SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Wararkii Maanta ee shirka Nairobi.
 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

ridwanhaji14@hotmail.com 


Nairobi-Kenya(RID)

KAAH
20/4/2003

iyadoo qaabka shirku usocda ay hoosayso ayaa haddana waxaa ergadda shirka ay udiyaar garoobayaan wajiga sadexaad ee wada hadalada marka laga gudbo muranka iyo ismarinwaaga ka taagan gudiga axdiga iyo qaabka dawladeed ee ay yeelan doonto natiijada shirka kasoo baxda.

wajiga sadexaad waxaa hortaagan labo gudiga axdiga ee dastuurka soomaaliya diyaarinaya oo ilaa iyo iminka aan soo gaba gabayn shaqdisii ,halka gudiyada kale ee shanta ah ay dhamaystireen.

Gudoomiyaha Gudiga farsamada IGAD Bethwel Kiblagat ayaa dhowaan sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in laga gudbo murankaas si wajiga 3aad loo guda galo, waxaana isla markaas uu ugu baaqay dhamaan hogaamiyayaasha maqan in ay kasoo qaybgalaan shirka si ay doodooda ugu biiriyaan hogaamiyayaasha oo maalmahanba aad uga doodaya arimaha dastuurka iyo iswaafajinta qoraaladda 6da ah oo ay ku shaqayn doonto dawladda halkan ka dhalata.

gudiyada kale waxaa kamid ah hanti isu celinta iyo hub ka dhigista oo si wanaagasn usoo khatimay warbixinadoodii soo jiitamayay tan iyo eldoret.

axdiwakiilada qaramada midoobay Tubman iyo midawga reer yurub waliid musa ayaa dhinaca kale shir jaraaid ku sheegay in bisha jun lagu wado gunaanadka shirka, waxaa kaloo ay sheegeen in beesha caalamka ay gacan siin doonto dawladda halkan kasoo baxda iyagoo sheegay in dhibaatada shacabka soomaaliyeed ay aad usii badatay.

hadaba iyadoo arimahan ay jiraan ayaa waxaa soo baxaya is gaashaan buuraysi dhex maraya qaar kamid ah xubnaha ergada oo horay ugu kala tagsanaa siyaasadda iyo kuwo sii kala fur furmaya oo dhexdooda isku kacay.

SRRC ayaa todobaadkan afhayeen u hadlay waxaa uu sheegay in xiriir fiican ay la samaysteen mas'uuliyiinta DKM ee kala ah Raisul wasaare Xasan abshir iyo afhayeenka baarlamaanka cabdalla deeroow isaaq hase yeeshee faah faahin kama bixin kulamo la sheegay in ay la yeesheen madaxwaynaha Puntland Col.Cabdulaahi Yusuf.

dhinaca kalana xurguftii dhexmaratay madaxwayne cabdi qaasim salaad xasan iyo wakiiladiisa halkan ujooga ayaa baryahan xubhana TNG ay ka fadhiisteen sidii loo xalin lahaa.

Hogaamiya yaasha G8ka ayaa wali shirka iaygu quud daraynaya waxaana ay ku andacoonayaan in dawladda itoobiya ay fara kulul ku hayso shirka soomaalida ,isla markaana niyad wanaag ay u qabaan shirka kama muuqato.



Ridwaan Xaaji C/Wali
Mbagathi, Nairobi, Kenya 
ridwanhaji14@hotmail.com
 

SOMALITALK.COM | April 20, 2003

Shaqadii Gudiyada Shirka Soomaalida oo 5 kamid ah oo loosoo gudbiyay Kiplagat
Marka laga reebo gudiga axdiga ee arimaha dastuurka inta kale waa ay gudbiyeen qoraaladoodii oo haatan loo xilsaaray gudiga Iswaafajinta. GUJI.  2/4/2003

KIPLAGAT OO HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED UGU BAAQAY SHIR DEGDEG AH OO LAQABANAYO 18ka MAARSO
Shirkaas qododbada looga hadli doono waxaa kamid ah: Qaab shismeedka dawladda Soomaaliyeed iyo sida loo fulinayoI.. GUJI. 15/3

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI
 

<><><>

I  I  D  H  E  H

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3

WAR-BIXIN KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 6/3

WARARKA SHIRKA MBAGATHI
SRRC oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
Cismaan Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
Shariif Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
Cawad Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman Ka Akhri Halkan Feb 28

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]