaa nolosha ayaan ku nacay dumaalna ugama fadhiyo.

Damiir laawayaashan waxay xitaa xusuusan waayeen maahmaahdii Soomaliyeed ee odhaneysay “Meel lagaa jecel yahay haddad ka tagto meel lagaa necebyahay ayaad tegeysaa”. Bal is barbar dhig sidii Carte loogu marti sooray Soomalida iyo indha xumada Eldoret taala. Walaalahayaga reer Jabuuti oo guryahoodii iyo gogoshoodii uga kacay ergadii Soomaliyeed ayaa la yiri waxaan ka dooranay Kenyan iyo IGAD. Soomalaay kala garo xabiibkaada iyo xaasidkaada. Gogishii walaalahiin reer Jabuuti idiin dhigeen haddaad qiimeyn weydeen oo aad ku heshiin weydeen ma waxaad ku heshiineysaa gogosha uu amxaarku odeyga ka yahay. Reer Jabuuti waxay doonayaan in arkaan Soomali oo dowlad leh, Amxaarkuna wuxuu doonayaa inuu arko Soomaliya oo dalkeedii iyo diinteedii baaba’day. Walaahi ilmo ayaa iga timid markaan daawaday cajalad laga soo duubay riwaayad ay fannaaniinta reer Jabuuti u dhigeen ergadii Soomaliyeed ee Carta, fadlan ila dhuux macnaha ka dambeeya ereyadan aan ka soo qabtay cajaladdaas, markaas ka dib ayaad garan amxaaro iyo Jabuuti cidda kuu damqaneysa:

  • Walaalahayagow kuwaan wada dhalanayow, kuwii wehel inoo ahaayow, waxaan la wareegayaa anigay igu waajib tahay.

  • Kuwaan wada dhalanayow waraabaan [Amxaar iyo shisheeye kale] keli u ahay, wadaa igu furan banaan wanaaggaagan jeclahay.

  • Gacalow walaal haddii adi gees ku mudo gadhka iyo wadnahaa I damqada.

  • Haddaad gaajeysan tahay gesiinku wax iima taro

  • Haddaad ilo kulul gashaa aniga waan kula gubaynayaa

  • Haweenkii hadduu gablamay geerida waan kula qabaa

  • Dagaalka gunaanadow gunaadada aan bogsiinee nabadda dhalataye gudoonsada.

IGAD wax walba way ku sameysay Soomlida hadday damqanayaan. Inta shir lala galo ayaa wax lagula heshiiyaa subaxiina liis cusub oo aan meeshaba ku jirin ayaa si oggaal ah loo soo dhejiyaa. Waxaa la gaarsiiyay in laaluush ay ku bixiyaan in ay ka arrimiyaan arrimaha dalkoodii hooyo. War dalkani ma IGAD baa leh mise kan laaluushka bixinaya? Ma IGAD baad u mareysaa sidaad dalkaada u dhisan lahayd, oo carruurtan iyo haweenkan xerooyinka qaxootiga daadsani aad guryahoodii ugu celin lahayd? -Waa su’aal da’ weynee dalkan yaa iska leh? Ma IGAD mise Soomali? IGAD sida magaceeda ka muuqda macnaheedu waa I GAD ama I IIBI oo ciddii u tagta ayay iibisaa marka waxa ay shirka u qaseyso waxaa weeye waxay raadineysaa cid ay qiima fiican kaga iibiso Soomaliya ee dhab kama ah in Soomali wax dowlad ah loo sameeyo (Qawda maqashii waxna ha u qaban!).

Waxaa laga saxiixay qoraal loo soo diyaariyey oo ahaa in xabad joojin ay dhacdo oo ciddii heshiiskaa jebisa IGAD talaabo ka qaadi doonta. Bal eeg iyadoo isla shirkii socdo ayaa IGAD waxay fasax iyo hubba siisay C/laahi Yusuf oo dagaal ku qaaday walaalahiis reer Qardho. IGAD ma ka hadashay, talaabase ma ka qaaday C/laahi. Haka sugin in talaabo laga qaado in abaal marin la siiyo ma ogiye.

Isku soo wada duubow akhristow ihaanada iyo karaama darada Eldoret taala ma ahan mid lagu doonayo in Soomali dowlad looga dhise ee waa goob lagu tijaabinayo damiirka qofka Soomaliga ah. Kaasoo xaqiiqdii soo baxday inuu yahay mid ka hooseeyo Zero.

Waxaan maqaalkeygan uga baxayaa rag iyo dumar qofkii dhiig iyo damiir lahow, oo ay Soomalinimo iyo waddaniyad qalbgiisa ku hartayow kac oo Allahaaga kaasho ee dalkaaga ka qabo yeydan cawaanta (Warlords).

Wa Bilaahi Towfiiq

Maryan Xaaji Cumar (Maryan Ifiso)

Maryan_ifiso@hotmail.com 

 QORAALADII HORE EE MARYAN IFISO

I  I  D  H  E  H

 January 17, 2003 

FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka faraha badan! GUJI.. 2/1/3


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD