= URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA
HOOSE =
=XARUNTA STOCKHOLM=
UHGJH/Q-20/2003 06.05.2003
KU:- ISBAHAYSIGA DOOXADA JUBBA EE XOOGGA
KU HAYSTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
KU:- DHAMMAAN WAXGARADKA, ODAYAASHA, DHALINYARADA IYO HAWEENKA GOBOLKA JUBBADA
HOOSE.
OG:- WAXGARADKA, AQOONYAHANADA IYO ODAYAASHA SOOMAALIYEED.
OG:- URURKA IGAD.
UJEEDDO:- BAAQ IYO DIGNIIN.
Ururka horumarinta Gobolka Jubbada Hoose, wuxuu la
socodsiinaayaa dhammaan dadweynaha Gobolka Jubbada Hoose wada dega iyo dhammaan
Ummadda Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda dhibaatada iyo gumaadka loo geysanaayo
dadka Gobolka Jubbada Hoose u dhashay " in aysan jirin wax heshiis ah oo ay
wada gaareen dadka u dhashay Gobolka Jubbada Hoose iyo kooxada la magac baxday
Dooxada Jubba ee gumaadka iyo
barakicinta ku haysa dadka u dhashay deegaanka Gobolka J/Hoose".
Waxaa is-weydiin leh yaa lala galay heshiiyada
la sheego oo ka dhaca Kismaayo? Goormuu heshiis dhici karaa? Yaa matali kara
dadka Gobolka Jubbada Hoose?
Waxaan filaynaa qof walba oo wax garad ah in uu
fahmi karo waxa ka dambeeya heshiisyadan beenta ah, barabugaandadan rakhiiska ah
ee lagu qaldaayo dadweynaha Soomaaliyeed. Waa heshiis been ah oo looga dan
leeyahay in lagu kala burburiyo midnimada iyo wada jirka maantay ay gaareen
dadka Gobolka Jubbada Hoose ee u halgamaaya sidii ay deegaankooda dib ugu soo
noqon lahaayeen. Qoraalada beenta ah ee lagu soo shaacinaayo web-site-yada
waxaanu leenahay waxba kama jiraan. Aaway magacyada dadka heshiiska galay? Dadka
u dhashay deegaanka Gobolka Jubbada Hoose ma dad aan la garanaynbaa? Mise waxaa
heshiiskan beenta ah wada galay kuwii ku soo duulay Gobolka oo ku kala
qaybsanaaya deegaannada Gobolka kadib markii ay ku heshiin waayeen maamulkiisa.
Runtu waxay tahay Ummadda Soomaaliyeed in ay
maantay ka gudbayso been abuur iyo kala qaybin iyo isku dir la isku diro dadka
deegaannada u wada dhashay ee walaalaha ah. Xaqiiqaduna waxay noqnaysaa Gobolka
Jubbada Hoose in ay maamuli doonaan siyaasaddiisa, hoggaanimtiisa iyo
dhaqaalihiisaba dadka u dhashay ee laga barakiciyay deegaankooda.
Dooxada Jubba; waxaanu leenayahy isaga baxa
Gobolka Jubbada Hoose dadkiisu way mideysan yihiin maantay. Si wada jir leh ayay
uga wada tashanayaa aayaha dadkooda iyo Gobolkoodaba. Ma ogtihiin Xoogii aad ku
dhisnaydeen ( waa kooxda Cartee ) way burbureen, waqtigiina waa u dhammaaday ee
dadkiina dhinac ka raaca. Dib ugu noqda Gobollada aad ka timaadeen. Idinkoo
matalaaya Gobolladiina ka soo qayb gala madasha lagu heshiisiinaayo Soomaaliweyn
ee ka socda dalka Kenya.
Ummadda Soomaaliyeed waxaanu ugu baaqaynaa in
ay meel uga soo wada jeestaan kuwa doonaaya in ay xoog ku maamushaan Gobollo iyo
deegaanno aysan lahayn. Waxaanu taageersanahay in Soomaaliya Dowlad laga dhiso
oo ay ka baxdo duliga, dilka, boobka, dhaca, kufsiga iyo kala qaybinta.
Soomaaliyeey dadka iyo dalkuba ha loo gurmado sidii dowlad looga dhisi lahaa.
( Maxamed Muuse Cabdi "Jabros")
= GUDDOOMIYAHA URURKA =
jabroos@hotmail.com
May 10, 2003
QORAALADII HORE EE UHGJH
Kulaabo Bogga
Hore....
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan
Xasan
Abshir iyo Deerow oo Shir Jaraa'id Qabtay
iyo Kipligat oo sheegay in shirku u
gudbayo wajigiisii 3-aad iyo Shir ay yeesheen Cismaan Caato, Muuse Suudi,
Cumar Filish, Qanyare iyo TNG-a Muqdisho ... GUJI.. 30/4
|