SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Gacan Kahadal kadhacay Bosaso iyo Waliba Wararkii Ugu Danbeeyay

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 
Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu, Bacda Salaan

May 11, 2003

KAAH


Saaka Saacaddu markii ay ahayd 10:45 daqiiqo, xilliga Magalada Bosaso ee Mamul Goboledka Somaliya ee Puntland, ayaa waxa uu gacan kahadal ka dhacay banaanka xafiiska Dowladda Hoose ee Magalada Bosaso, Gacan kahadalkaan oo la'isu adegsaday Hubka fudud ayaa waxa ku dhintay Askari katirsan Ciidanka maryo Calasta ah ee dhawantan kasoogalay degmada Ceel Afwayn ee Waqooyi Galbedka somaliya, Askarigan oo lagu magacaabo Axmed ayaa waxa ku dhacay xabado ay iswaydaarsaden Ciidanka poliska ee magalada bosaso, Askarigan ayaa waxa uu kamid ahaa saddex(3)askari oo magalada lasoo galay hubkii ay siteen, arrintaasina ay keentay in Ciidanka poliska Magalada Bosaso ay isla fahmi waayeen in Askartan Hubaysan ay dhigaan Hubka , inta ay magalada kasoo dhamaysanayan howlihii ay uyimaden.

isfahandaro kadib ayaa waxa si fudud xabadda u furay Ciidankii Maryo Calasta ahaa ee Magalada soogalay, halka kuwa Poliskana ay kaga jawabeen tacshiirad kale , halkasna waxa ku nafwaayay Axmed Yare oo kamid ahaa Askarta Maryo Calasta ah, isla markan waxa ku dhawacmay midkale oo kamid ah Maryo calasta, halka kii saddexaadna uu isdhiibay , shilkaasi kadib waxa ay Ciidanka poliska durbadiiba lacarareen Askarigii Dhawaca ahaa iyo kii maydka ahaa oo ay ula carareen Isbitalka Magalada Bosaso.

si kastaba ha'ahatee Askaraigii tacshiiraddiisu ay dishay askariga dhintay ayaa haatan ku jira gacanta Ciidanka Poliska ee magalada Bosaso, waxa kale oo lahayaa hubkii 3da nin ee Maryo calasta ahaa oo iyagan yaala xarunta poliska ee Bosaso, arrintan saaka wax jawi ahi kuam yeelan xaaladda Magalada Bosaso, waxa jiray heshiis lagaaray muddo hadda laga joogo 4bari kahor, heshiiskas oo dhigayay in Ciidamada maryo calasta ahi aysan lasoogalin wax hub ah magalada gudaheda, isla markana aysan soo dhaafin baraha loocayimay ee ay daggan yihiin, waxa amar buuxa lagusiiyay ciidanka Poliska Magalada Bosaso inay qaabkasta u ilashan nabadda magalada, iyadoo ciidanka daraawishta DG Puntland lagu amray inaysan soo faragashan gudaha magalada.

Taarikhdu markii ay ahayd 6dii bishan ayaa saldhigga magalada bosaso lagu xiray mid kamid ah askarta maryo calasta ee soogaaray Bosaso, iaydoo Polisku arrinkaasi ay ku tilmameen sugidda amankiisa , isla markana waxay u dhaadhiciyeen xarunta ciidankii u katirsanaa, isla week'gas aya waxa duledka magalada qardho lagu dilay nin shacab ah oo darawal gaari TAXI ahi wada oo kayimid dhinaca magalaa bosaso, ninkasi waxa dil togasho ahi ku dilay Askari maryo calas ah, isla markasna, hoganka sare ee Ciidanka maryo calasta ahi oo laxariiray degmada qardho ayaa ku amray waxgaradka degankaas inay soo gacangashan gacan ku dhiiglahas dilka gaystay, iaydoo odayada degankuna ay arrinkasi soodhaweeyeen, arrintan ayaa waxay muujinaysaa in xilwayn la'iska saaray sugidda amanka iyo ilaalinta nabadda.

Howlaha hadda horyaala madahsa shirka Magalada Bosaso ayaa waxa kamid ah sidii la'isagu dhafi lahaa ciidamada oo idil, iyada oo dhamaan ciidanka maryo calasta ahi loo kala qaybin doono dhaman hay'adihii ay ka tirsanayeen oo haddii qarkood ay Poliska Puntland ka tirsanayeen awal ahaan hadda hay'addisii lagu dari doono, hadii darawishta ahana lagu daridoono qaybtii (UNUGGII) uu ciidanka kaga jiray, si kastaba ha'ahatee waxa lasoo afjaray shirka badankiis , inakstoo uu dadku ka dahan yahay haddana waxad dareemaysaa in dhamman dadku ay ku dhiiran yihin nabadda oo ay jirto xilkasnimo aad uwayn oo dhinackasta uu muujinayo.

Sida ay qirtay Idaacadda BBC'da waxa ay laba mas'uul sheegeen in shirkii dhamaday, haddana warsaxafaded laga soosaari doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadduu rabbi idmo, iaydoo ay jiran howlo yayyar oo hadda gacanta lagu hayo, labadan mas'uul ayaa midkastaa qiray wanaagga nabadda, madaxwaynaha DG Puntland ee Somaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Hoganka garabka kale Mudane Cadde Muuse ayaa ah laba nin oomuddo badan isyaqanay , isla markana si dhab ah ugu wada bareeray inay nabadda gayiga Puntland si isku mid ahi oga wada shaqeeyaan, shirkana kadib aya labadan mas'uul waxa laga wada sugaya inay tagan Shirka Nabadda Somaliya ee kasoconaya Kenya. 

DAMAL AIR

Ma u Dhoofeysaa Soomaaliya, ha moogaan Damal Air  

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 

Somalitalk. 

May 11, 2003 

 Qoraaladii Hore ee Shiike

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Nabada PL 
»»Wafdigii Ugu Danbeyay oo Caawa kadulay Dubai Iyo Shariqa
»»Cabdullaahi Yuusuf iyo Cade Muuse oo yeeshay Kulan Gaar ah
»»Xasan Abshir iyo Deerow oo Tegaya Boosaaso 
»»Wafti kasocda IGAD oo u socdaali doona Bosaso
Dhammaan Ka Akhri Warbixintii Shiike.. GUJI..  8/5/3

Warsaxaafadeed: Madaxtooyada Puntland 
waxaa Boosaaso maanta si rasmi ah uga furmay shirka wadahadalka dawlad goboleedka Puntland iyo....   GUJI 6/5

Wararkii hore ee Puntland
warbixintii Shiike ee wararkii Boosaaso, UAE, iyo Nairobi iyo wufuuda kusii jeeda Boosaaso...  GUJI

Kulaabo Bogga Hore....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD