SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - HALIS CUSUB

LONDON, UK: Nin Soomaaliyeed oo Lagu Xakumay 8 Sano oo Xarig ah Kaddib Markii uu Cudurka HIV Si ula Kac ah ugu Gudbiyey Labo Dumar ah

Labada Haweenka ah ee cudurka lagu daartay mid aya Soomaali ah

Tarjuamdii Bahda SomaliTalk.com | November 7, 2003

Mohammed Dica
Mohammed Dica, Soomaaliga HIV-ga ku daaray labada haweenka ah oo weliba ay mid kamid ah Soomaali tahay.

Maxkamad kutaal magaalada London oo lagu magcaabo "London Crown Court" ayaa sideed sano oo xabsi ah ku xukuntay Mohammed Dica oo ah 38-jir Soomaaliyeed kaddib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu cudurka aan daawada lahayn ee HIV uu toos ugu gudbiyey laba dumar ah.

Labada dumarka ah ee ninkani uu cudurka u gudbiyey waxaa lagu soo waramay in mid kamid ah ay tahay Soomaali oo da'deeduna tahay 37 jir, taas oo lasheegay in ay wada socdeen 12 bilood, waa sida warku u dhigaye.

Haweeneyda kale waxaa magaceeda lagu sheegay Deborah da'deeduna waa 36 jir, waxayna ogaatey in ay cudurkan qabto waxyar ka hor intii aysan ka guurin nin ay nolosha wadaagi jireen muddo 18 sano ah, ayadoo rabtey in ay u guurto oo ladegto Mohammed Dica oo ugu sheekeeyey in uu rabey in uu qoys bilaabo. Waxay haweeneydaasi sheegtay in nolosheedii ay u dhamaatay oo uu xabsi u bilaabmayo maadaama ay qaaday cudur aan dawo lahayn, waxaa hadalka haweeneydaas laga akhriyey maxkamada.

Mohammed Dica (waa sida magaca ay u qoreen warbaahinta caalamku'e) oo dalka Ingiriiska soo galay sannadkii 1992 asagoo dalbanaya qaxootinimo (asylum seeker) waxaa lagu soo waramay in uu leeyahay saddex carruur ah. Ninkani wuxuu London ka deganaa xaafada Fleming Mead, Mitcham oo ah dhanka koonfureed ee London, waxana uu maxkamada u sheegay in uu labada dumarka ahba u sheegay in aan qabey AIDS sidaas ayeyna igu aqbaleen, ayuu yiri. [London ma ahan tan Canada ee waa tan Ingiriiska.]

Xukunkan 8da sano ee lagu xakumay Mohammed Dica waxa uu ahaa xukunkii ugu adkaa ee muddo 137 sano  la mariyo qof cudurada galmada gudbiyey ee dalka England ama Wales.

Su'aashu waxay tahay 8 sano kadib qorshaha makujirtaa in Mohammed Dica loo tarxiili doonaa Soomaaliya?

Shacabka Soomaaliyeed waxaa muuqata halis si weyn usoo foodsaari karta haddii aysan ku sugnaan diinta Islaamka oo xaaraantinimayneysa sinada oo HIV lagu ibtilaynayo qofkii ku dhaca Sinada.

Sida la ogyahay Africa cudurkan AIDS-ku wuxuu ku hayaa faro kulul, waxaana maalmahan wararka caalamka siweyn loogu hadal hayaa sida uu cudurkaasi u aafeeyey Koonfur Afrika, taas oo lagu qiyaasay 30% (Boqolkiiba soddon) in ay reer K/Afrika qabaan AIDSka - waa tiro xad dhaaf ah. Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliyana waxay kamid yihihiin wadama uu cudurkani saameeyey. Sannadkii 2000 waxaa lagu qiyaasay dadka qaba cudurka AIDS-ka in tiradoodu gaareysey 5.3 Million

Taasi waa digniin kulul oo ku jeeda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa shacabka Soomaaliyeed la gudboon in ay mamnuucaan wax kasta oo ka hor imanaya diinta Islaamka ee muqadaska ah ee Allah u soo dejiyey caalamka, iyo weliba in ay si weyn uga fogaadaan sinada oo ah dabinka AIDS-ka.

Dingniinta cudurkani waxay si khaas ah u saamayneysaa dhammaan umada Soomaalida meelkasta oo ay dunida kadeggan yihiin maadaama waqtigan aysan jirin dawlad Soomaaliyeed oo arimahan halista ah cilmi baaris ku samaynkarta sidii looga hor tegi lahaa

Halista kale ee qarsoon ee Soomaalida soo foodsaartay qarnigan 21aad waa Sunta kuduugan Soomaaliya.

Waa maxay cudurka AIDSku, si aad jawaabta u ogaatid akhri halkan... Guji

Tarjumadii Bahda SomaliTalk.com

ISHA: Google Search...

Sawirka: Yahoo Search....

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
 XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD