Madaxweynaha Gelle Oo Hogaaminayey
Wafti 70 Xubnood ka Kooban
Waxaa
isku soo dubaridey:
abdiaziz ahmed
mousa
abdiaziz2@hotmail.com
May 24, 2002
Bidix: Madaxweyne A.P.J.Abdul-kalam, Dhexda: Raysal wasaare Vajpayee, Midig: Madaxweyne Gelle
|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismail
Omer Gelle Ayaa Shalay Ka Dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Bombay Ka
dib Markii Uu Soo Dhameystay Booqasho Qaadatay Shan Cisho Madaxweynuhu Intii Uu
Joogay Bombay waxa uu kula Kulmay Hotel Taj Oo uu Deganaa Raysal wasaaraha
Gobolka ay Bombay Xukunto ee Maharshtra Mr Shinde iyo Madaxda Ganacsi Ee
Magaaladaasi
Madaxweyne Gele Oo Aan La kulmay Subixii Hore
Ee Shalay ,Waxa Aad Uga Muuqatay Daal Farabadan waxanu ii Sheegay in Uu Halkan
u Yimid Sidii loo sii Xoojin lahaa Xidhiidh-ka u Dhaxeeya Labada Dal Madaxweyne
Geele Waxa uu ka Maagay Waraysi Aan ka Codsaday In Aan La yeesho .
Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Abdi
Farah oo Dhinac Taagnaa Madaxweynaha ayaa yidhi Anigaa Diyaar u Ah waraysi Ku
Saabsan Hawlaha Aanu Halkan U Nimi Ee Madaxweynuhu Waa Daalan Yahaye Mar kale
ayaanu Kugu Casuunay in Aad Madaxweynaha Waraysi Kaga Qaado Jibouti Haddii Alle
idmo.
Waraysigaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee
Djibouti iyo waraysiyo Aan La yeeshay Wasiirka Gadiid-ka Iyo Qalabaynta Mudane
Wacays iyo wasiirka Waxbarashada Obsiye iyo Waraysiyo Aan La yeeshay Tijaarta
Caanka Ah ee Reer Djibouti Garyaqaan Mohamed Baxsane iyo Sawiro Farabadan Oo
Aan halkaa Ka qaadayba waxan Idiinku Soo Gudbin Doonaa Cadadyadda Danbe.
Waftiga Madaxweynaha waxa ka Mid Ahaa Wasiirka
Arrimaha Dibadda Cali Abdi Farah, Wasiirka Gaadiid-ka iyo Qalabaynta Cilmi
Obsiye Wacays, Wasiirka Waxbarashadda Cabdi Ibrahim Obsiye, Gudoomiyaha Rugta
Ganacsiga Siciid Cali Gaboosh. Agaasimaha Guud ee Quwadda Korantadda ,Jamac
Cali Geele Iyo In ka badan 30 Shirkadood Madaxdoodii iyo 20 ka Mid ah Askrata
Madaxweynaha Ilaalisa. Tiradda waftigu waxa ay isku Ahayd 70 Qof.
Waftiga Madaxweynaha waxa Aad Loogu Soo
Dhaweeyay Dalka Hindiya oo dhan waxana si weyn u Qaadaa Dhigay Socdaalkooga TV-yadda
iyo Jaraa,idka.Dalka .
Djibouti
oo Doonaysa in ay Xidhiidh Ganacsi la Yeelato Hindiya
"Halkan waxan u Imi Inaan wax ka Barto Technolog-yada Heer-ka Sare ah Ee
Hindiya" ayuu yiri Madaxweyne Geele oo.. GUJI
Madaxweynaha
Djibouti oo La kulmay Madaxwaha iyo Raysalwasaaraha Hindiya
Madaxweyne Geele waxa uu kala hadlay madaxda hindiya Sidii Loo Sii Balaadhin
lahaa Ganacsiga.. GUJI
Madaxweynaha
Jibouti oo soo caga Dhigtay New-delhi
Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay la kulmi doonaan madaxweynaha India iyo GUJI
Abdiaziz Ahmed Mousa
Hindiya
Abdiaziz2@hotmail.com
QORAALADII HORE EE CABDICASIIS
Pakistan
Iyo Hindiya oo Gaadhay Heshiis
waa heshiis Ka Dhigan Sidii Film Hindiya oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo
Halaag GUJI 13/5
|