SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

C/Qaasim

Xasan Abshir
deerow Deerow galaydh Galayr
Xasan Abshir iyo C/dalla Deeroow oo si wadajir ah Shir Jaraa'id ugu qabtey Magaaladda Neyroobi.

Mogadishu Weekly Reporter A. D
weekly@somalitalk.com

April 30, 2003

  • Xasan abshir oo madaxda xamar kusugan ka codsaday in ay dhawraan Axdiga KMG
  • Deerow oo sheegay in ay is afgarteen dhammaan ergooyinka ku sugan shirka Nairobi
  • Shir ay Hodheel Xamar kuyaal ku yeesheen Cismaan Caato, Muuse Suudi, Cumar Filish, Qanyare iyo waliba TNG-a Muqdisho
  • Mr. Kipligat oo sheegay in shirku u gudbayo wajigiisii 3-aad

Warka oo Fidsan

Ra'iisul wassaaraha dawladda KMG ah, Xasan Abshir Faarax iyo guddoomiyaha golaha Baarlimaanka KMG ah, C/dalla Deeroow Isaaq, oo ku sugan madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, ayaa si wada jir ah u qabtay shir jaraa'id oo ay uga hadleen sida ay u arkaan xildhibaanada cusub ee dhowaan loo dhaariyay inay bedelaan kuwo la sheegay inay gudan kari waayeen hawshoodii xildhibaanimo.

C/dalla Deeroow Isaaq ayaa sheegay in xildhibaanadaas cusub ay yihiin kuwa aan Axdiga KMG ah waafaqsanayn, loogana gol lahaa oo kaliya in lagu buuxsado (Chorum-ka) Kalfadhiga golaha Baarlimaanka.

C/dalla Deeroow waxa kale oo uu ka hadlay marxaladda uu haatan shirku marayo, isagoo sheegay in dhammaan ergooyinkii Soomaalidu ay is afgarteen, isla markaana la qoondeeyey in xildhibaanada Baarlimaanku ay noqdaan 450 sidii markii horeba loogu talo galay, wuxuu kaloo sheegay Deerow in waqtigii uu yahay gabo gabo, isla markaana aan xilligan loo baahnayn in ummadda la kala jii-jiito.

Xasan Abshir Faarax ayaa isna sheegay inay ka codsanayaan madaxda Xamar ku sugan inay dhawraan Axdiga KMG ah, isagoo isna xusay in guushii shirka Mpegathi ay haatan soo dhowdahay,15-ka Bisha May-na la sugayo in lagu dhawaaqo Golihii baarlimaanka ee u yeelan lahaa Dalka Soomaaliya.

C/dalla Deeroow iyo Xasan Abshir ayaa shirkan jaraa'id qabtay xilli ay jiraan mugdi weyn oo siyaasadeed oo soo kala dhexgalay iyaga iyo C/qaasim, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Kalfadhigan u furmay Baarlimaanka KMG ah, la damacsan yahay in xilka looga qaado Xasan Abshir iyo C/dalla Deeroow Isaaq, oo isagu naf ahaantiisa dhawr jeer ku celceliyay in la doonayo in lagu bedelle guddoomiye ku xigeenkiisa 1-aad Maxamed Cabdi Yuusuf.

Mr. Kipligat oo sheegay in shirku u gudbayo wajigiisii 3-aad laguna dhisayo dawlad iyo Baarlimaan.

Mr. Pathwell Kipligat, oo ah wakiilka dawladda Kenya u qaabilsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee dalkeeda ka socda, ayaa sheegay in shirku uu u gudbayo wajigiisii saddexaad, isla markana lagu dhisayo dawlad iyo baarlimaan, sida uu hadalka u dhigay.


 I   I  D  H  E  H  

Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu


Mr. Kipligat waxa uu dhinaca kale xusay in guddi saraakiil Milatari ah loo dirayo dhowaan dalka Soomaliya si loo hubiyo xabbad joojintii ay saxeexeen hoggaamiyayaasha ku shirsan Mpegathi, wuxuu kaloo Kipligat sheegay in dhowaan heshiisyo kale soo hordhigi doonaan taas oo hoggaamiye walba uu saxeexayo si shakhsi ah inuu xabbadda joojinayo iyo in kale.

Dhinaca kale, madaxweynaha dalka Kenya Md. Kibaki ayaa la sheegay inuu la dhacsan yahay habka uu haatan shirku u soconayo iyadoo laga yaabo in maalmaha soo socda uu madaxweynuhu uu la kulmo ergooyinka Soomaalida.

Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo in ka badan muddo 7 bilood ah ka soconayay dalka Kenya, isla markaana soo maray caqabdo aad u fara badan ayaa hadda u muuqda mid leh waxoogaa rajo ah, inkastoo dadka qaar ay muujinayaan shaki fara badan oo ku saabsan shirka, maadaama ayay leeyihiin ay hoggaamiye kooxeedyo fara badani ay shirka dibadda ka joogaan, isla markaana qaarkood ay wadaan shir gaar ah sida, sida kan shalay ka furmay Hotel Amiira ee ay isugu yimaadeen, Cismaan Caato, Muuse Suudi, Cumar Filish, Qanyare iyo waliba TNG-a Muqdisho,oo la doonayo in Maamul loogu dhiso G/banaadir.

Mogadishu Weekly Reporter A. D

weekly@somalitalk.com

Qoraaladii hore ee Mogadishu Weekly

Xukuumada Xasan Abshir oo La Marsiin doono wadadii tii Galayr
C/Qaasim oo 3 ergay u diri doona Kenya iyo C/dalla Deerow oo lagayaabo in xilka Baarlamaanka laga wareejiyo iyo... GUJI.. 

<><><>

IIDHEH: Machadka Beder ee Boosaaso... Soo Booqo Maanta 

<><><>

Baarlamaanka KMG ah oo uu u furmay kalfadhigii 5aad 
iyo min $1000 Doolar oo loo qaybiyay xildhibaan walba.. GUJI..  29/4

KAAH

Maxaa ka dhalan kara shirka Nairobi?
waa faallo dheer oo Ibraahim Maxameddeeq ka qoray shirka  Soomaalida ka socda Kenya.... GUJI..  

Dhoobley oo lagu diley Saddex Walaalo ah
7 qof ayaa ku dhintay falal dil ah oo si gaar-gaar ah uga kala dhacay Dhoobley, Muqdisha iyo degmada Lafoole... GUJI..  28/4

Masaajidka Muslimiinta Sweden Oo Gubtay
Masaajidka ugu weyn ee ay leeyihiin muslimiinta ku dhaqan dalalka waqooyiga Yurub ee Iskaandaneefiyanka ayaa GUJI..  28/4

Go’aankii Ergada DKMG uga Qeybgaleysa Shirka NRB
Shir ay ergayda DKM ku yeesheen Hotel 680 Nairobi ayaa qodobadii ay ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in.. GUJI..  28/4

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Shaar Guduud oo shaarkii Bedeshay »»Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa Madaxweyne ah? »»Xaaji Muuse &  Col.C/laahi waa.. GUJI..

Qodobo ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ku shiraya Mbagathi
warbixintii IQRA FM.... GUJI 28/4
 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka


Soomaaliya Shalay iyo Maanta  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD