Shirkii ay dawladaha ka tirsan urur
goboleedka IGAD u qoondeeyeen inay ururada siyaasadda Soomaaliya ku dagaalsan
ku heshiisiiyaan ee uu madaxweynihii hore ee Kenya, badhtamihii bishii
Oktoobar ee sanadkii hore sida rasmiga ah magaalada Eldoret uga furay ayaa
weli la is weydiinayaa halka uu ku dambayn doono. Waxayna Soomaalida kuwooda
dhibka dalkooda ka oogan ka damqadaa is warsanayaan inuu 14kii shir ee horay
loo qabtay natiijo dhaami karo iyo inuu sidii kuwaas guul darro iyo is mari
waa gegi cidla ah la yuurursan doono. Waxay kaloo maankooda ku soo noq
noqonaysa haddiiba ay wax ka soo baxaan waxaasi ma noqon doonaan wax gudaha
Soomaaliya ka socda mise sidii natiijadii Carta ayeey fadhiid aan biidna tarin
noqon doontaa. Dadyoow kale oo ka tirsan maskax maalada arrimaha Soomaalida
indhaha ku goda ayaa iyana is toyanaya kaalinta ay bulshada caalamku ku yeelan
doonto natiijo shirka Nairobi ka soo if baxda.
Haddaba marka arrimahaas ad-adag ka
gun gaadhidooda aynu si gun dheer u jeedaalino waxaa inaga hor imanaysa astaan
xambaarsan murugsanaanta siyaasadda is bed-bedelka badan ee ay ku dhaqmaan
siyaasiyiinta ay daacaddu ku yar tahay asii shisheeyaha ka cabsan og ee uu
wada-hadalku halkan uga socdo. Taasina waxay inoo sii bidhaaminaysaa inay
jawaab celinteenu ku soo ururto mututuul iyo mala awaal aan saadaalintooda
hubanti dhab ah loo hayn. "Dig-dig iyo
mutuhis iyo dul ka xaadis mooyee, bal si daawo loo helo, dersa eelka lama
odhan." (Abwaan Gaarriye).
|
Walow ay markii hore cabsi badan
qabeen hadana ilaa Eldoret madasha shirku waxay ahayd garoon ay laacibiinta
siyaasadda Soomaaliya ku shaqaystaa laba kooxood oo waaweyn u qaybsabeen,
kuwaas oo ku kala tiirsanaa labada dawladood ee qudhoodu siyaasadda Soomaaliya
haba is dhaameene had iyo goor ku bardoodama.SRRC & PUNTLAND oo dhinac ah
iyo G8 & TNG oo gees ah oo boqnaha isku jaraya afkaar ay shishgeeye u soo
xambaariyeen ayaa hadh iyo habaynba laf dhuun gashay habsami u socodka shirka
ku ahaa. " Dab baan huri is leeyahay, daadna waan ku furayaa, markaan
dami idhaahdana, gaas baan ku darayaa".(Gaarriye). Labadan kooxood ee
uu xadhig jiidadka dabada dheeraaday ka dhexeeyo ee shisheeyaha is haya ku
kala lamaani ma aha kuwo isu naxa, waxaana hogaanka u haya qab qablayaal magac
iyo manfacba siyaalo kala gedisan Soomaaliya ugu haysta. Waan-waan kasta iyo
isku day kasta oo Soomaaliyada tabaalaysan xal loogu raadinayana haddii aysan
danohooda gaar ahaaneed ka dhex arkin xididada u siiba."Shalay
daalinkaan ridey, dal baabuu xukumayee, kuwo daaqi xoolaha, dekediyo madaarkii,
iyo dawladnimadii, sariftaa ka daba yimid".(Gaarriye)
In kastoo ay is yare dhaamaan, waxay
badiba haystaan hanti qaran iyo mansabyo aysan sii haysan karin haddii wadanka
nidaam dawliya lagu soo dabaalo. Waxay ku naaloodaan oo awooddooda kobciya
bulshada caalamka oo ku soo dhoweysa hab maamuus uu masuul wadan xor ah
metelaa yeelan karo. Kuma fekeraan wax dan guud ah shirkana arrimo iyaga u
kala gaar ah oo ay isku haystaan ayeey ku dhex falkiyaan. Xarunta shirka had
jeer waxaa ka soo baxa qoraalo sheegaya inay reer hebel shirka ka baxayaan
haddii aan sida ay doonayaan la yeelin oo la macno ah waxa uu qab-qablahayagu
doonayo ayaan rabnaa. "Deegaanba awr baa ku kor doobinaayoo, waxay
daawadaan hebel, lagu yidhi dantiin baa, duubka loogu xidhayoo, la yidhaahdo
kama dege, hadday cidi danqaabtana, dirir bay ka xigayaan, marka uu daryaamaa,
laga daba qufacayaa." (Gaarriye)
SRRC & Puntland wakiiladooda
shirku intii uu shirku socdey waxay ku taagnaayeen hal waddo oo inuusan shirku
fashilmin ku qotontey. Mar kasta oo shirka laga xog waraystana marnaba kama
daalaan inay rejo wanaagsan shirka ka muujiyaan. dad badan oo arrimaha
Soomaalida u kuur gala ayaa is weeydiinaya wanaaga SRRC & Puntland shirka
uga hilaacay ee aan dadka kale u muuqan. Qamaamuur kale oo si fog arrimahan oo
kale u gorfeeya ayaa rejada wanaagsan ee ay SRRC & Puntland shirka ka
muujiyaan ku fasira inuu isbahaysigaasi xog waafiya ka hayo halka uu shirku ku
dambayn doono, welibana ay natiijada ka soo baxda iyagu hormuud u noqon
doonaan. "Degta qaran badh lagu sido,
badhna reerka soo degey, yahay reerka daba yaal, hadduu kaaga jiro damac, mid
horaa ku dumey shalay."
Siyaasadda xasarada iyo is
xambaaraynta ku iba beesha ee muddada 6da bilood iyo badhka ah xalinteeda
dalka Kenya loo rundudey qolada kale ee qaybta libaax ka ciyaartaa waa G8
& TNG, kuwani talaabo kasta oo uu shirku horay u qaaday ugu yaraan way
saluugeen haddii aysanba si cad uga hor imaan. Waxaana had iyo goor tiraabta
doodahooda udub dhexaad u ah inay Itoobiya shirka hogaanka u hayso oo ay
ururada la jaalka ah u xagliso. Intii hore marnaba kama faaruqi jirin
dhaliisha shirka oo ay ku cilleeyaan mid ay Itoobiya awood talo oo dheeraad ah
ku leedahay, badnaydee inta goor ee ay soo jeedinta gudiga farsamada IGAD
ganafka ku dhufteen. Haddase way kale jabeen oo TNG shirka ayeey ka qayb
qaadanaysaa halka ay G 8 shirkaba iskaga baxday. Waxaase jirta inay ayaamahan
dadku isla dhex marayaan inay dib ugu soo noqonayaan madasha shirka kaddib
markuu culays caalami ahi dibedda kaga yimid. "Belo daaman qabasho leh,
daba qabo nin yidhi baa, dadna ugu aqoon daran". (Gaarriye).
Dadka dhaliilaha G 8 til-tilmaama ayaa
ku eedeeya inay ka kooban yihiin qab qablayaal aan in la Khasbo mooyee diyaar
u ahayn nidaam iyo kala dambayn qaranimo oo geyiga soomaaliyeed ka hirgasha.
Waxaa kaloo jira aragtiyo kale oo tibaaxaya inay nimanku shirka ka dhex arkeen
qab-qable dhigooda ah oo darkii loo wada hamuun qabey loo qoondeeyey inuu
keligii guyaasha soo socda ku dhebi listo. " Rati geel ku qooqanina
wuu rababa’ leeyaaye, ruga dhugadka goortuu mid kale reedda uga jeedo,
rigtan iyo dagaal wuu dhacaa la isku riiqmaaye, waana labada kii raaya uun
reerka haw hadha’e, waxse raadki ba’ay geeli ay roorsadaan boqol."
(Abwaan Xirsi-Duux M. Weheliye).
| SUNTA KU AASAN SOOMAALIYA |
|
GOOBAHA LOO MALAYNAYO IN SUNTU
AY KAGA DUUGANTAHAY SOOMAALIYA, HALISTA SUNTAASI U LEEDAHAY JIILASHA HADDA IYO
KUWA DAMBE, IYO BAAXADDA SUNTAAS KA
AKHRI QORAALKII Shakiib
|
Nimankan siyaasadda isku haya ee
Nairobi ku shirsan gari ma gasho, kamana baxdo, waxay leeyihiin dabeecado is
tixgelin iyo isu tanaasul aan lagu ogayn oo nacayb iyo is xasad ay xaga hore
iyo hareerahaba kaga gaadhan tahay. Wixii ay caawa ku heshiiyaan berri waxaba
kama fulaan. Waa niman inay heshiis saxiixaan ay u fududahay laakiin markiiba
is rogi og oo ay had iyo jeer fulinta wixii ay saxiixeen ku adkaato. "Dhego
ma leh wax kama dego, indho ma leh wax lagu dayo, nabadana dan kama laha".
(Gaarriye).
Danjire Kipligat oo ah ninka
Soomaalida halkan ku dhex dhexaadinaya ayaa isagoo bishii Maarso madaxda
Soomaalida la hadlaya yidhi: "baaqii xabad joojinta ee 27 Oktoobar aad
idinkoo u dhan saxiixdeen oo ay madaxweyne Moi iyo bulshada caalamku sida weyn
ugu farxeen, maxaad ka fuliseen?, iima furna wax aan ka ahayn inaan
dukumentigaas jeex-jeexo oo aan mar kale isugu kiin yeedho oo idinku idhaahdo
ma wada hadli karaa?". Isla ayaamihii baaqaas qalinka lagu duugey
waxay dagaalo ka dheceen meelaha ay ka mid yihiin Luuq, Dhuudo, Baydhaba, iyo
Muqdisho. "Nin boqrani wixii bi’inayuu bayr ka leeyahaye, hadduu
hadalka buurane ka dhaca baajo ama dhaafo, isagoo bidhaan cola arkaan beeshu
aaminin". (Cali-Dhuux Aadan).
Midba midka kale ayuu jalaafayn iyo
khiyamo digo hoostu nooshahay korkana degel la moodo u dalaalimaynayaa, dulmi
iyo gar darro aan waxba la isu qirayn oo is-jikaar iyo is-xaqirid la isku
hujuumayo ayeey ragga maanta Soomaali Nairobi ugu maqani ku wada xaajoonayaan.
"hadday dunida ceeb tahay, Dus-duskiyo khiyaamadu, noo dabeecad
weeyaan, hadday dunida ceeb tahay, dulmi loo badheedhaa, dadkayagu ma
libiqsado." (Gaarriye).
Sidaas oo ay yihiin haddana waa niman
caddaadis bulshada caalamka kaga yimaadda u jilicsan, shirkanina kuwii hore
wuu ka duwan yahay waayo waxaad arkaysaa wadamadii siyaasiyiinta Soomaalida
isku soofayn jirey oo hadda si siman shirka ugu shaqaynaya. Bulshada
caalamkuna dhawr goor oo ay ergo ka timid xarunta shirka ka hadleen waxay
carrabaabeen inay shirka si weyn u taageersan yihiin oo wixii ka soo baxana ay
garab is taagi doonaan, gaar ahaan waxay shaaca ka qaadeen inay qarash badan
ku bixin doonaan sidii kuwa hubaysan hubka looga dhigi lahaa. Waxaa kaloo cid
kasta u muuqata baahida ay dad weynaha Soomaaliyeed maanta xal nabadeed iyo
dawladnimo u qabaan iyo weliba awood darrada xiliyadan dambe qab qablayaasha
dagaalka ku habsatay kaddib markay dad badani ka gaabsadeen inay dhiigooda dan
qab-qable ku difaacaan. "Waxaa maanta ii daran, horta nabaddi doocaan,
nabad loo diyaar yahay, nabad dira diraaliyo, nin dan lihi ku quustaa."
(Gaarriye).
Gudoomiyaha gudiga farsamada IGAD,
Mudane Kipligat wuxuu dhawr goor carrabka ku dhuftay inaysan marnaba
dadaalkooda hagran doonin oo ay ka go’an tahay inay Nairobi dawlad ay
dhamaan dadka Soomaaliyeed ogol yihiin u dhisayaan xitaa haddii ay laba ergey
xarunta shirka ku soo hadho. Wuxuu kaloo ku cel-celiyey inay si weyn uga
fiirsanayaan asbaabihii shirarkii hore fashilin jirey. Ereyada ruug caddaaga
Kiplagat waxay ina tusayaan sida uu daacad uga yahay nabad Soomaaliya ka
islaaxda iyo hamiga ku jira ee ah inuu shirku guul ku dhamaan doono. "Diiri
waa matoorkii, dabka laga filaayee, doorkan waxan hubsanayaa, inuu leeyey
daynabo". (Gaarriye).
Wejigii 2aad ee shirku waa gebo gebo,
dhowaanna wejigii 3aad oo ah kan ugu muhiimsan, ugu khatarsan, uguna dhibka
badan ayaa la guda gelayaa isla markaana nimanka uu xukunku madax maray wixii
ay isku haysteen oo ah sida loo kala helayo awoodda siyaasadda dalka ayuu
wejiga 3aad oo ah kan shirku ku soo xidhmayo ku saabsan yahay. Kursigii
kululaa ee loo wada jeel qabey ee ay daraadiis qaranimadii Soomaaliya afka
ciidda u dartay ayuu rag isku arkayaa, is garbin xoog leh ayaa halkan laga
filayaa, durba waxaa iyadoon la gaadhinba inay is sharxayaan oogta ka
caddeeyey ragga kala ah: Col. C/Yuusuf, Faarax Sendiko, C/raxmaan J. Barre,
Caddow, iyo kuwa kale oo aanan hadda maanka ku hayn, marka wejiga 3aad la
gaadhana lama beensan karo haddii la maqlo ergooyinkii shirka badhkood ayaa
jagada madaxweynanimada isu sharaxay."Dermo harag sagaara ah, isu
deysta mooyee, is dul buuxsha laga wacan". (Gaarriye).
Dhinaca bulshada caalamka waxaad
mooddaa inay ayaamahan dambe si ka xoog badan sidii hore shirka u danaynayaan,
dhaqaale xoog lehna shirka way ku bixiyaan, wadanka Maraykanka iyo wadamo ka
tirsan Yurub ayaa sheegay inay shirka Nairobi wakiilo gaar ah u soo
dirsanayaan. Dhaqdhaqaaqan cusub ee bulshada caalamka ka imanyaa wuxuu qab
qablayaasha shirka fashilintiisa u darban ku abuuray wel-wel iyo walaac ay
baqdin lixaad lihi ku gadaafan tahay, waxaana iska soo daba dhacaysa in kuwa
shirka diiddani meel kasta ha joogeene dhabaha soo hayaan. Tanina waa rejo
inoo iftiiminaysa dariiq si waadix ah inoo geyn doona tabeelle si cad u
qeexaya shirkii Nairobi oo guul ku dhamaaday.
Weli waxaa dihin haddii ay shirka wax
ka soo baxaan waxaasi gudaha dalka ma ka hirgeli doonaan mise sidii natiijadii
Carta ayeey cidla ciirsi la’ ku banjari doontaa?. Marka aynu siyaasiyiinta
Soomaaliya damacooda iyo sida aysan waxba isugu quudhin dib u jaleecno way
adag tahay in wax ay u dhan yihiin ay shirka ka soo baxdo. Sida loogu dhamaado
ayeeyna ku xidhnaan kartaa sida ay Soomaaliya natiijada shirka Nairobi uga hir
gasho. Laakiin marka la eego sida ay bulshada caalamku shirka u danaynayso iyo
qarashka ku baxaya, shaki kuma jiro inay socodsiinta wixii soo baxana ay
bulshada caalmaku ku lug yeelan doonto. Sida haddaba laga filayo haddii uu
caalamku isu kaashado hir gelinta wixii soo baxa kuwa diiddani wax guula ma
gaadhi doonaan; waxayna noqon doonaan wax nasakhma oo aan natiijada shirka
waxba yeeli karin, deegaamada ay ka taliyaana natiijadu sidaasay ku gaadhaysaa.
Waayo cadaadis caalamka ka yimaadda waa la hubaa inuu ka adag yahay
qab-qablayaasha. "Dharaar baa iman doonta,
engeg laysugu xiiroo, heeco diiddey ilmaa, khasab loo aqbalsiiyo". (Gaarriye).
Kuwa isku garbinaya helitaanka kursiga
la wada jantay ee durba durbaanka u halganka kursiga dhiilaysan tumanaya iyo
kuwa kale ee aan weli is shaacin waxaa laga dhex heli karaa kuwa hawsha loo
igman doono ka bixi kara oo waxna ka garanaya una qalma iyo kuwo wax awoodooda
wax qabad ka baxsan u hanqal taagaya, waxaa ka mid ah ama ka mid noqon doona
kuwa daluuntii ay doonista kursigaasi qaranimadii Soomaaliya ka tuurtay
haaddaan ka sii dheer haddii ay haleelaan ka sii ridi doona, waxaa ku jiri
doona kuwo ay sanqadhu u baxday oo aan kursigan iyo waajibyada ka dambeeya iyo
si loo damco midna cilmi buuran u lahayn. Nin waliba garaadkii, anse waxaan ku
soo jaray, yaan Kadawe kula tegin iyo kii ka weeynaa, lagaa keeni maayee.
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com
_______________________________