SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Xaalufin lagu hayo Dhirtii Gobalada Jubada dhexe Iyo J/Hoose

  • Isbahaysiga Dooxada jubba oo Lagu eedeeyey Xaalufinta Degaanka Jubooyinka

  • Imaaraadka Carabta oo Qayb Weyn ka ah Bililiqada Soomaaliya...

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Wararka naga soo gaaraya Gobalada J/dhexe iyo J/hoose waxay sheegayaan in degaano faro badan oo markii hore kaymo jiq ah ay hadda isu rogeen dhul saxaro lama degaano kale ah,ayadoo ay ugu wacantahay sida xad dhaafka oo loo jarayo dhirtii dabadeedna inta la gubo dhuxul ahaan loo iibgeeyo wadanka imaaraadka carabta,ayadoo dadka gubaya aan inaba u aabo yeelin dhir qoyan ama qalalan.

Dad badan oo ka tirsan degaanadaas ayaa qaylo dhaan ka keenaya sida bahalnimada ah oo loo nabaad guurinayo dhulkii ay daaqsan jireen xoolaha amase dugaalka u ahaa beeraha,waxay eedda dusha uga tuureen Isbahaysiga Dooxada jubba oo isagu ka taliya degaanadaas.isla markaana dadka ku taajiray dhuxusha ay ayagu ku naasnuujinayaan ayagoo isla ah hal beel, waxayna dadkaasi aad uga cowdeen dhibka haysta degaanka ka sakow in kuwa jaraya dhirta ay xitaa xeryihii ay degenaayeen ku qasbeen inay ka guuraan si ay ujaraan dabadeena dhuxul uga dhigtaan.
Mukhaadaraadka Lagu Beero Dhul-Beeraadka Soomaaliya Guji....

Waxaa wararku intaa ku darayaa in markab weyn oo ku xiran dekadda magaalada kismayo lagu bilaabay raridda Dhuxusha kaasoo ay leeyihiin labo walaalo ah oo haddii loo baahdo aan ku magcaabi doono qoraalada dambe, kuwaasoo ka mid ah dadka sida weyn ugu taajiray dhoofinta dhuxusha ayagoo u iib geeya wadanka imaaraadka carabta oo dad badan oo soomaali ahi isku raaceen in wadankaasi qayb weyn ku leeyahay bililiqada ku dhacday dalka, waayo bay dhaheen haddii ay ka mamnuuci lahaayeen in la keeno dalkooda ma dhacdeen xaalufintan ba,an oo ka dhacday dhulkii kaymaha iyo ayda jiqda ahaa.

Sida laga war qabo dadka degaanka Xaramka iyo isbahaysiga dooxada jubba waxaa dhex maray dagaal ku saabsan gacan ku haynta aaggaas, ayadoo dadka degaankaasi ay ku andacoodaan inay ka hortagayaan jaridda dhulka oo ay yiraahdeen markay soo dhameeyeen degaankii kore ayay rabaan inay xaalufiyaan intaan yar ee ka badbaaday,laakiin maamulka dooxada jubba waxay ayaguna ku andacoonayaan inay sifeenayaan burcada jid gooyada dhigata wadada.

Cabdi Xasan Cali Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2003

BARAARUJIN

Warkan hoose waxaan asalkiisii daabacnay July 2001

Waalidiinta iyo macalimiinta Dugsi qur'aanka oo si wadajira u canbaareeyey shineemooyinka..

macalimiinta dugsi qur'aanka iyo waalidiinta ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey dhibaatada ay shineemooyinku ku hayaan caruurta ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ay sheegeen inay shineemooyinku yihiin caqabada kaliya ee hortaagan inay caruurtooda si habsami leh wax u bartaan, qaar ka mida macalimiinta oo sharaxayey dhibaatada ay ka sheeganayaan shineemooyinka, ayaa sheegay inay tahay: Iyadoo ay hoos u dhacday fahankii ardayda wax barata iyo waliba iyagoo halkaa ka soo min guuriya dhaqamo shisheeye oo aad u fool xun, kuwaasoo lidi ku ah diinta Islaamka.

Shineemooyinkan oo ah Video-yo yar yar oo la dhex dhigay qol aad ciriiri ah oo lagu dhex cabo sigaarka iyo waliba maandooriyayaasha kale ayaan waqti go'an lahayn oo ay shaqeeyaan, waxaad arkaysaa iyagoo furan habeen iyo maalin taas oo ay macnaheedu tahay inay inta badan furan yihiin 24-ka saacba, Vedeo-yadan ayaa soo bandhiga filimaanta Hindiga, Kuwa Maraykanka iyo waliba filimaanta Jinsiga ah (SEX) oo ay soo bandhigaan habeenkii xilli danbe, filimkaas Jinsiga ah oo ay ugu magac dareen (MACMACAANKA DHALINYARADA), filimkan ayaa dhowr jeer Culumadu ka hadleen khatartooda, ayadoo marar badanna loo hanjabay milkiilayaasha shineemooyinkaas.

Suuqgaynta filimaantan gaar ahaan kuwa Hinndiga ayaa iyaguna waxaa qayb weyn ka qaata shirkad lagu magacaabo Al-FAGI oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, shirkadan ayaa u turjunta filimaantaas Af-ka Soomaaliga taasoo keentay inay caruurtu si gaara u xiiseeyaan, shirkadan lagu magacaabo AL-FAGI ayaan iyadu filimaantaas ku samayn wax Sencership ah ama aan marsiin Jensuuro, Xiligii ay jirtay dawladii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, ayaan iyada marnaba ogolaan jirin Aflaanta Jinsiga iyadoo waliba lahayd hay'ad si gaara ula socota filimaanta ka imaanaya wadamada reer galbeedka oo markaas ka jari jirtay ficilada sida gaarka ah wax ugu dhimaya akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed.

ISHA: SomaliTalk Mogadishu Weekly

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD