80,000 oo reer Minnesota ayaa si dhaqso ah isu
hubayn doona. 3 sano ka dib tiradan waxaa la filayaa inay gaarto 640,000
Soomaalida Minnesotase ma ka qayb qaadan
doonaan?
Mahamoud N. Wardere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA
May 20, 2003
Xildhibaan LyndaBoudrean oo laga soo doorto
Fairbault, Minnesota ayaa soo jeedisay sharci cusub oo la ansixiyay kaas oo
sahlaya qaadashada hubka si qarsoon. Sharcigan oo ay dad badan diidanaayeen
ayaa la ansixiyay wuxuuna dhaqan gelayaa bishan May 28deeda. Dadka diidan waxaa
u badan booliiska, kaniisadaha, iyo dad badan oo reer magaal u badan.
Xildhibaan Lynda waxay ay sheegtay in ay markay yarayd wax dhici jirtay oo ay
garanayso macnaha iyo xikmadda qori haysashadu leedahay. Dadka jecel hub
qaadashada waxay u badan yihiin beeralay, iyo kuwa cayaar ahaan u ugaarsada iyo
maalqabeen.iyo kuwa kale. Shuruudaha qofka raba inuu qaato hub waa
- 1) Inuu miyir qabo
- 2) Denbi hore uusan gelin
- 3) Inuu jiro 21 ugu yaraan
- 4) Inuu degan yahy meesha uu ka codsanayo
- 5) Inuu qaato training.
Muddada la sugayo waxay noqon doontaa 30 beri
inkastoo qofkii la yimaado shuruudo macquul ah loo dedejin doono. Hay’adaha
loo shaqeeyo ama dadka loo shaqeeyaa waxay xaq u leeyihhin in ay yiraahdaan hub
ha igala soo gelina goobtayda, sidoo kale qofka wuxuu xaq u leeyahay in uu
yiraahdo gurigayga ha igala soo gelin. Qiimaha ruqsada hubkan waa $100 oo
keliya. Dad lagu qiyaasay ilaa 80,000 ayaa la filayaa in ay noqon doonaan raca
hore kuwaasoo is diiwaan gelinaya si ay hubka u qaataan, qaarkood goor hore
ayayba tababarkii qaateen
. Su’aasha la iswaydiinayaa waxay tahay
dadkan maxay isu hubaynayaan. Dadkan waxay aaminsan yihiin in dawladdu ammanka
wadanka si guud u qaabilsan tahay ammaanka qofkana 50% in qofku is ilaaliyo
inay haboon tahay waayo ayay yiraahdeen dawladdu meel walba ma joogto sidoo
kale waxay ku nuuxnuuxsadeen inay ujeedadoodu tahay oo keliya in ay isdaafacaan.
Waxaa kale oo ay aamin san yihiin in dembiyada la galo sida dilka iyo tuugada
iyo dhacaba yaraan doonaan ayagoo ku halqabsaday sanad ka dib in dilalka iyo
dembiyada Minnesota yaraan doonaan.
Doodooda waxaa ugu xoog wayn in ay aaminsan
yihiin in haddii ayaga loo diido ay danbiilayaasha u fiicnaan doonto waayo
denbiilayaasha mar walba hub waa helayaan ee waxa aan hub helayn waa dadka
sharciga ilaaliya oo marwalba aan waxba galabsan. Dadkan waxay saadaaliyeen in
Minnesota meel fiican noqon doonto oo denbiyada yaraan doonaan.
Soomaalida Minnesota iyo hub qaadashada
Soomaalida Minnesota hamuun iyo oonba uma
qabaan inay is hubeeyaan sababaha ugu waawayn ayaa loo malaynayaa inay ka mid
yihiin waayo aragnimo iyo aqoondheeraad ah oo ay u leeyihiin hubka iyo
nabaradii dagaaladii sokeeye oo ay dhibaatadiisii dhegahooda ka sii yeerayso.
Mar aan waydiiyay dad badan oo Soomalida Minnesota ah in ay rabaan in ay ka
faaiidaystaan sharciga cusub waxay ii sheegeen in aanay u socon bil cagsi
inayba jeclaan lahaayeen in sharcigan aanan la dhaqan gelin. Soomaaliya waa
meesha ay caruurta aad u da’da yar kala garan karaan dhawaaqa qoryaha iyo
sida loo rido iyo magacyadoodaba.
Soomaali badan oo ku sii qulqulaysa Atlanta
Habeenkii waxbarashada Soomaaliyeed ee Atlanta
Waxaa bishan May 24keeda laga bilaabayaa
Atlanta usbuuc cayaaro iyo habeen waxbarasho intaba isugu jira halkaas sidaa
darteed waxaa la isaga imaanayaa Canada iyo gobolada kala duwan ee Maraykanka
sida Minnesota, Ohio, iyo meelo kale. Dadka halkaas tegayaa waxaa ka mid ah
cayaartoy badan oo ka baxaya usbuucan Minnesota iyo aqoonyahano badan. Reer
Atlanta ayaa ku mashquulsan soo dhowayn iyo isku duba ridka barnaamijkan
balaaran waana mid sanad walba la qabto marka iskuulada la xiri rabo wixii
faahfaahin ah la xiriir Burhaan burabdi@hotmail.com
ama 404-324-6009
Ogeysiis
ku Jeeda Soomaalida Atlanta
»»Waa kulan kusaabsan habeenka
waxbarashada Somalida Guji
Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com
Kulaabo
Bogga Hore....
QORAALADII
WARDHEERE
|