SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
26 Janaayo waa malin sidee ah?

Maalinta taariikhdaas leh waa maalin tii la bixiyay madaxweynihii xukuumadii 21-sano heysatay wadanka ee maxamed siyaad barre waana maalintii eey hoobatay xuumadii mila tariga aheyd ee wadanka intaas ku heysatay xooga Afganbigana ku qabsatay laakiin sidee ayaa loo arkaa maalintaas manta? Maxaase lagaaray ujeedooyinkuu looriday xukuumadaas?

Maxaase ka suura galay ujeedooyinkaas?

Hadaba su’aalahaas ka jawaabidooda waxaa ka horeeya in la is weydiiyo horta markii horaba jabhadihii riday xukuumadii siyaad barre ma lahaayeen siyaasado cad cad oo eey ugu tala galeen in ey wadanka ku hagaan markey ridaan xukuumada siyaad barre? Taas ayaa jawaab u baahan jawaab teedana waxaa eey leeyihiin dadkii waday sida ey sheeganayeen halgankii lagu riday siyaad barre waa ey lahaayeen siyaasado cad cad laakiin waa la marin habaabiyay siyaasadihii ey ku socdeen waxaana marin habaabiyay siyaad barre iyo cadaw shisheeye oo uu wadankaan leeyahay taasoo keentay in ey sameysmeen ururro cusub oo aan aheyn kuwii soo hal gamay sida

Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

SULUX iyo MAANA FEESTO oo ahaa sida hadalka loo dhigay kuwo loogu tala galay in lagu kala qeybiyo dadkii soo hal gamay laguna abuuro is baheysiyo kasoo horjeedo kuwii soo hal gamay taasina ey keentay in la is hortaagay inuu fulo hadafkii la lahaa ama loosoo hal gamay

Dhanka kale dadka qaar ayaa waxaa ey arkaan in eey jabhadaha dagaalamayay ku kala duwanaayeen siyaasada iyo ahdaafta eey ka lahaayeen halgannadoodii taasoo keentay in qaar ka mid ah ey gaaraan hadaf yadoodii ama danahoodii halka qaar kala eysan gaarin danahoodii taasoo sabab looga dhigay ineysan marka horaba laheyn hadaf ama ujeedo cad oo eey hiigsanayeen iyo waliba siyaasad muuqata oo eey wadanka ugu tala galeen hadey qabsadaan waxaana ey leeyihiin dadka qabo ra’yigaan waxaa muuqata in jabhaddii lagu magacaabi jiray SNM ey tahay mida kaliya ee lahey hadaf cad oo eey u hal gameysay isla markaana laheyd siyaasad muuqata oo eey ku socotay taasoo keentay in eey gaartay dan teedii isla markaana eey hanatay hadafkeedii isla markii eey soo gaartay waqtigii eey fursada heshayna ku dhawaaqday in eey gooni ooga go’day soomaliyadii kale go’itaankaas oo ahaa hadafkoodii koobaad

Halka jabhadihii kalana eey ku guul dareysteen in eey sameeyaan maamul badala kii eey xukunka ka qaadeen

waayo waxaan marna aduunka ka dhicin in la rido xukuumad kadibna aan la helin ama aan la sameynin xukuumad badasho nasiib darrose ayagii yaa isku laabtay laba labana isu sii qabsaday taasoo keentay iney bilowdaan dagaallo sokeeye oo keenay in eey faraha ka baxdo siyaasadii wadanka oo dhan gaar ahaan koonfurta

wadanka oo noqotay meel la isku jii jiito oo marba dhinac la isugu raacdeeysto arintaasoo socoto ilaa hadda oo eey kasoo wareegtay 26-janaayo 12-sano eysano mar hadaan helnay jawaabta su’aashaas waxaan jawaab u baahneyn maxaa ka suura galay hadaf yadii la lahaa? Sideese loo arkaa26-janaayo maxaase la gaaray hadafyasii la lahaa?

Waxaana ilaa hadda muuqanin wax xal ah

marka laga reebo rajada laga qabo shirka ka socdo magaalada ELDORET ee wadanka kiinya oo asaga laftiisa aad moodo in eey ka muuqato in eey ka socdaan ama eey yaallaan arimahii keenay in siyaasad muuqato la aanteed la qaado qoriga lalanadaagalmo siyaad barre iyo waliba damacii xukun jaceyl eey uu nin walba isu waday asaga oo uusan wali ka tagin bal aad moodo in eeyba hadda kawada han weyn yihiin hogaamiya yaasha jabhadaha markii la ridaayay siyaad barre

I  I  D  H  E  H

  

uusanna ku qanceynin ninkasta inuu helojagada madaxweyne nimo ma ogiya taasoo ah jago yar oo hal kursi ah aan qeyb sameynin.

Waxaase loo joogaa waxa kasoo bixi doona shirkaas iyo waxa ka imaan doono iyo ninka tanaazulidoona oo ku raali noqon doona jaga aan aheyn jagadaas.

W.D. SADIIQ MAXAMED DAAHIR

MUQDISHO

SOOMAALIYA

Qoraalkan kala xiriir: bakar38@hotmail.com 

Jan 28, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH
| FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD