SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Madaxweynaha Djibouti oo La kulmay Madaxwaha iyo Raysalwasaaraha Hindiya

abdiazizWaxaa isku soo dubaridey:

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

May 20, 2002


Bidix: Madaxweyne A.P.J.Abdul-kalam, Dhexda: Raysal wasaare Vajpayee, Midig: Madaxweyne Gelle

Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti Ismail Omer Gelle ayaa La kulmay Shalay Madaxweynaha Hindiya Mudane ,A P Jalaludiin Abdulkalam iyo Raysal wasaare Atal Baheiri Vajpayee

Madaxweyne Geele waxa uu kala hadlay madaxda hindiya Sidii Loo Sii Balaadhin lahaa Ganacsiga U Dhaxeeya Labada Dal iyo Gabi Ahaanba Dalalka Afrikadda Bari president Geele ayaa taageeray Hashiis-yadii ay Gaadheen labad Dal ee pakistan iyo india

Raysal wasaaraha Hindiya A,B. Vajpayee oo Hadlay ayaa yidhi ku soo Dhowow Madaxweyne Dalkayga waxanay labad madaxweyne Yeesheen Kulan Aad u Dheer oo Badidiisu ku Saabsanaa Sidii loo Sii Xoojin lahaa Xidhiidhka Ganacsi ee labad Dal.

Djibouti ayaa Safaaradd ka Furanaysa New-delhi waxana la Dhigayaa Wakiil ama Qusul Magaaladda Ganacsi Ee Bombay Madaxweynaha ayaa la Filayaa Goor Dhow oo Maanta ah in uu yimaado Magaaladda Hyderabad halkaas oo uu kula Kulmi Doono. Raysal Wasaaraha Gobolka A.P. (hyderabad) Mr. Chander Babu Naidu iyo Madaxda Ganacsi Ee Dalkaasi.

Madaxweynaha waxa la Filayaa in 22 bishan uu la Kulmo Raysal wasaaraha Gobolka Maharshtra Mr Shinde oo ay ka wada Hadlaan Xidhiidh Ka Ganacsi ee u Dhaxeeya labada Dal . Booqashadiisu waxa ay Soo Gabgaboobaysaa 23 bishan oo uu ku laaban Doona Dalkiisa

Hindiya oo Baryahan Sii Balaadhinaysay Xidhiidhkeeda Afrikadda Bari iyo Gabi ahaanba Qaaradda afrika ayaa Damacsan in ay u Laalaabto Suuqii uu Shiinuhu ku Lahaa Afrika

Madaxweynaha Jibouti oo soo caga Dhigtay New-delhi 
Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay la kulmi doonaan madaxweynaha India iyo GUJI 

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

abdiaziz Ahmed Mousa 
Abdiaziz2@hotmail.com
 

May 20, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDICASIIS

Pakistan Iyo Hindiya oo Gaadhay Heshiis 
waa heshiis Ka Dhigan Sidii Film Hindiya oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo Halaag GUJI 13/5

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD