SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ATLANTA
Ogeysiis ku Jeeda Soomaalida Atlanta

Sanadkii labaad ee Habeenkii Waxbarashada Soomaaliyeed

Burhaan Cabdi Axmed | burabdi@hotmail.com 

KAAH

Waxaa Soomaalida ku nool Atlanta iyo nawaaxigeeda laga codsanayaa in ay ka soo qayb galaan xaflad balaaran oo aad loo qorsheeyay oo ka dhici doonta Georgia, Clarkston. Waa xaflad lagu dhiirigelin doono waalidiinta iyo ardada Soomaaliyeed ee ka qalin jebinaya dugsiyada sare ee 2002-2003 iyo kuwa ku jira Jaamacadaha sidii ay dadaalkooda u xoojin lahaayeen iyo damaashaad looga gol leeyahay in dhaqanka, isjacaylka, iyo iskuduubnida bulshada Soomaaliyeed lagu xoojiyo.

Xafladdan waxaa warbixin iyo talooyinka wax ku ool ah oo khuseeya ardada iyo waxbarshada ka soo jeedin doona Prof. Axmed Warfaa, Dr. Maxamed Cali Nuur, Dr. Xasan Cali Mire, Mudane Saciid Shiidaad, Mudane Maxamed Xirsi Bahal, Mudane Cali Cusman Cali, iyo Mudane Maxamuud Nuur Wardheere. Dhamaantood waa khubaro aad ugu xeel dheer arrimaha noocan ah. Waxaa cunto fudud ku deeqay ganacsato Soomaaliyeed iyo dumar Soomaaliyeed oo sidii weligoodba lagu ogaa garab istaaga danta guud ee Soomaalida.

Goobta: Clarkston High School
               618 Indian Creek Drive

Goorta: Sabtida bisha May 24teeda, 2003
              Saacadda: 5:00pm [waqtiga xafladda la bilaabidoono]

Wax barashadu waa muhiim ubadkeenuna aan caawino oo wax u sheegno waana in aan dhiirinaa oo hiil iyo hooba la garab istaagnaa waayo waa kuwa sii qaadan doona ama sii huwan doona magaca sharafta wayn huwan ee SOOMAALI. Albaabada dadka waa u furan yihiin, wixii faahfaahin ah la soo xiriira Soomaali Education Night (SOMEN) 404-324-6009.

Ka soo qaybgal wacan. GUULAYSTA GUULAYSTA GUULAYSTA

Wabilaahi Tawfiiq

Burhaan Cabdi Axmed

burabdi@hotmail.com 

May 15, 2003

Habeenkii waxbarshada Soomaalida Minnesota 
warbixin ku saabsan xafladaas oo uu soo uu idiin soo gudbinayo Maxamuud Wardheere GUJI 14/5

Dhibaato Weyn ayaa Soo Martay
Laakiin wuxuu hadda higsanayaa Derejo sare
waa cabdinaasir haji-Bare oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo.. GUJI.. 9/5/3

Kulaabo Bogga Hore.... 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD