SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
 ....Walba aan Mareykan Isaga Biirno !

Faalo iyo warbixin: C/raxman Ceynte | St. Paul, MN, USA
ceyntejournalist@attbi.com

March 11, 2003

KAAH

Ninkii sidii uu rabay heli waayey, sidii uu ka badin waayo ayuunbaa la gudboon inuu yeelo. Marka la soo hadalqaadaba xaalka Soomaaliya adigoo jooga meel facshar ah oo misana qurbo ah, wadnaha ayaa mar uun qac ku dhaha. Sababtuna weey iska fududahay oo wexeey tahay: qofka ku weydiinaya arrimaha soomaaliya waa qof dowladi u dhisan tahay.

Dhamaadkii Todobaadkii ina dhaafay ayaa anigoo Transit (hakad) ku ah mid ka mid ah ganoonada [Airporada] mareykanka waxaa isoo ag-fariistay nin oday ah oo aan da'adiisa ku qiyaasay 65 ilaa iyo 70! ha yeeshee ii sheegay inuu 84 sano jiro.

"Mr Pavalov ayaa leygu yeeraa " ayuu igu salaamay, aniguna magaceyga ayaan u sheegay, markaas buu yiri " Assalaamu Caleykum " oo eey ka soo dhadhameyso inuusan carabiga si wanaagsan ugu dhawaaqi karin. Salaantii ayaan ku celiyey, dabadeedna wuxuu isla markiiba igu yiri " Somaali baad tahay sow mahan? " wuxuuna ii raaciyey " shakiba iigama jiree....." dabcan haa ayaan ku iri.

Mr. Pavalov wuxuu ii bilaabay sheeko nagu qaadatay 40 daqiiqo ku dhawaad oo uu ii sheegay inuu soomaaliya ku noolaa intii u dhexeysay 1971 ilaa iyo 1978-kii, wuxuu ii sheegay inuu ahaan jiray Latilayaha dhanka Milatariga ee Safiirkii Bulgaria Somalia u fadhiyey. wuxuu aad iigu amaanay cimilada Somalia. wuxuu ku soo celceliyey in isagoo jecel inuu soomaaliya ku sii noolaado laga soo beddelay isla markaana xabsiga la dhigay!. Mr Pavalov oo wadooyinka iyo shineemooyinka Muqdisho anigaba iiga aqoon badan ayaa ii sheegay inuu aad uga naxay dagaaladii sokeeyey ee Somalia. ha yeeshee wuxuu ii raaciyey " Cabdiraxmaanow laakiin hadda kamaba naxsani waxa idin dhexyaal" markii aan weydiiyey sababtana wuxuu la soo booday " adiguba ii sheeg Mabda'a aad isku heysataan? Soomaalidu intii aan u maleynayey weey ka caqli iyo garasho hooseeyaan" ayuu yiri isagoo madixiisa ruxaya.

"...adiguba ii sheeg Mabda'a aad isku heysataan? Soomaalidu intii aan u maleynayey weey ka caqli iyo garasho hooseeyaan" ayuu yiri isagoo madixiisa ruxaya." Mr Pavalov

Mr Pavalov intuu boorsadiisii Qufid ugu dhaqaaqay ayuu ka soo saaray sawir cadaan iyo madow ah, oo gabow ka muuqdo, oo ah isaga iyo Madax sarsare oo ka tirsanaa dowladii M.S.Barre oo aan anigu ka aqoonsaday Gen. Morgan. Mr Pavalov wuxuu ii sheegay ineey isla caweyn jireen madax sarsare oo dowladii soomaaliya ka tirsan. wuxuu ii sheegay inuu aad ula yaabi jiray sida saraakiisha dowladdu eey isaga isticmaali jireen hantida dowladda. Mr Pavalov wuxuu iigu dhaartay in sababta ugu weyn ee loo xiray eey tahay isagoo isku dayey inuu ka dhiidhiyo boobitaankii lagu hayey hantida qaranka soomaaliya. wuxuu ii sheegay inuu eersaday qoraal uu u gudbiyey safaaradda eey midowgii soofiyeeti (Ruushku) ku lahaayeen Xamar oo uu ku cadeeyey dhaca iyo boobka eey ku maamulkii M.S. Barre ku hayeen Qaranka.

Mr Pavalov wuxuu ii sheegay in masaalixda dowladaha danta ka leh soomaaliya eey ku dagaalamayaan gudaha Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo, Beydhabo IWM. Mr Pavalov naftiisa ayuu kala soo fakaday Bulgaria markii uu Hantiwadaagu ka talin jiray waddankaas. wuxuu iiga yaabsaday markii uu ii sheegay inuu la yaabay tirada soomaalida ah ee u soo qaxday galbeedka " qaran dhan oo dhowr million oo kaliya ah, hadii eey 20% dadka ku dhaqani soo qaxaan maxaaba ka haray" ayuu si tartiib ah u yiri. " anigu sidaas hadii eey tahay Mareykankaanba isaga biira ayaan idin oran lahaa" anigoo taas la yaaban ayaan ka hubiyey wuxuu ula jeedo, wuxuuna yiri " waxaan ula jeedaa, maadaama aadan laheyn hogaan lagu tashan karo, inaad dadkiina mareykanka jooga Senotoradiina la hadashaan oo tiraahdaan, wadankeenii nooga badbaadiya shisheeyaha aan waxtarka laheyn, oo ka codsada ineey Mareykanku idiin dhisaan dowlada eey iyagu naas-nuujiyaan dhowr sano oo daadihin ah, kadib marka danbena adinkaaba luguhiina ku istaagi doona marakale " wixii eeysan maanta Mareykani raali ka aheyn hirgalintiisa ayaaba iska adage ayuu yiri.

Anigoo yaaban ayaan misana hadalkii Siyaasigan garowsaday oo aan ogaaday inuu dhaxal gal noqon karo, hadii loo dhabba galo hirgalintiisa.

Mr Pavalov dayuuradii uu Florida (oo ah halka uu imminka dagan yahay)u raaci lahaa ayaa loo yeeray marka halkaas sheeko noo mareyso. ha yeeshee waxaan ku boobsiiyey su'aal aan muhiim u arkay oo aheyd: maxaa isku diray soomaaliya iyo Itoobiya xilligii aad safaaradda joogtay, sow hanti wadaag iskuma aheyn? maxaadse u maleyneysaa inuu ku danbeyn doono xiriirka labada dal? intuu isagoo sii istaagaya qosol tucushnimo ka muuqato ku dhuftay ayuu yiri " ... Labada dal aa? halkee laba dal joogaan cabdiraxmaanow? " Itoobiya iyo soomaaliya waxaa isku diray laba arrimood: Islaweyninka soomaalida iyo istiraatiijiyada Itoobiyaanka oo isdiidan " " Xiriirka labadaas (dadna) - wuxuu iska ilaaliyey inuu kalimada DAL isticmaalo- wuu sii adkaan doonaa inta eey labadaas arrimood jiraan " ayuu igu macasalaameeyey Mr Pavalov.

Mr Pavalov wuu iga diiday inaan sawir ka qaato, markii aan weydiiyey sababtana wuxuu ii sheegay inuusan dooneyn inuu saxaafad danbe ka dhex muuqdo noloshiisa inta ka dhiman, maxaa yeelay waxaan u sheegay inaan doonayo inaan mustaqbalka xitaa la soo xiriiro, isla markaana wadahadalkeenii kadiska ahaana aan saxaafadda ku faafiyo.

Markii aan isku geeyey hadalkii ninkan waxaa ii soo baxday dhowr arrimood oo awalba qalbigeyga ka guuxayey oo eey ugu waaweyn yihiin:

In qaranka soomaaliya xitaa markii uu sharafta lahaa eey tuugo iyo burcad u talin jireen.

in maslaxadda shacabku maanta ku jirto in maadaama aan is afgaran weynay aan dal shisheeye oo awood leh u qeeylo dhaansanno, sidii Kosovo oo kale.

In soomaalidu iskala weyntahay Itoobiyaanka, laakiin Itoobiyaankuna istiraatiijiyad siyaasadeed oo qoto dheer eey ka leeyihiin soomaaliya. taas oo aan anigu markasta u aaminsanahay ineey tahay doonid eey Itoobiya dooneyso in geeska afrika lagala tashado. taas oo eey qeyb ahaan ku guuleysatay ayaa la oran karaa.

ugu danbeyntii, In soomaalidu eey u baahan yihiin dhowr sano oo kale oo gumeysi ah si eey moraal ahaan iyo fikir ahaanba ula soo sinmaan dadyowga caalamka ee aayahooda ka tashaday.

Mr Pavalov wuxuu igula kaftamey inuu soomaaliya ku soo laaban doono kaliyata " hadii eey noqdaan gobolka 51-aad ee Mareykanka ama dal ku jeelan mareykanka sida Peurto Rico oo kale "

I  I  D  H  E  H

Wexeey ila tahay shacab weynaha ayaan u deynayaa ineey go'aan ka gaaraan ineey mareykan ku biiraan iyo inkale. si eey u dajiyaan kumanaanka dhalinyarada ah ee tahriib doonka ah, ee qaarkood xitaa sida hey'adaha caalamiga ahi sheegeen lagu bixiyo 15,000$ si Mareykan ama Yurub loo soo galiyo. sow idinlama tala wanaagsana hadii aanba dhulkooda u mareykaneyno si kumeel gaar ah....?

C/raxman Ceynte

St.Paul, MN

ceyntejournalist@attbi.com

 KADYDKA WARARKA EE C/RAXMAN CEYNTE ... GUJI...

Afeef: Fikrada qoraalka iyo xuquuqdeeda waxaa leh qoraaga ku saxiixan, waxaana lagu faafin karaa ogolaanshaha qoraaga.

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD