HORDHAC:
Aan ku hormaro xaaska afraad oo
iyadu sida caadadu tahay ah tan aad loo kool kooliyo, loona daryeelo , wax
kastana la siiyo waayo dee wali dhal-dhalaal iyo dhamano bilicsan ayaa ku
dambeeya.
Xaaska saddexaad iyada aad iyo aad
ayaan u jeclahay, waana ku faanaa oo mar walba magaceedaan xusaa markaan
asxaabtayda la fadhiyo mawlacyada bilan. Walow aan mararka qaarkood ku
shakiyaa inay maalin maalmaha ka mid ah iga raacdo niman kale.
Xaaska labaad iyadana waan jeclahay
waxayna kuwa kale dheertahay dulqaad iyo garaasho, hase ahaatee marna
jeceelkeedu ma gaarsana heerka labada hore ay iga joogaan inkastoo aan aad
ugu kalsoonahay iyada. Runtana Ilaah baa kugu jecele markii ay dhibaato I
soo food saarto ayada ayaan ula cararaa, Ilaah ka sakoowna waa qof loo
ciirsan karo oo ku caan ah inay wax kala furdaamiso markii ay dhiida joogto
ee dhibo timaaddo wayna I garab istaagtaa.
Xaaska kowaad iyada wax ma kaaga
sheegaa waa tan kaliya ee ila wadaagtay noloshayda kharaar iyo macaanba waa
tan ila soo kifaaxday, kuna caan baxday daryeelidda noloshayda iyo gurigeyga
, waxaanse ka xumahay inaan idiin sheego inaanan jecleyn iyada walow iyadu
ay kal iyo laab iga jeceshahay.
Akhristow xumaa oo kharaara ku dhex noolow
jecel aysan labada daraf u dhameyn?!! Wax xille wax alla kuugu dar ilayn
habaar ma dhaafo!. Waa silicdilyada Shacabka Soomaaliyeed ka haysata
dableyda aan danihiisa wadin ee tooda kaliya lig-ligga haysta.
DULUCDA SHEEKADA:
Horo dhacaasi wuxuu ahaa dulucda sheeko
tibaaxaysa in uu jiray nin ganacsade ah oo qabay afar xaas (nin kasta oo ina
ka mid ah waa leeyahay afartaas xaas) xaasaskaas xaalkoodu wuxuu ahaa sida
xaasaska aan ka soo sheekeeyey. Markii ganacsadahaas geeridiisii soo
dhawaatay jiro qabatay awgeed ayuu ku yiri xaaskiisii afraad waa aniga ku
siiyeyey wax walba oo aad dalbataye, dahab qaali ah iyo dhar bilicsanna kor
kaaga ka buuxshaye ma I raaceysaa waan dhimanayaaye aad ii wehel yeeshide.
Sii deg-deg ah ayey ugu jawaabtay ku raaci mahayo, Ilahayna ima kaa daba
gasho. Deedna orod ayey isku xaabisay. Jawaabtaasi waxay ninkaas ku noqotay
sidii in mindi (toorey) waddnaha laga gashay. Maskiinkii wuxuu aaday xaaskii
saddexaad wuxuuna ku yiri waa anigii ku jeclaa intaas oo sanno ee I raac
maanta aad ii wehel yeeshide. Waxay ugu jawaabtay nolosha adduunku way
macaan tahay, waana ka xumahay inaan kuu sheego inaan nin kale guursanayo
markaad dhimato waxayna u qaaday heeso aan ka maqli jirey yaraantaydii
Idaacadda Muqdisho sida: (JAAW NABAD GALYOW..JAAW NABAD GALYO iyo GARI MA KU
GASHA MISE KAA BAXDAA…).
Deedna isaga oo caga jeed ah ayuu u tagay
tii labaad ka dib markuu u abaal sheegtayna wuxuu ka codsaday isla wuxuu
kuwii hore ka codsaday, waxayna ugu jawaabtay waan ka xumahay maanta kuma
kaalmeyn karo, inta kaliya ee aan kuu awoodi karo waa inaan ku geeyo qabriga,
jawaabtaasi waxay ku noqotay xabbad xiidmaha jartay ama dhafoorka daloolisay.
In yar ka dib si lama filaan ah waxaa meel fog ka soo yeertay qaylo, haddii
uu sii miliilacay meesha qayladu ka imaaneyso wuxuu arkay xaaskiisii kowaad
oo caato darteed lafo-lafo noqotay sidii iney ka timid xeryaha qaxootiga oo
aysan in muddo ah quudan. Waxayna ku dhawaaqaysay anigaa meeshaad rabto kuu
raacaya. Markaas ayuu tiiraanyo awgeed gorodda laad-laadshay una dhaqaaqay
calaa-cal isaga oo ku hadaaqaya waajibku wuxuu ahaa inaan ku xannaaneeyo
kuna daryeelo waanse ku hagraday.
Gabagabadii sheekadaani waxay na bareysaa
in qof kasta oo naga mid ahi leeyahay afar xaas. XAASKA afraad waa jirkeena
(Oogadeena) si kasta oo aan u dhaash-dhaashno wax kasta oo qurxoona gashano
waxba geerida dabadeed inoo tari mayso, namana raacayso. XAASKA saddexaad
waa xoolaheena iyo hantideena iyaguna markii aan dhimano dad kale ayaa la
wareegaya oo wax nooguma taal. XAASKA labaad waa eheladeena iyo asxaabteena
si kasta oo u xoog badan yahay xiriirka naga dhexeeya haddana meesha ugu fog
oo ay nala gaari karaan waa qabriga. XAASKA koowaad oo uusan qofna arki
karin waa NAFTA ama RUUXA), waana tan aan dhammaanteen dayyacno oo aan
hilmaano anaga oo ku mashquulsan duni iyo xaalkeed. Caqliga toosanna wuxuu
noo sheegayaa inaan iyada dar yeelo dayacana ka ilaalino maadaama ay tahay
tan kaliya ee na raaceysa nalana maraysa goobaha iyo waddooyinka ugu adag ee
na sugaya markaan dhimano.
Waxaan filayaa inay tahay sheekadaani mid
ina xusuusisa digriga Ilaahay inakuna baraarujisa falintaaka camal wanaagsan.
Said Hashi (Abu Sami)
shwarsama@hotmail.com
QORAALADII HORE EE ABU
SAMI:
1 | 2
| 3 | 4
| 5 | 6
| 7 | 8
| 9 | 10
| 11
January 9, 2003
FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA
QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka
faraha badan! GUJI..
2/1/3
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan.
com
|