SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
abdinasir haji bareWuxuu Soo Maray Dhibaato aad u baaxad Weyn, Wuxuuse hadda Higsanayaa Meel Sare oo uu ku Gaarayo Aqoontiisa.

Waa Abdinasir Haji-Bare oo kamid ah11ka Arday ee ugu Buundada Sareeysa Fasalka ugu Dambeeya Dugsiga Sare ee Edison High School, Minneapolis, Minnesota, USA

Tarjumadii Maxamed Cali 
May 9, 2003

Maalin dhoweyd ayaa waxaan la kulmay warqad lagu faafiyey Minneapolis oo muujineysey afar arday oo soo maray marxalado adag,laakiin hadda waxbarashadooda heer sare ka gaarey, waxaa markiiba indhahaygu soo jiiteen wiil Soomaaliyeed oo da'yar oo magacisa la yiraahdo Cabdinaasir Haaji Barre oo ka mid ah ardayda warqadaasi ku qoraa, qoraalkii oo aan sidii uu ahaa u soo tarjumey waxa uu u dhignaa sidan:

KAAH

Toddoba sano jir aayuu ahaa cabdinaasir waqtigii uu kasoo baxay Soomaaliya markii labadiisii waalid iyo walaalkiis lagu diley dagaalkii ahliga ahaa ee halkaas ka dhacay. Gaarigii baska ahaa ee u soo raacay kenya waxaa weerar kusoo qaaday koox shufto ah oo hubaysan, Cabdirnasir wuxuu ka mid noqday dhawr qof oo weerarkaas jid gooyada ahaa ka badbaadey. Xero qaxooti kabacdi waxay Cabdinaasir is heleen Adeerkiis, waxuuna usoo kicitimay Minnesota.

G.P.A.

A: 4.00 
A-: 3.67
B+: 3.33  
B: 3.00 
B-: 2.67 
C+: 2.33
C: 2.00 
C-: 1.67
D+: 1.33 
D: 1.00
D-: 0.67 
F: 0.00 

Isha: Edison

Cabdinaasir hadda waa ardayda 11aad ee ugu buundada sareeya fasalkiisa ugu dambeeya ee Dugsiga Sare ee Edison High School oo kuyaal magaladaa Minneapolis ee Gobolka minnesota, USA. isku-celceliska buundada Cabdinaasir waa 3.77 GPA (grade-point average... GPA waa habka lagu cabiro buundada ardayda, buundada ugu saraysa oo la keenikaraana waa 4 sida ka muuqata shaxda bidix). 

Cabdinaasir waxa uu ka qayb qaataa qaybo ka mid jaaliyada Soomaaaliyeed, waxa uu ciyaaraa ciyaarta tennis-ka, waxana uu hogaamiyaa koox lagu magcaabo midnimada Soomaalida oo ah koox isu keenta ardayda meelaha kala duwan kasoo jeeda. 

Cabdinaasir wuxuu rajaynayaa in uu isu diiwaan geliyo Jaamacadda Minnesota.

Halkaas ayuu ku dhamaaday qoraalkii ka hadlaayey Cabdinaasir ee ku qoraa warqadda, waxaana halkaas ka muuqda dadaalka uu sameeyey cabdinaasir iyo sida uu uga faa'iideystey fursada waxbarasho ee uu helay, taas oo in badan oo fursadaasi soo martay lagayaabo in aysan ka faa;iideysan.

10-jir ku niyeystay, 40-jirna ku guuleystay   
waa Halgankii dheeraa ee qaadashada shahaadada PhD, ee Dr. Cabdullahi Warsame Afrax, Sweden... GUJI...

Soomaaliya oo ah dalka ay ku dheceen dhibaatooyin aad u baaxad weyn oo ay ugu horeyso nidaamkii waxbarasho oo burburay ayaa marka aad aragtid arday Soomaaliyeed oo dadaal intaas le'eg muujiyey ay niyadaadu ku farxeysaa.

Waxaa cad in cabdinaasir tusaale fiican oo horseed iyo ku dayasho mudan uu u noqon doono in badan oo ah arday Soomaaliyeed oo da'diisa ah oo haysta fursad waxbarasho, meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

300 Arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Edison High School oo kamid ah dugsaiga Sare ee magaalada Minneapolis.

Tarjumadii Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
Minneapolis, MN

May 9, 2003

Kulaabo Bogga Hore....

Xafladii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis GUJI..... 

ARDAYDA SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA

150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota 

HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA

Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin

<><>

Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

<><><>LINKS<><><>

Weydii Dr. Math [Ask Dr. Math]
http://mathforum.org/dr.math

Weydii Su'aalaha Sayniska [Ask Science Questions]
http://www.sciencepage.org/question.htm 

Khariidadaha iyo Joqraafiga [Maps and Geography]
http://www.nationalgeographic.com/resources/ngo/maps/ 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD