SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Wafdigii Ugu Danbeyay Ee Jaliyadda Puntland oo Caawa kadulay Dubai Iyo Shariqa

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 

May 8, 2003

  • Wufuud ka dhooftay Dubai oo kusii jeeda Boosaaso
  • Cabdullaahi Yuusuf iyo Cade Muuse oo yeeshay Kulan Gaar ah
  • Xasan Abshir iyo Deerow oo Tegaya Boosaaso
  • Wufuud Kasocda IGAD, Itoobiya iyo Maraykanka oo tegi doona  Boosaaso
KAAH

Assalamu Calaykum W W, Bacda Salaan

Bacda Salaan,

Caawa Abaartu markii ay ahayd 3:45 Daqiiqo Xilliga Saqda dhexe ee Dalka Isutagga Imaradka Carabta ayaa waxa Garoomada Caalamiga ahi ee Dalka isutagga Imaradka Carabta kaduulay Labada diyaaradood ee Galad Air iyo Damal Air oo labadaba kusii jeeda Magalada Dakadda ah ee Bosaso, Labadan Diyaaradood ayaa waxay sii maridoonan haddii rabbi idmo Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Mukula ee dalka yaman, si'ay oga qaataan Gaaska dayuuradaha, isla markana ay socdaalkoodii halkaas kasii wadandoonan, xiiliga somaliya haddii rabi idmo,markii ay abaartu tahay 11:45 Daqiiqo ayay dayuuradahan ku beegan yihiin Garoonka diyaaradaha ee Bander Qasim, Bosaso Puntland.


Warkan waxaanu ka helnay saraakiil ka tirsan labadan shirkadood oo fadhigoodu yahay magalada Dubai, sargaal sare oo katirsan Galad Air oo magaciisa layiraahdo C/Risaaq Shiino(Dhakaar), ayaa waxa uu ii sheegay in Dayuuraddoda wafuudda saaran ay martiqaad kaheleen DG Puntland, wafdigaan oo uu kujiro Guddomiyaha Galad Air, Mudane C/laahi Dalmar aaya waxaa lasocday magacyadan hoose.

1-Mudane , C/laahi Dalmar, Guddomiyaha Shirkadda Galad Air.
2-Mudane, Sulux Cabdi Xaashi, wakiilka DG Puntland ee UAE.
3-Mudane, Xuseen Gacayte.
4-Mudane, C/Wali Jamac Buux.
5-Mudane, Yaasin Cabdi Warsame (Ciridyanbo).
6-Mudane,C/qaadir Shiikh Maxamuud (Gaduudow).
7-Mudane, C/Qaadir C/laahi Cumar Botan.
8-Pro, Xirsi Qoorey.
9-Eng C/rashiid Shiikh Nuur
10-Ganacsade ,Saciid Daahir.
Wafuuddan waxa kale oo lasocda tiro dad ah oo ganacsadeyaal ah iyo waxgarad oo dhammaanba martiqaad kahelay DG Puntland, si ay goobjogeyaal oga noqdaan shirka looga arrin sanayo hanaanka geedi socodka nabadda ee Puntland.

Dhinaca kale waxa Diyaaradda Damal saaran, wafuud ay kamid yihin
1-Col , Axmed Ismaciil Boqor.
2-Saciid Faarax Yare.
3-Maxamuud Khalid.
4-C/laahi Saciid samanter.

maanta ayaa waxa dhacay kulankii 2aad ee ay isagu imanayeen maamulka Puntalnd iyo Mucaradka waxan kulankaas looga wada hadlay sidii amaanka loosugi lahaa, isla markana waxa madasha shirka sooxadiray mas'uuliyin katirsan labada dhinac, kaftan iyo sheeko gaaban dabadeed waxaa shir gaar ah yeeshay Madaxwaynaha DG puntland C/lahi Yusuf Axmed iyo Hogamiye Ge, Cadde Muuse, illaa iyo hadda lama yaqaan waxa ay kawada hadleen mas'uuliyintan.

DAMAL AIR

Ma u Dhoofeysaa Soomaaliya, ha moogaan Damal Air  



sidoo kale waxa barri lafilayaa inay kasoo dagaan Garoonka bander Qasim, wafdi kasocda Dowladaha Urur Goboledka Geeska Africa Ee IGAD, Wafdi kale oo isna ka imanaya Dalka Itoobiya, wafdigan waxa wehliya saraakiil katirsan Safaradda Maraykanka ee Dalka Itoobiya, illaa iyo hadda waxa muuqata in jawiga nabdda Puntland uu cagadhigay, haseyeshee waxa uu mas'uul uu kaasaran yahay mas'uuliyinta kuhowlan sidii ay u kamili lahayeen nabaddan baaxaddeedu wayn tahay.

warar kale oo aan soo xuuramiyay ayay waxa ay shegayan in Ra'isul Wasare DKG Mudane Xassan Abshir Faarax iyo Ra'isul Barlamanka DG ah Mudane Cabdalla Deerow Isaaq ay maalita Isniinta ah imanayaan Magalada Bosaso si ay oga qayb galan Madasha Nabadda Ee Puntland.

waxii kasoo kordha xaaladda puntland si tafaftiran ayanu usoo gudbindoonaa insha allahu

Mahadsanidin
 

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 

Somalitalk. 

May 8, 2003 

 Qoraaladii Hore ee Shiike

Warsaxaafadeed: Madaxtooyada Puntland 
waxaa Boosaaso maanta si rasmi ah uga furmay shirka wadahadalka dawlad goboleedka Puntland iyo....   GUJI 6/5

Wararkii hore ee Puntland
warbixintii Shiike ee wararkii Boosaaso, UAE, iyo Nairobi iyo wufuuda kusii jeeda Boosaaso...  GUJI

Kulaabo Bogga Hore....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD