Hogaamiyayaasha soomaalida oo Shalay ka qaybgalay
Munaasabad lagu furayay sharciga cusub ee kenya.
Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com
naiobi kenya.
May 1, 2003
Qaar ka mid ah siyaaasiyiinta soomaliyeed iyo
madaxda IGAD ee ku sugan madasha shirka dib u heshiinta soomaaliyeed ee ka socda
(mbaghti)
oo uu horkacayay ergayga gaarka ah ee kenya u qaabilsan shirka nabadeynta
soomaaliyeed pathwel kiplagad ayaa shalay (April 30) ka qaybgalay xaflad aad u balaaran oo
lagu furayay sharciga cusub ee kenya lagu maamuli doono, sharcigan oo ka
badalnaan doona kii hore ee xisbiga KANU sida uu sheegay madaxweyne Mwai Kibaki
isagoo sheegay in la baa'bin doono musuqmaasuqa, sidoo kale aysan jiri doonin
xabsi dad lagu iloobo sidii horay u dhici jirtay.
Waxaa isna xafladan ka hadlay
madaxweyne ku xigeenka kenya Mr Kijana Wamalawa oo ka hadlay doorka kenya ee dib
u heshiisinta soomaaliya, siyaasiyiinta soomaalieedna usoo jeediyay in ay
dalkooda nabad ku soo dabaalaan kuna heshiiyaan awooda iyo maamulka shacabkooda
isagoo u rajeeyay shacabka soomaaliyeed in ay nabad ku noolaada. wuxuuna amaana
usoo jeediyay siyaasiyiinta soomaliyeed ee wada dadaalada nabad raadineed.
Shirka soomaalida ee kenya ayaa haatan u muuqda mid ay rajo xumo ka muujinayaan qaar
badan oo ka mid ah ergooyinka soomaliyeed ee ku sugan shirka, waxaa ka maqan
xubno badan oo siyaasiyiinta ka mid ah iyadoo dhawaana lagu wado in loo gudbo
wajiga sadexaad ee shirka balse wali aan waxba laga fulinin waxyaabihii lagu
heshiiyay oo ay ku jirto xabad joojin laga sameeyo somalia, iyadoo badankood ay
ka maqan yihiin dowlada KMG ah oo uu ka dhexeeyo qilaaf xoogan ayaan qaarkood ku
sugan yihiin shirka maalintii isniinta shir ay wada jir u qabteen ra,iisul
wasaare Xasan Abshir iyo gudoomiyaha barlamaanka Cabdalla Deerow ayay uga hadleen
waxyaabaha xaq darada ay ku tilmaameen ee ka socda muqdisho sida xil ka qaadista
xildhibaano uu Deerow ku tilmaamay in ay safar ku maqan yihiin iyo iyadoon
lagala tashan xil ka qaadistaas,sidoo kale Xasan Abshir ayaa sheegay in ay wax
laga xumaado ay tahay dowlada KMG ah oo ku dhawaaqday shirkan ay maanta ka soo
horjeesato shuruudna ku xirto nabada soomaaliyeed. dowlada KMG ahna xiligeedi waa
dhamaad ayuu yiri xasan abshir. ra,iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dowlada KMG
ah C/qaasim Salaad Xasan ayaa waayadan waxaa soo kala dhex galay qilaaf ka
dhashay ka qaybgalka shirka qilaafkan ayaa yareeyay wada shaqayntii u dhaxaysay
labadan mas'uul.
KAYDKA QORAALADII HORE EE CANAB-MUMTAAZ ... GUJI
Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com
naiobi kenya.
May 1, 2003
Xasan
Abshir iyo Deerow oo Shir Jaraa'id Qabtay
iyo Kipligat oo sheegay in shirku u gudbayo
wajigiisii 3-aad iyo Shir ay yeesheen Cismaan Caato, Muuse Suudi, Cumar Filish,
Qanyare iyo TNG-a Muqdisho ... GUJI.. 30/4
Xukuumada
Xasan Abshir oo La Marsiin doono wadadii tii Galayr
C/Qaasim oo 3 ergay u diri doona Kenya iyo
C/dalla Deerow oo lagayaabo in xilka Baarlamaanka laga wareejiyo iyo... GUJI..
29/4
|