SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Habeenkii waxbarshada Soomaalida oo si haboon u qabsoomay 

wardheere Mahamoud N. Wardere 

  mnwardere@yahoo.com  

Minneapolis, MN, USA

 
May 14, 2003

 

KAAH

Maalintii Khamiista ee ay bisha May ahayd 8, 2003 waxaa Dugsiga sare ee Roosevelt oo ku yaal Minneapolis, Minnesota lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay oo loogu magac daray habeenkii waxbarshada Soomaalida sandkii labaad. Xafladdaas oo lagu dhiirigelinayay ardada iyo waalidiintaba sidii ay waxbarashda ugu dadaali lahaayeen iyo dhaqankaba waxay ahayd mid aad looga fa’iidaystay. Sidan ayayna u dhacday

Saacadu markay ahayd 04:00pm waxaa bilawday bandhiga jaamacadaha iyo iskuulada. Jaamacdaha yimid waxaa ka mid ahaa University of Minnesota, Mankato, St. Cloud State University, MCTC, William Mitchell college of law. Normandale C. College, Abraham Lincoln High School, iyo Somali Education Center iyo kuwo kale. Waxaa kale oo carwada ka soo qayb galay Head Start oo ah iskuulka caruurta yar yar ee aan gaarin iskuulka waxaana la dhihi karaa waa meesha ay ka soo unkanto asaaska waxbarashada iyo YouthCare, iyo hay’ad caafimaadka dadwaynaha oo ka socotay magaalada aan ku nool nahay si ay dadka ugu baraarujo hawlo caafimaad la xiriira.

Markay saacadu ahayd 05:15pm waxaa bilaabmay qudbadihii waxaana xafladda furay Maamulaha cusub ee iskuulka Roosevelt oo dadka soo dhoweeyay una mahad celiyay dadkii soo abaabulay. waxaa ku xigay labo qof oo marti sharaf ahaa ka dibna casir tukasho ayaa loo dareeray. Saacaddu markay ahayd 06:00pm ayaa la soo noqday oo xafladdii dib u bilaabatay waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay imaamka Sh. Cabdiraxman Sh. Cumar waxaa ku xigay Macalin Maxamed Xasan oo oo asagu wax ka dhiga dugsiga sare ee Roosevelt talooyinna siinayay arday badan muddo dheer.

macalin Maxamed Xassan oo macallin ka ah dugsiga sare ee roosevelt, Minnesota Sawirka oo weyn

Waxaa ku xigay macalimad hooyona ah oo la yiraahdo Xaliima Faarax Cadde oo lagu yaqaan inay ardada runta u sheegto aadna ula socota dhaqan bedelka ku dhacaya dhalaanka Soomaaliyeed qaarkood. Waxa ku xigay macalin Muxuyadiin Ali oo muddo dheer tacliinta ku soo jiray kana ahaan jiray maamule iskuul Soomaaliya mudo dheer asagana waxa uu ka hadlay waxa la gudboon waalidka Soomaaliyeed ee jooga Minnesota ama USA gebiahaanba. Waxaa ku xigay nin dhallin yaro ah oo ka mid ah dadkii bilaabay habenka waxbarashada Soomaalida sanad hore oo la yiraahdo Cabdulqadir Cabdi oo ka hadaly deeqaha waxbarasho; Cabdulqaadir waxaa uu mudo ka soo shaqeeyay xafiisyada deeqaha waxbarasho oo jaamacado badan oo ay ugu danbaysay University of Minnesota.

Waxaa ku xigay prof. Cali Khaliif Galaydh oo aad ugu mahad celiyay dadkii soo abaabulay aadna ula dardaarmay ardada iyo Waalidkaba inay waxbarshada ku dadaalaan. Markaas ka dib waxaa bilwday abaal marin la siinayay xubno bulshada ka tirsan oo dadaal iyo waxqabad ku soo kordhiyay Soomaalida Minnesota waxaana ka mid ahaa Mudane saciid faahiye, Cusman caddaani saxardiid, Shafi Xaashi, Maxamed H. Rashiid, Maxamed H. Xuseen, Safiya Cumar, Zainab Hassan, Abdulahi Guuleed, Cusman Dahir, Maxamed Axmed Daakir, iyo labo haween oo Maraykan ah oo la kala yiraahdo Debra Rogers, Anne Mutt oo had iyo jeer la garab taagan dadkeeno taageero iyo maqaayadda Kaah oo ku deeqday cunto.

Dhibaato Weyn ayaa Soo Martay
Laakiin wuxuu hadda higsanayaa Derejo sare
waa cabdinaasir haji-Bare oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo.. GUJI.. 9/5/3

Waxaa xafladda soo gabo gabeeyay ardayga ah gudoomiyaha ardad Soomaaliyeed ee dhigata Roosevelt High School oo la yiraahdo mudane Abdulqaadir. Isku soo duuduuboo waxay ahayd xaflad aad looga faa’iidaystay. Waxaa bilaabatay dood qaar ardada ahi leeyihiin ha lagu qabto iskuukayaga sanadka danbe . Taasi hadii uu ilaahay idmo go’aankeeda markale ayaa la gaari doonaa.

Mahamoud Wardere

mnwardere@yahoo.com 

Kulaabo Bogga Hore....

 QORAALADII WARDHEERE

Xafladii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis GUJI..... 

ARDAYDA SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA

150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota 

HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA

Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin

<><>

Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

<><><>LINKS<><><>

Weydii Dr. Math [Ask Dr. Math]
http://mathforum.org/dr.math

Weydii Su'aalaha Sayniska [Ask Science Questions]
http://www.sciencepage.org/question.htm 

Khariidadaha iyo Joqraafiga [Maps and Geography]
http://www.nationalgeographic.com/resources/ngo/maps/ 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD