shaqo joojinta basaska dadka qaada ayaa ka danbeysay kadib markii Dawlada 
kenya ay sicirka shidaalka lacag ku dartey,kordhinta lacagta  barxadaha 
gadiidka la dhigto ama bas Station-ka ,socodka iyo soo noqodka oo lacago ay 
ka rabaan dhalinyarada rarta basaska oo rakaabka ugu yeertaa , iyo dawlada Hoose 
oo kordhisey lacagta bishii laga qaado basaska dadka qaada oo la kordhiyey.
dhamaad.
 Kolonzo Misiyoko iyo  Afey oo jabuuti Booqasho Kutegi Doona.....
wasiirka arrimaha Dibada dawlada Kenya iyo safiirka Dawlada Kenya Soomaaliya 
Mudane KonlonZo Misuyoko iyo mudane Maxamed Cabdi Afey  ayaa Socdaal kutagi 
doona maanta Dawlada jabuuti. 
 wasiirka iyo Safiirka safarkooda ayaa ku 
saabsan in ay dawlada Jabuuti kala soo hadlaan arrimaha Shirka Soomaaliya oo 
haatan ka socda Kenya Mbagathi. 
Dawlada jabuuti ayaa shirka dib u 
heshiisiinta Soomaalida horey uga baxdwey ka dib ansixintii Buuga Axdiga iyo 
Dastuurla Ku meel gaar 15-septembar,iyadoo shirka dib u hershiisiinta Soomaalida 
ay ka mid aheyd Dawlada safka Hore. 
 
dawlada Jabuuti ayaa gooni ka istaagtey 
shirka halka dawlada Itoobiya iyo Kenya dhinaca kale ka soo jeestay,beesha 
caalamka ayaa ku raacdey jabuuti goaankii shirka Soomaalida ay ka qaadatey. 
dawlada Kenya ayaa u qorsheysan in ay soo raali galiso ama ay kala soo 
hadasho jabuuti arrimaha keenay in ay shirka ka baxaan. 
Dhamaad. 
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
 
abdikarimhussein@hotmail.com