Wararka Shirka Soomaalida ee Kasocda Kenya
Ridwan Xaaji Cabdiwali
ridwanhaji14@hotmail.com
Nairobi-Kenya
|
shirka dib u heshiisiinta oo lasoo afjaryo
wajiga labaad xili aan fogayn ayaa u muuqda mid dardar hor leh la galiyay oo ay
ka dhur sugayaan dadwaynaha soomaaliyeed meel walba oo dunida ay ka joogaan
inkastoo waqtigiisa uu daba dheeradaay.
waxay u muuqdaan dhamaan hogaamiyayaasha soomaaliyeed in ay udhanyihiin ka
qaybgalka shirka isla markaana dhamaantood ay saxiixeen heshiiskii xabad
joojinta ee 27kii October ka dhacay Eldoret, heshiiskaas oo aduun waynuhu uu
soo dhaweeyay inkastoo lagu xad gudbay oo dagaalo ay ka dhaceen meelo kala
gadisan oo soomaliya ka tirsan.
ergayga arimha soomaliya u qaabilsan Kenya Kiplagat ayaa isna umuuqda nin aad u
fahmay dabciga soomaalida oo talaabooyin wanaagsan ku talaabasanaya tan iyo
markii xilka ay u magacawday Madaxwayne Kibaki markii uu xukunka qabtay.
ergaygu waxaa uu dhowaan sheegay in qaabka qabaa'ilku ay u qaybsanayaan
baarlamaanka 450 ay soo xuli doonaan salaadiinta iyo oday dhaqameedyada oo
shirka mar dhow lagu martiqaadi doono maadaama iyagu ay yihiin kuwa ay taladu
ka go'do isla mar ahaantaana aqoon fiican u leh beelaha soomaaliyeed.
Waxaa dhinaca kale shirka uu umuuqdaa in uu galayo mar xalad muhim ah oo aad u
adag xiligan oo beelaha soomaaliyeed ay leeyihiin shirar gooni gooni ah oo
dhexdooda ay ku xalinayaan khilaafka qaybsiga ergadda laguna jaan gooyo 4.5
sidoo kale beesha caalamka ayaa isla ogolaatay in soomaaliya la keeno ciidamo
hubka ka dhiga si nabad galyo ah ka hor inta dawladda aan lagayn soomaaliya ,
waxaana lagu hawlgalayaa warbixinta ay soo gudbinayaan wafdi uu hogaaminayo jen
Musomba oo dhowaan tagaya soomaaliya marka ay soo noqdaan soona qiimeeyaan
baaxadda hubka yaala soomaaliya iyo qaabka hubka loga dhigi karo maleeshiyada.
Ridwan Haji
ridwanhaji14@hotmail.com
May 19, 2003
Qodobo
ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ku shiraya Mbagathi
warbixintii IQRA FM.... GUJI
28/4
|