SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad.

Abdirashid sheikh 
abdirashids@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Mahad waxaa iska leh ALLE, nebigeennii suubbanaa ee Muxammed-na NNK (Nabadgelyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaato).

Haddii aan u daadego ujeeddada qoraalkayga, anigu waxaan ahay akhriste aad u akhriya waxyaabaha waddankeennii lagasoo qoro, iyo waliba afkaaraha dadka kala duwani ay soo qoraan oo dhan. Haddaba markii aan u fiirsaday aadna aan ugu gunda-degey waxaan ogaaday in khaladaadka qoraaladu uu aad u badan yahay, taasoo xitaa ay sameeyaan niman dhinaca saxaafadda is-xejinaya.

Waxaan haddaba is-waydiinayaa waxa khaladaadkaa loo samaynayo ma luqadda ayaa la yasayaa? ma dadka ayaan qoraallada dib u fiirinnin? ma maxaa kaa galaybaa?. Waxaa laga yaabaa inaad ku qososhaan haddii qof luqad kale oo uusan u dhalan wax ku qoraya uu hal eray khaldo, waxaan aad u xusuustaa markii aannu baranaynay luqadda waddankan aan deggenahay ayaa maalin maalmaha ka mid ah macallimaddii wax na baraysay waxay nagu tiri waxaad wax ka qortaan mowduucaas bal si aan u ogaado heerka wax qoristiinna, markaas ayaan waxaan khalday(kelmad ayaan eray ka khalday) waxaa fasalka nala dhigta nin Soomaali ah oo reer Djabuuti ah markaasuu aad u qoslay oo wuxuu igu yidhi bal waxaad khaladday fiiri? waxaan ugu jawaabay war afkaagii hooyo ayaadan qori karin ee bal adigu is la yaab. Waxaan uga jeedaa waxaa fiicnaan lahayd inuu qofku eego qoraalkiisa ayaa aad u wanaagsanaan lahayd intii uusan gudbinin.

Maalin dhowayd ayaan mid ka mid ah webb-ka ayaan waxaan ku arkay cinwaan uu hal-ku-dheggiisu ahaa C/llaahi Yuusuf oo lasoo teegay maxkamad. Waxaan is waydiiyey sidee buu C/llaahi ulasoo tegey Maxkamad? waan akhriyey waxaan ogaadey inuu u jeedo C/llaahi oo la soo taagey (la hor keenay) maxkamad. Waxaan ku arkay Kitaabka quraanka ee afsoomaaliga lagu tarjumay suuradda yaasiin aayadda u dambaysa waxay dhahaysaa ilaahay miyuuna awood u lahayn inuu abuuri karo iyaga oo kale, markii la qorayey waxay qoreen meeshii ay ka qori lahaayeen iyaga waxay qoreen (isaga), markaa waxay noqonaysaa isaga oo kale waana dambi, bal idinkuba ila eega.

Ninkale ayaa wuxuu damcay inuu war soo qoro markaa ayuu wuxuu u qorey sidan:

C/qaasim waxaa uu ka dhoofay(bal u fiirsada). Mid kale ayaa isna wuxuu u qoray sidan: Ciidamada ayaa waxay weerar ku qaadeen dadka shacabka ah. Markii .....

Guntii iyo geba-gebadii walaalayaal qoraalka wanaagsan cid waliba way ku hammiyeysaa inay akhrido laakiin qoraalku haddii uusan wanaagsanayn cidina u hanqal taagi mayso ee waa inaad ku dadaashaan inuu qoraalkaagu dhinac walba ka dhammaystiran yahay. Sida naxwaha, ereyada iyo habka isku xidh-ka waana midda ugu muhiimsan.

Sidaa iyo nabad gelyo.

Abdirashid sheikh 
abdirashids@hotmail.com

.. Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

.. AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD