SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Falal dil ah oo si gaar gaar ah uga kala dhacay Dhoobley, Muqdisha iyo degmada Lafoole.

Warbixin: SomaliTalk Mogadishu Weekly | April 28, 2003
KAAH

Ilaa 7 qof ayaa lagu qiyaasay tirada dad ee shalay iyo xalay lagu kala dilay deegaanada dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, Muqdisha iyo lafoole.

Dilalkan oo si goonni ah u kala dhacay ayaa waxaa ugu naxdin badnaa mid dhacay Dhoobley oo lagu dilay saddex nin oo walaalo ah, iyadoo waliba la sheegay in nin 4-aad oo la dhashay sadddexda la dilay uu halkaas ka baxsaday

dilkan ayaa waxaa ka danbeeyay Dableey hubeysan oo qafaalasho u heystey Ragaasi, ka dib markii la sheegey in aay u heysteen Nin hore oo ay isku heyb ahayeen oo la dilay, waxaana socdey dadaal xal doon ah oo ay ku howlanaayeen odayaasha deegaanka oo la doonayay in lagu soo daayo ragaasi la laayey, inkastoo oo aan lagu guulaysan, waxaana falkan aad uga xumaadey waxgaradka iyo dadka ku dhaqan deegaankaa oo ku tilmaamey mid naxdin leh, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhacan falal kale oo aargoosi ah,waloow loo istaagey sida wararku shegayaan sidii looga hortagi lahaa.

Dadka shalay la dilay waxaa ka mid ah Col. C/laahi Maxamed Warsame oo lagu naanaysi jiray (Nero), wuxuuna ka tirsanaan jiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya waxa uuna ahaa tababare xagga feerka ah, isagoo markii danbena la shaqaynayay dawladda KMG ah, wuxuuna ka mid ahaa ragga ammaanka u qaabilsan madaxtooyada C/qaasim.

 I   I  D  H  E  H Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu

Dhinaca kale, waxaa galabnimadii shalay dabaq saddex biyaano ah oo ku yaalla Xaafadda African Village ee degmada Hodan, korkiisa iska soo tuuray nin lagu magacaabo Axmed Nuur, oo ka dibna sidaa ku geeryooday, dad ay daris ahaayeen ayaa Somalitalk u sheegay in ninkan ay haysay duruuf adag oo xagga nolosha ah, waxaana loo malaynayaa ayay yiraahdeen inuu go'aan ku gaaray inuu nafta is dhaafiyo.

Falkan caynkan ah oo aan caadi ka ahayn Soomaaliya iyo dalalka Muslimka ah, ayaa mar mar dhif ah dhaca, taas oo dadka intiisa badanna ay canbaareeyaan, inakastoo wadamada aan Muslimiinta ahayn ay maalin walba ka dhacaan dilka uu qofku kula kacayo naftiisa.

SomaliTalk Mogadishu Weekly 

SOMALITALK.COM | April 28, 2003

Shaqadii Gudiyada Shirka Soomaalida oo 5 kamid ah oo loosoo gudbiyay Kiplagat
Marka laga reebo gudiga axdiga ee arimaha dastuurka inta kale waa ay gudbiyeen qoraaladoodii oo haatan loo xilsaaray gudiga Iswaafajinta. GUJI.  2/4/2003
axdi

KIPLAGAT OO HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED UGU BAAQAY SHIR DEGDEG AH OO LAQABANAYO 18ka MAARSO
Shirkaas qododbada looga hadli doono waxaa kamid ah: Qaab shismeedka dawladda Soomaaliyeed iyo sida loo fulinayoI.. GUJI. 15/3

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI  

I  I  D  H  E  H

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3

WAR-BIXIN KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 6/3

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD