SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
Cawed Casharo: “Wasiiradaasi 3 qodob ayeey u aadayaan dalka Maraykanka” (WARAYSI)

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

April 22, 2003 

Xarunta uu shirka dib u heshiisiinta soomaalidu ka socdo ee Mgathi waxaa maalintii jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 17/4/2003 ku waraystay wasiirka caddaaladda ee dawlad goboleedda Puntland Mudane Axmed Cawed Casharo. Warysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Somalitalk: Mudane Casharo bal sawir guud naga sii jawiga guud ee shirka iyo halka uu hadda marayo.

Axmed Cawed Casharo

Casharo: Shirku maanta wuxuu marayaa gudiyaashii 6da ahaa inay hawl galkoodii soo dhameeyeen, haddana waxaa lagu guda jiraa is waafajintii qoraaladii ay soo diyaariyeen oo uu ugu culus yahay axdiga ku meel gaadhka ah, kaas oo sal u ah shirkakan, layskuna haystay qaabka federaalka, qaabka dhismaha dawladda iyo tirada ay dibitaatiayaashu noqonayaan. Haddana waxaad mooddaa in laga heshiiyey federtaalkii, waxaana lagu heshiiyey in dawladda dhalanyasaa federal ku biloowdo hawl. Dhulka dhisan ee Puntland oo kale iyo Somaliland oo kale in iyaga sidaa dhismahoodii la isku waafaqo, wixii dhexdooda ka jira ama gobolo kale ka jirana in markaa la saxo, xag xuduudeed iyo wixii la kala haysto. Dhulka kalena inay dawladdu u hawl gasho, muddo 2 sanadood ahna inay ku dhamays tirto, hadday ku dhamaystiri waydana intii ay jirto inay ku dhamays tirto. In la sameeyo wasiirka dastuurka iyo federaalka oo uu noqdo wasiir ka mid ah wasiiradaha oo aan la dhaafi karin. Arinta dastuurku hadday dhamaato waxaa la gelayaa wejigii 3aad oo ah awood qaybsi iyo dawlad dhisid. Waxaana hadda muuqata oo socda in doorashada madaxweeynaha uu baarlamaanku dooranayo hase ahaatee arintaasu arrin go’aan ah ma aha ilaa la hor geeyo ergooyinka oo dhan. Ergooyinkaa loo bandhigayaa wixii ay isla wada ogolaadaan ayuu axdigu noqonayaa. Wejigii 2aad waa gebo-gebo, kaddib wejiga 3aad baa la gelayaa halkaas ayuu shirku marayaa.

Waxaanna filayaa inuu shirkani khayr ku dhamaado idan Illaahay, bisha 6aad maalamaha ugu horeeyana ama bisha 5aad ayaamaha ugu dambeeya in shirka la soo geba gebeeyo.

Somalitalk: Qodobada axdiga federaalka ee daraafka ahaa mar aan akhriyey qodob ka mid ahaa wuxuu sheegayey in hogaanka sare ee dawladdu noqon doono madaxweeyne iyo afar ku xigeen oo 4.5 lagu xulayo, kaa ma wax baa laga bedeley?

Casharo: Qodobkaa waa la bedeley, waxaa la isla gartay madaxweyne, Raisal wasaare iyo 3 Raisal wasaare ku xigeen.

Somalitalk: Talaabada ugu horaysa ee hadda lagu dhaqaaqayaa ma xubnihii baarlamaankaa la dooranayaa mise ergooyinkaa madaxweeynaha u codaynaya?

Casharo: Arintaasi waa arin weli lagu kala qaybsan yahay, waxaadse moodda in axdiga hadda la geliyey inay xubnaha baarlamaanku madaxweynaha doortaan.

Somalitalk: Xubnaha baarlamaanka ma xarunta shirku ka socdaa lagu xulayaa?

Casharo: Ilaa wejiga 3aad la gaadho ma ogaan karo waayo qodobada qaabka iyo hanaanka uu wejiga 3aad u socon doonaa weli lama samayn.

Somalitalk: Mudane Casharo waxaana la isla dhex marayaa inay wasiirada arimaha dibedda ee wadamada safka hore u kicitimayaan wadanka Maraykanka, maxaad u malaynaysaa inay halkaas ka doonayaan?

Casharo: Wasiiradaasi 3 qodob ayeey u aadayaan dalka Maraykanka, heshiiskii la isla gaadhay ee xabad joojinta in ciddii jebisey ay qaraar isla gaadhaan talaabadii laga qaadi lahaa waa koow. Qodobka labaad in wixii halkan laga dhiso oo la isla gaadho oo axdiga iyo wixii kaloo lagu heshiiyo, iyo qaabka la rabo inay dawladda Soomaaliyeed u dhisanto ayeey Maraykanka kala soo tashanayaan. Waxaa kaloo loo baahan yahay ilaa wakhtigan aan ku jiro Maraykanku weli si fiican ugama qayb qaadan shirkan sidaa darteed waxay raadinayaan inuu Maraykanku la saan qaado shirakan. Haddana waxaa na soo gaadhaysa inuu Maraykanku ergey cusub shirka u soo magaacabayo, Dawladda Sweden ay iyana ergey cusub shirka u soo magacaabayso oo awoodda shirka aad moodid in la dar dar gelinayo. Marka iyaguna waxay meesha u aadayaan sidii hawsha shirka loo meel marin lahaa.

Shirkani wuu culus yahay, meesha culaysku ka imanayaan waa hub ka dhigista oo u baahan dhaqaale xoog leh marka waa lagama maarmaan Maraykanka iyo EEU’da iyo dawladaha Carabtu inay xagga dhaqaalaha ka qayb qaataan oo lagu heshiiyo haddii ay noqoto in hubka lagu qaado qaab awoodeed oo dibedda ka timaadda, lagu heshiiyo dawladahay noqonayaan, tirada ay ciidamadu noqon lahaayeen marka dukumentigii halkan lagu qoray sidii loogu hawl geli lahaa ayeey Maraykanka u geeynayaan.

 WARARYSIYADII IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

Somalitalk: Waxaa jira hogaamiye kooxeedyo u badan dhinaca  Xamar oo shirka ka baxay kuwaasi haddaysan shirka ku soo noqon soow culayskooda ma laha?

Casharo: Waa jiraan madax dib u noqotay laakiin mid waliba wakiil ayuu meesha kaga tegey, ha kaga tageene wakiiladii waxay u kala qaybsameen kuwo shirka la socda iyo qaar aan la socon. Hase ahaatee waxaan filaynaa inay qaarkood soo noqdaan waayo C/qaasin Salaad Xasan oo TNG madax u ahi hadal uu dhowaan ku hadlay in kastuu hadal siyaasiya ahaa haddana waxay muujinaysaa dadka meesha isugu tegay inay doonayaan inay Banaadir nabdeeyaan, taasi way fiicnaan lahayd oo meesha Soomaaliya ka socon weeydey maanta waa gobolka Banaadir inay nabad ka dhaliyaana aad bay u wanaagsanaan lahayd. Waxaanuna aad ugu rejo weeynahay inuu shirkani midha dhalay, Soomaalina taas maanta way u baahan tahay, dad weeynuhuna nimanka siyaasiga ah oo doonaya inaan soomaaliya nabad laga gaadhin oo ama Air port ku shaqaysta, ama lacag ay tujaar la qaybsadaan wax ka soo gelaya dad aan cashuurta iin laga qaado, kuwaa dadweeynuhu khaati bay ka joogaan waxayna rabaan nabad gelyo iyo inay dalkooda si wanaagsan ugu noolaadaan. Sidaa darted waxaan ku rejo weynahay inay dad weeynaha soomaaliyeed ee ay odayaashaasi ka socdaan ruuxadoodu inay cadaadin doonaan inay shirka ku soo noqon doonaan.

Somalitalk: Haddii aynu u baydhno dhina dagaaladii gobolka ka dhacay ee dadka reer Puntland u dhexeeyey waan-waantii xagee ayeey maraysaa iminka?

Casharo: Puntland aad ayaa loola dagaalamay, ama TNG baa gacan ka geeysatay, ama dawlado ajanebi ha noqoto. Dad ehel ah oo qraabo ah oo is ah ayaa la soo buufiyey oo la iska hor keenay. Haddase Alxamdu Lillaah waxay maraysaa in waan-waan la wado, waan-waantiina hadda waxay maraysaa in shir la isugu yimaaddo, wixii meesha yiilleyna laga heshiiyo, taasna annagu rejo weyn baan ka qabnaa inay dhakhso u dhamaato. Qoladaas horoo dagaalka ku jirteyna qaar badan baa soo noqday, maxaa jira ilaa markii ugu dambayusey ee Madaxweynuhu tegey waxaa ballan lagu qaaday in nin kasta oo askari ahaa oo dawladda u shaqaynayey inuu shaqadiisii ku soo noqdo, lacagtiisiina intii uu ka maqnaa la siinayo. In kastoo ay jiraan dad sadex jeer dagaal soo galay oo saddexdiiba la qabtay lana sii daayey, waxay muujinaysaa inay dadku dad isu baahan oo is ah inay yihiin, nabadna la rabo. Marka Puntland hadda waxay ku jirtaa arin labaad bay rabtaa inay hadda ku talaabsato, hadda waxay rabtaa inay dhisto dawladihii hoose, sharcigii dawladaha hoose ayaa hadda la geeyey baaarlamaanka, bisha Ogost wixii ka dambeeyana waxaa loo hawl geayaa sidii dawladaha hoose loo dhisi lahaa.

Dhinaca kale Puntland waxay maamulkeeda ku sugtay Gobolka SOOL oo dhan iyo SANAAG BARI iyo SANAAG GALBEED xuduudka ay Puntland leedahay ayeey maamul ka dhistay, cashuurtii baa la qaadaa, waxayna Puntland xurmaynaysaa aanu aad mahad ugu soo jeedinyaa dadka aanu wada dego ee xidhiidhka wada leenahay gaar ahaan Habar jeclo iyo Habar yoonis, sida ay nabad gelyada u ilaaliyaan, sida ay walaalnimada iyo dhaqanka fiican u tix geliyaan, dad is ah baanu nahay oo dhaqan iyo dhaqaaleba is ah, waxaanuna jecelahay haddaanu Puntland nahay inaanu taas xoojino.

Somalitalk: Wax maamul ah oo aad leedihiin kama shaqayn tan iyo intii Puntland la dhisay, maxay tahay haddaba sababta hadda keentay inaad maamul ka samaysaan gobolaadaas?

  Waraysiyadii fahad Yaasiis

. Waraysigii Fahad ee Jaamac Cali J.  

. Waraysigii Fahad ee Caydiid... 

. Waraysigii Fahad ee Qanyare...

. Waraysigii Fahad ee C/Qaasim...

Casharo: Maamul waa ka jirey laakiin haddaad leedahay kharaj uun baad ku bixin jirteene iyagu waxba sooma saari jirin waa runtaa laakiin hadda wixii ka dambeeya way soo saarayaan, qaar ka mid ahina way soo saari jireen kharaj, B/hoodle Bank baa ku yaal, Laascaanood Bank baa ka samaysan, Badhan Bank baa laga sameeyey, haddase waxaa keenay dadweynihii oo gartay inay dantoodu ku jirto dhismaha Puntland iyo inay dalkooda dhistaan oo fahmay haddii aysan iyagu cashuur soo bixin inaan waxba loo qaban Karin, taas ayaa keentay inay dawladdu awoodeeda saarto sidii ay u hubin lahayd inuu maamulkeedu meel kasta oo dalka ah ka hir galo.

Somalitalk: Doorashada iminka Somaliland ka socota, la arkee inay is bedel siyaaso la timaaddo ma laga yaabaa ina isbedel ku yimaaddaa hogaanka Somalinad uu saamayn ku yeesho nabad gelyada Puntland?

Casharo: Annagu waxaan filaynaa haddii ay helaan dadka ay dadkan is dhaqan yaqaaniin khaasatan Axmed Maxamed Siilaanyo inay nabad badani na dhex mari doonto, wixii naga dhexeeyana nabad ku dhamaysan doono. Riyaale mowqifkuu qaatay waan ognahay, Riyaale nin colaadeed buu noqday oo dad qaraabo oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah dhib ka dhex rido,. Waxay ila tahay shacabka Soomaaliyeed way garan karaaniin, waxaanna rejeynaynaa inay guusha Siilaanyo nabad u horseedi doonto labada gobolba. Waa nin siyaasi ah oo garan kara danta dadkiisu meesha ay ku jirto, danta ummadda soomaaliyeed meesha ay ku jirto, waxaan u rejeynaynaa mustaqbal fiican, waaxaanuna aad ugu boorinaynaa dadka goboladaas dega ee nuxurka nabadda gartay inay nabadda sii xoojiyaan. Anaguna waxaan ballan qaadaynaa walaaltooyo iyo deris wanaagsan inaan kula dhaqano.

Somalitalk: Khilaafka idinka iyo Somaliland idinka dhexeeyaa waa mid ku qotoma gobolada Sool iyo Sanaag, ma waxaad filaysaa inuu maamul cusub oo Somaliland ka dhashaa idiinka hadhi doono goboladaas?

Casharo: Waxaan ka rejeynaynaa inay xaqiiqada fahmi doonaan waayo dad is ah cidina ma kala xaadin karto. Xuduud isticmaar dhigayna wax maanta soconaysa ma aha, maanta waxaa soconaysa sidii dadnimada Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa, wax looga qaban lahaa, wixii is raaci karaana inay is raacaaniin, dhaqan, dhaqaale, ama dadnimo kay doonmaan ha isku raaceene. Khilaaf kasta oo na dhex yiiley intii Uu Allaaha u naxariistee Cigaal joogey dhibaato ma dhicin waayo aqoon baa jirtey, aqoon baa dadka lagu wadey. Waxaan filayaa inuu Siilaanyo tii oo kale leeyahay.

Somalitalk: Waxaan maqlayey COL. C/llaahi Yuusuf Puntland buu aadayaa socdaalkiisu muxuu ku jihaysan yahay?

Casharo: Socdaalkiisu wuxuu ku saabsdan yahay inuu dib u heshiisiinta laga wado Puntland dhexdeeda oo ay gacan ka geeysteen Suldaan Saciid Cabdi Salaan iyo Suldanka Habar-jeclo oo hawshaas Ceeri gaabo ka soo bilaabay oo dabadeedna ay dad ka socda qabiilooyinka Dhulbahante iyo Majeerteen ay soo galeen, waan waantaas oo hadda meel fiican maraysa ayuu dhamaystirkeeda u socdaa.

Somalitalk: Ugu danbayntii maxaad Puntland iyo Soomaaliba maanta odhan lahayd?

Casharo: Puntland waxaan u soo jeedinayaa inay dib u heshiisiinta socota xoojiyaan ayna ka shaqeeyaan nabadda iyo dhismaha dalkooda oo ilaaliyaan nabad gelyada dhexdooda iyo jiiraankooda. Marka labaad waxaan u soo jeedinayaa inay badda ka shaqaystaan, kana waantoobaaniin dhirta jaristeeda iyo dhoofinta xoolaha dhedig oo ay dadka qaarkii dawladda oo aan ogayn qarsoodi ku dhoofiyaan. Iyo inaysan ka faa’iidaysan dadka soo cararay oo masaakiinta ah ee tahriibka naftooda khatarta ku ah lagu dhoofiyo. Waxaas oo dhana aanu meel uga soo wada jeesano sidii loo xallin lahaa. Dawladduna waxay ku dadaalaysaa wacyi gelinta dadka.

Ummadda Soomaaliyeedna waxaan leeyahay dantiina garta, oo sharafta darada inagu dhacday, bur-burka inagu dhacay aan ka damqano oo yaynaan cadow isu loogin, dad badan baa dhibaataynta Soomaalida ku shaqaysta, shisheeye iyo sokeeyaba, dad badan baa ka faa’iidaysta, ummadda Soomaaliyeed waa muslimiine waxaa looga baahan yahay inay Islamka u noqdaan oo Illaahay u toobad keenaan. Wixii laga xarrimayna ka dheeraadaan, naf xaq darro lagu dilaa waxay ka mid tahay dembiyada waaweyn, marka Soomaalidu waa inay is ixtiraamaan oo u guntadaan sidii ay mashaakilkan ugu gudbi lahaayeen. Waxaan intaas ku darayaa dadka inay dibedda aadaan u hanqal taagayaa inay ka joogsadaan oo dalkooda ka shaqaystaan waayo dhib badan baa dibedaha ka taagan, ubad baaba’, dad isa seega, wax badan iyo dhaqan badan oo aynaan lahayn oo ina soo dhex gala, waa in dalka loo soo jeestaa oo dhulka la nabadeeyaa…waadna mahadsan tahay.

Waxaa waraystay Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com
April 22, 2003


 

I  I  D  H  E  H

 MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  c

Sixid: Qoraalka waxaa la daabacay April 22, 2003 | Cusboonaysiin April 23, 2003

SUNTA KU AASAN SOO MAALIYA KA AKHRI QORAALKII Shakiib

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

xayaysiis



HTML CD [an error occurred while processing this directive]