| Waraysi Dheer oo ku Saabsan Dilkii Suldaan Hurre iyo Imaatanka Isimada ee 
  Gaalkacayo 
   Sida aan lawada socono waxaa lagu dilay 8/17/02 magaalada Kalabayr ee ka 
  tirsan Gobolka Nugaal dil toogasha ah mid kamida Isimada ugu maga dheer 
  Puntland kaas oo ah Suldaan Axmed Maxamud Maxamed(Hurre) 
  ale ha u naxariistee, dilkaas oo lagu eedaynayo inay ka danbeeyeen ilaalada 
  khaaska ah ee C/laahi Yuusuf Axmed, hadaba markay ka soo wareegtay dilkaas 
  mudo sanad iyo dhowr bilood ah ayaa waxaa magaalada Gaalkacayo yimid Isimada 
  Puntland ugu magaca culus qaar ka mida, sida: 
  Boqor Maxmuud Boqor Muuse, Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suldaan Siciid Maxamed 
  Garaase taariikhdu markay ahayd 10/22/03 iyagoo xal u raadinaya dhacdadaas, 
  hadaba waxaa Somalitalk usuura gashay inay waraysi layeeshaan afhayeenka 
  gudiga beesha Maxamed Cumar ee Suldaanku kasoo jeedo Axmed Muuse Nuuryare oo 
  jooga magaalda Gaalkcayo waxuuna u dhacay sidaan: Somalitalk: Axmed waxaan ku waydiinaynaa waxaan maqaly inay 
  yimaadeen magaalada Gaalkacayo Isimo waawayn iyagoo xal u raadinaya arintii 
  Suldaan Hurre, majirtaa arintaas? Axmed: marka hore waad mahad santihiin qoladiina Somalitalk, haa 
  way jirtaa imaatinka Isimadu , waxaa ka horaysay howlgal isdaba joogay oo ku 
  saabsanayd geeridii suldaan Axmed oo dhintay 17-kii August ee sanadkii hore, 
  howlgaladaas isdaba joogay waxay ahaayeen arimo lagu magacaabayo in xal loogu 
  raadinayo geeridii Suldaan Axmed, waxaana howlgaladaas kadanbayn jiray oo soo 
  abaabuli jiray C/laahi Yuusuf, waxaa ka horaysay inaanu is aragnay C/laahi oo 
  u yimid odayaal beesha ka mida magaalada Gaalkacayo iyo isagoo yiri arintii 
  baan u rabaa xal anaguna aanu niri markaad adigu runsheegto baa xal lagaari 
  karaa isaguna uu balan qaaday inuu run sheegayo. Arinta isimadu saas bay ku yimaadeen Garoowaa lagu marti qaaday, qaar Dubai 
  baa looga yeeray, qaar Qardhaa looga yeeray oo Boqorkuu ahaa, qaar kuwii 
  Gaalkacayo joogay bay ahaayeen, qaar Islaan Maxamed buu ahaa oo Garoowu 
  daganaa, Garooway isugu yimaadeen ,waa kasoo kicitimeen oo Gaalkacayey isugu 
  yimaadeen waxayna u yimaadeen arintaas waxay iyagu ku sheegeen laakiin anagu 
  aan garan waynay sababteeda, haday yimaadeen waxay nawaydiiyeen yaa suldaankii 
  dilay?,anagoo og inay ogyihiin iyaga lafti goodu, Garoowana kayimaadeen C/laahina 
  soo diray ayna wada shireen waxaanu niri Boqorrow waxaad kusoo hormarteen C/aalhi 
  wax xal ah hadaydynaan ka hayn wax kale oo aad soo baarteen ama lafa gurteena 
  aysan jrin anagu mudici manihin, isimadaas way isku laabteen waxayna 
  nayiraahdeen raali ahaada waan isku noqonaynaa waa soo tashanaynaa waxay nala 
  dhaafi waydana waan idinku soo celinaynaa. Waxay uyeereen C/laahi, Garooway cid u direen, C/laahi waa yimid maalmay 
  halkaan wada shirayeen, waa nagu soo noqdeen Isimadii maalma kabacdi waxay noo 
  soo jeediyeen in C/laahi u soo soocay Sagaal askari oo ka mida ciidankiisa, 
  inuu yiri sagaalkaanaa ka danbaysay dhimashadii Suldaanka iyo laba nin oo kale 
  oo midna dhintay midna rukhsaystay waa kala saari waynay midkii wax dilay waa 
  isku inkireen ee waxaan rabnaa inaad la sharcitantaan, anaguna waxaan niri 
  sagaal askari oo aanan soo dacwayn anagu oo nin soo soocay ninkii aan u 
  haysanay kiiska uu iska soo soocay isagu oo inuu hadeer qoray iyo kuwii kula 
  jiray kiiska inay yihiin aanan aqoon nin walbana qorigiisii albaabka ugu 
  tiirsanyahay ladacwoon mayno waxaad isu quudhaana waxaasi ma’ahan idinkoo 
  Isimadii dalka ugu sarayey ah inaad ka ogolaataan arintaasna xaqdaro weeye 
  midaad kiiska ku xaqiiyinkartaana ma ahan waxaan u aragnaa duudsi inay tahay 
  arintaas, dilkii Suldaanka idiinma aanan haysan laakiin duudsigiisa ha ka qayb 
  qaadanina ayaan ku niri odayaashii Boqor Maxamud, Islaan Maxamed, Suldaan 
  Garaase, Suldaan C/qaadir Cali Yaasiin Keenadiid, Islaan Bashiir Islaan C/lle, 
  Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, Caaqil C/wahaab Maxamud Guray iyo C/qaadir 
  Islaan Maxamed oo aabihii warka utabiya odaygu waa waayeel e, saas baan ku 
  kala tagnay odayaashii waxayna na yiraahdeen waagii aan xal helo baan idinku 
  soo noqonaynaa. waxaa nagu maqaala inay C/laahi ku laabteen inay yiraahdeen nimankaas waan 
  ka gardarayn naga diide waxaan usoo jeedinay hadii aad adigu xalkeentana waan 
  kaa sugaynaa, haday iyagu xalkeenaana waan ka sugaynaa hadii intaas ka horaysa 
  aan fekaro arimo kaloo xala waan soo jeedinaynaa saas baa lagu kala tagay. Somalitalk:Isimada imaatinkooda mala socoteen wax se ma ka marti 
  qaadeen beel ahaan? Axmed: May Isimadu inay imaanayaan ma’aanan ogayn waxna kama 
  aanan marti qaadin sidaan u jooganay bay yimaadeen kadibna noo yeereen. Somalitalk: Suldaan Axmed waxuu mootan yahay halsano iyo dhowr 
  bilood hada kahor Isimadu ma idiin yimaadeen wax xiriirase arintaan ma 
  idinkala soo sameeyeen. Axmed: May nalama soo samayn xiriir xataa Tacsidii Suldaanka, 
  waxayse yiraahdeen oo raali galin kabixiyeen waxaanu tacsida uga soo qayb 
  qaadan waynay oo idiinku iman waynay oo wax u qaban waynay wadanku waa kala 
  xiraa, waad ogtihiin oo markii Suldaanka la dilay bandow baa lasaaray tan iyo 
  halkan iyo Garoowe waxaa ladiiday in laas caano looga baxo in loo soo baxo 
  Gaalkacayo in Boosaaso looga soo baxo sadexdii bari ee Tacsida ahayd waxayna 
  ahayd markii C/laahi xooga ku qabsaday Puntland, raali galin bay ka bixiyeen 
  waxay muujiyeen inuu dalku kala xiraa amaanku uu xumaa xiligii Suldaanka la 
  dilay ee naga raali ahaada ayey yiraahdeen maanta ka hor idiinma aanan imaan 
  waxna ma aanan qaban kala xirnaanta dalka iyo amaandarada ayaana keenaysay. Somalitalk: Ragaan hada aad Magac dhowday waa odayaashii Punland 
  ugu waawaynaa makusamayeen howshaan markii hore baaritaan intaysan idiin imaan 
  ,mawaxayse u yimaadeen inay labo beelood dhexdhexaadiyaan, mise sidaad hadalka 
  u dhigtay C/laahi baa odayaasha yiri gala howshaan oo sidaas bay idinku soo 
  abaareen?. 
     
  
 
 Axmed : waxaa ka horeeeyey nimankaan Gudi Cumar Maxamud ah oo 
  Magaalada Nairobi kula shiray C/laahi Yuusuf iyo Jaaliyada Maxamed Cumar ee 
  Nairobi Gudigaas waxay ku yiraahdeen jaaliyada Maxamed Cumar waxaan 
  raadinaynaa cidii ka danbaysay dilkii Suldaanka ee manoo ogoshihiin inaan galo 
  howshaas jaaliyadiina waa u ogolaatay, Gudigaas waxay lakulmeen C/laahi oo 
  Niarobi jooga, waxay ahaayeen rag lasoocay oo 11 xubnood ka kooban, Maxamed 
  Cumar iyo Reer Mahad midna kuma jirin waxay yiraahdeen C/laahi waxaan rabnaa 
  inaan helo cidii dishay Suldaan Hurre oo adiga kaa helo waa u balanqaaday inay 
  helayaan cidii dishay Suldaanka markay Somaaliya tagaan, waxuuna soo siiyey 
  qoraal. Gudigaas afar xubnood bay soo dirsadeen, Gaalkacayo ayey yimaadeen waanoo 
  yimaadeen waxayna noo soo jeediyeen inay maandhayd ka haystaan C/laahi inay 
  raadinayaan cidii dishay suldaanka,iyagoo Cumar Maxamud ah waxay yiraahdeen 
  manoo ogoshihiin inaan galo howsha anaguna waxaan niri Gala hadaad awood u 
  leedihiin waan u ogolaanay iyagoo howshii wali kujira ayey dhacday tankalena. Hadaan usoo noqdo su’aashaadii soo tagida Isimada iyo habka dhex 
  dhexaadintooda waxay kasoo bilaabeen Garoowe C/aalhi bay kasoo bilaabeen 
  Ticket-ka waxaa u diray Suldaan Garaase oo Imaaraadka joogay Maamulka C/laahi, 
  waxay isugu yimaadeen Garoowe, halkaas bay ku shireen C/laahina way is arkeen, 
  waxaanu filaynay Isamadu markay nooyimaadaan howl dhamaystiran oo ay kasoo 
  baaraan dageen inay gacanta ku hayaan maadaama kiiska ay lasocdeen howshuna ay 
  sadex iyo tobon bilood sii marayso inay howl bisil la iman doonaan walibana 
  iyagoo naga warhayey dadbadan oo noo yimid inaan jawaab uga dhignay waxii wax 
  nayeelay keena anogoo garanayna marwalba awood ka saraysa oo qabankartaaba 
  howsha laftigeedaba inay san jirin. Ee Isimadu markay ku shireen Nugaal waxaanu u haysanay oo sii sugaynay inay 
  wax soo xaliyeen oo C/laahi u qabsoomay oo uu cadayn doona sida wax u jiraan, 
  markay noo yimaadeen oo nooga bilaabeen waxii idin dilay sheega waxaan u 
  aragnay anagu howl laga soo shaqeeyey oo lasoo meeldhigay oo Isimada lagaga 
  soo adkaaday oo ah inay hal dhinac ka shaqaynayaan baan istusnay waan ka 
  qawadnay qaabkaan wax uga sugaynay saluugmaa naga gashay, kadibna waxay 
  noqotay inaanu niraahno mar hadii aydinaan wax soo qaban cid idin tiri xalkaan 
  baan hayaa oo runtaan baa taal ee xaliyana aysan jirin anagu kama bilaabi karo 
  inaanu mudici noqono maanta, dad noo kala dabqaaday oo dhexdhexaad sameeyey oo 
  iyaga utagay oo anaga noo yimidna ma ahayn odayaashu ee waxay ahaayeen niman 
  intay soo shireen soo guuray macaa Maamulkoodii hal mara. Somalitalk:Majirtaa arintaan hada kahor cid u gashay gobol ahaan 
  maadaama uu Suldaanku ahaa Gobol ahaan nin reer Mudug ah amase cidkaleba?. Axmed: waayahay isla maalmihii uu dhintay Suldaanku ale ha u 
  naxariistee waxaa is abaabulay 17 xubnood oo kamida Cumar Maxamud waa noo 
  yeereen waxaa gudoominayey Islaan Bashiir waxay na yiraahdeen waxaan rabnaa 
  inaad noo qoor dhiibataan hadaan nahay Cumar Maxamud idinkoo katirsan beesha 
  Cumar maxamud waxaanu galaynaa xalkii dilkii Suldaanka, waxaan niri waa sax 
  inaan Cumar wada nahay waadna noo tiiriseen inaan suldaanka jifi u nahay, yaad 
  na dhex dhexaadinaysaan oo jifi u ah dilkii naloo gaystay oo idiin soo qoor 
  dhiibtay?, nimankaas jawaab waa nasiin waayeen waa isku noqonaynaa bay na 
  yiraahdeen howshoodii saas bay ku gabaabsiday mardanbana nooma ay yeerin 
  cidkalena nagama horkeenin saas baa ku kala tagnay. Waxaa ku xigay Jen Cade Muuse oo xiligii Jabhadiisii iyo Maamulku ay 
  heshiiyeen Gaalkacayo yimid oo noo yimid isagoo wata wafti naguna yiri waxaan 
  rabaa inaan galo arintii Suldaanka oo xal ka raadiyo aniga oo ah nin Masuula 
  ahna dhinicii siyaasada ee C/laahi ka soo horjeeday ninkii hogaaminayey 
  Suldaanka dilkiisuna uusan ka marnayn arimo siyaasadeed, waxaan doonayaa inaan 
  arintaan xal ka keeno oo aad ii ogolaataan. Waxaan niri Suldaanka cidii dishay, cidii amartay in ladilo iyo cidii 
  baaratay isagoo mayda oo furatay hadaad soo hesho oo awood aad wax kaga soo 
  qabato leedahay anagu nabad baan rabnaa xaldoon baan nahay waligayaanu u 
  fadhinay waynu isla ognahay waa kuu ogalahay ee gal, Cade Muuse iyo 
  wafdigiisii naguma soo noqon, qofku markuu noo yimaado waxuu ku noqonayaa C/laahi 
  waxna uga suuroobi mayaan, labadaas isku day horay bay u dhaceen. Waxaa kaloo sadexaysay Gudigaan horay idiinku sheegay oo Nairobi kayim aana 
  dhamaysan howshoodii waxaana bar bar socday oo labar bar dhigay howshaan 
  Isimada waa naga tageen anagoo jawaab kasugayna gudiga laftigiisa waxaa 
  howshii kala wareegay Isimada, waxaana is leeyahay abaabulkaan dhaqsaha ah oo 
  Isimada waxaa keenay waa sababta gudigaas, waxayna wateen su’aal cad oo ay 
  waydiiyeen C/laahi iyo jawaab cad oo uu kabaxshay iyo balan qaad iyo qoraal. Waxaana filayaa waxaa meel mari waayey oo socon waday Jawaabtay isku 
  ogaayeen C/laahi, kadibna Isimadu waxay noqdeen jid looga fakado howshii ay 
  wadeen gudiga noocaas ah, kadib gudii qaar kamida hadaan is aragnay waxay 
  yiraahdeen anaga howshii waa nalaga fara maroojieyey, waxaan waydiinay balan 
  aan horay gudiga u galay oo ahayd howshaan meeshay ku dhamaato xataa hadii wax 
  idiin qabsoomi waayaan cadayn inaad ka bixisaan, waanu is aragnay waxaan niri 
  kawarama howshii xagee idiinku danbaysay, waxay yiraahdeen anaga howshii waa 
  nalaga qaaday C/laahi baa naga qaaday maadaama howshiina dad badan galeen oo 
  Isimadii wadanka ay galeen marabno inaan wax qoraala ka samayno iyana halkaas 
  bay ku dhamaatay marka dadkaas oo dhan baa galay howshaaan Gobol ahaan iyo 
  Guud ahaanba. Somalitalk: waxaa kamid ahaa odayaashaad soo xustay Caaqil C/wahaab 
  Maxamud Guray oo Suldaanka ay saaxiib ahaayeen siyaasad ahaana ay isku 
  dhawaayeen, hadana la socday Isimada aad tiri sidaad hadalka u dhigtay waxay 
  ka socdeen C/laahi taas sidee macquul ku tahay?. Axmed:waxay macquul 
  kutahay Caaqil C/wahaab waxuu ahaa raga ay isugu dhawaayeen suldaanka siyaasad 
  ahaan, saaxiibna way ahaayeen waxay ahaayeen ragii C/laahi ay kala fogaayeen, 
  C/wahaab waxuu ku jiri jiray xulufo siyaasadeed oo ay kala fog yihiin C/laahi 
  sida Wadaada, raga istaaguu ahaa hadba meesha ay ka aloosantahay siyaasada C/laahi 
  udaran. Waxaan idin la socod siinaynaa C/wahaab iyo C/laahi waa heshiiyeen beel 
  ahaana way u heshiiyeen, taas oo uu ugu daneeyey dhinacyo badan sida: xaga 
  amaankiisa, xaga magaca beesha, xaga dhaqaalaha dowlada maanta xubnaha ugu 
  firfircoon oo siyaasada hurmuudka ka ah oo C/aalhi u gogol xaarayuu ka mid 
  yahay Caaqilka saas baan u aragnaa.  Somalitalk: waxaa jirta in la yiraahdo adna hada aad ka 
  dhawaajisay in suldaanka dilkiisii laga samaynayo baaritaan Maxuu yahay 
  baritaankaas yaase samaynaya?. Axmed: Suldaanku waxuu dhintay 5 saac oo subax nimo qof aan 
  baqayn, oo dhuumanayn oo xishoonayn baa dilay, waxuu ku dhintay meel magaalo 
  ah ciyaalkii dugsigii laga soo daayey,dadkii xoolaha soo aroorsaday oo reer 
  miyiga ahaa ay joogaan, dadkii magaalada joogay oo ganacsanayey ay joogaan, 
  xiliga harsimada ah oo meeshu tuulay ahayd ee tuulooyinku ugu shacab badan 
  yihiin bay ahay, waxay ahayd xili kulul oo loo soo hardoonto magaalda oo bisha 
  August ah, baaris uma baahna waxay ubaahan tahay baan u malaynayaa oo dadyowga 
  loo tiirinayo Suldaanka oo qaba ay uga baahan tahay mar marsiiyo iyo duudsi 
  iyo waxuun lagu dadbo dilkiisii oo runta lagaga weecsho baa labaarayaa 
  xagayaga baaris kama leh waa ognahay cidii dishay dadkoo dhamina waa ogyahay 
  idinkiinaa hada wax i waydiinaya waxaa suurowda inaad maqasheen waxa dilay. Caruurihii iyo dumaradii iyo dadkii baa lagu dhex dilay magaaluu taagnaa 
  bartan keed, ciidan dagaalamayey oo xabad is waydaarsaday majirin, baaris uma 
  baahna xagayaga waxaana u aragnaa in runta iyo xaqiiqada la iska indho tirayo, 
  malaha waa waji cusub oo la isku dayi doono wax wayna uma aragno malaha dadka 
  aan xogta hayn baa u dhagataaga. Somalitalk: Hadalkaaga waxaa ku jirtay dad yowga loo tiirinayo 
  idinku beel ahaan yaad u tiirinaysaan dilkii Suldaanka ale ha u naxariistee?. Axmed: inaa lilaahi waa noo cadahay C/laahi Yuusuf iyo wiilal uu 
  adeer u yahay baa dilay waa isaga kaaya cadahay anaga, 4km meel u jirta 
  kalabayr bay isaga hor yimaadeen Kolonyo baabuura oo C/laahi wato waxuuna ka 
  yimid dhinaca Garoowe, dadkana waxuu ugu sheekeeyey waxaan aadayaa Laascaano 
  Suldaankuna waxuu u socday Kalabayr, waa la joojiyey Kolonyadii laba gaari baa 
  dib loogu ceshay, Suldaanka Gaarigiisii ale ha u naxariistee Kalabayr buu 
  istaagtay, Labadii Baroona waa ka daba tageen isagoon kadagin gaariga ayaa 
  midna horay ka dhigtay midna dhinac buu ka dhigtay, halkaas baa waxaa si 
  khaasa uga soo dagay wiilal uu C/laahi adeer u yahay iyagaana dilay Suldaanka. Taasna waxaa sii cadaynaya markii loo soo sheegay C/laahi in lagu soo 
  guulaystay dilkii Suldaanka horay buu usoo dhaqaaqay oo xataa dib uguma noqon 
  maydkiisii taas oo beeninaysa marar badan oo uu yiri anigu ha lasoo qabtaan 
  iri waayo haday taasi jirto wuu ku noqon lahaa, waxuuna soo maray Magaalada 
  Xarfo(Buuryaqab) oo ay dagto beesha Suldaaku ka dhashay halkaas oo uu ka soo 
  qaaday Islaan bashiir oo daganaa magaaldaas isaga iyo Aabihiis Islaan C/lle 
  waligood, kadibna Islaankii guri baa la galiyey oo xataa tacsidii noo muu 
  imaan isagoo jooga magaalada, hada laftigeeda raga askarta ah oo C/laahi noo 
  keenay 6 waa reer Yey marka C/laahi lagu daro, marka yaad u haysataan 
  saacadaan maleh waxaan u haysanaa C/laahi iyo Beeshiisa. Somalitalk: waxaa jirta marar badan in la yiraahdo beeshiina 
  iyagaa xal laga Waayey oo dad badan oo Cumar Maxamud ah ama C/laahi lagtigiisu 
  inuu isku dayey inuu xaliyo howshaan, maxaad ka leedahay taas?. Axmed: arintaas iyada ah C/laahi waxuu haystaa Maamul, 
  Maamulkastana Barabugaanduu leeyahay, war faafin buu leeyahay, rayul caamka 
  wax loogu tala galay buu leeyahay, howshuna howl ku fudud wadanka ma’ahan, 
  hadaan idin xasuusiyo Markii ladilay Suldaanka qaar kamida Internet-ka C/laahi 
  afkiisa ku hadla waxay soo qoreen Suldaanku inuu ku dhintay dagaal iyo xabado 
  la is waydaarsaday, waxaase taas ka sii darayd markay soo qoreen C/laahi oo 
  Tacsi u diraya Ciyaalkii iyo Qoyskii suldaanka ka geeriyooday, marka arintu C/laahi 
  laftigiisa kuma fududa oo waxuu rabaa inuu Somalia wax ka noqdo. Hadii marka lafidiyo in aan xal diid nahay waa barabugaan kaas oo kale 
  arintaasna waxba kama jiraan waxaana kuu cadaynaya taxanaha su’aalaha aad iga 
  waydiiseen howshaan. Somalitalk:ugu danbayntii waxaa jirta in laga dhawaajiyo marar 
  badan in C/laahi Yuusuf aad ka dacwayseen Dalka Ingiriiska maxaa ka jira 
  arintaas? Axmed: Waa jirtaa dacwadaas oo suldaanku wuxuu daganaa Lodon 
  wuxuuna haystay dhalasho Ingiriis ah, ciyaalkiisiina waxay dagan yihiin London 
  ilaa hada iyagaa halkaas kawada Maxkamad C/laahi ka dhana. Axmed aad baad u mahadsantahay . qoraa@somalitalk.com  Faafin: SomaliTalk.com | November 14, 2003 QORAALADII HORE EE LAGA QORAY MARXUUM SULDAAN HURRE ..
 FOGAANTA U DHEXAYSA 
 MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....   .... 
 Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee  
 www.somalitalk.com  
     
 
  |