Roob Doon
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh,
Caalamiinta Rabbigood ah. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Ku: Allaah, Rabbigii
abuuray Ururka Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, UN, USA, EU, UN, USA,
EU,IGADD, Somaliland, Puntland, Koonfurta Soomaaliya iyo SSH (Sool, Sanaag
iyo Hawd).
Roob doon
Akhristayaal Ilaah wuu
ogyahay waxa uurkeena ku jira iyo waxa aan bannaanka soo dhigno umana baahna
in waraaq loo qoro. Ramadaanka waa inaan uga faa’iidaysanaa aakhiro iyo
adduunba. Marka waa inaan xoogga saarnaa aakhiro maxaa yeelay iyadaa daa’im
ah. Sida aan la socono abaaruhu waxay ka midyihiin waxyaalaha la isku
imtixaamo si dadku u ogaado in roobka uu Ilaah kaliya keeni karo oo ay
Ilaahay ugu noqdaan. Haddii la rabo in abaarta laga baxo oo kaalmo la helo
waa in arrimaha loo wajahaa sida ay ukala horreeyaan.
1. Horta roobka cid aan
Allaah ahayn oo keeni karta ma jirto. Haddii UN, USA iyo EU isutagaan ma
keeni karaan. Wax cusub maahan in dadka kaalmo ka raadsadaan waxa
gacmaha dadka kale ku jira oo ay awoodaan laakiin yaa malaayiin dad iyo
duunyo ah mucaawino dad ku haqab tiri kara? Marka ugu horraysa waa in
roob iyo raxmad Ilaah la waydiistaa. Qofkii caqli leh wuxuu ogaan karaa
awoodda Ilaah. Waa ogayn in dabkii dhowaan ka dhaxay California uu
roobku wax ka damiyey. Dadkii Maraykanku waxay dhaheen samadii baa na
caawisay. Haddii Maraykanka oo qooqay ay saas roob ugu baahanyihiin
maxaad mooddaa dad muslimiin ah oo noloshoodu ku xirantahay duunyo?
2. Tan labaad waa in
dadka Soomaaliyeed isku tashadaa. Haddii dadka Soomaaliyeed ee qurbaha
joogaa uu qof walba bixiyo 10 Doolar waxay uruurinkaraan 10-naan malyan
oo Doolar oo wax badana ka badan lacagaha UN sanadkiiba Soomaaliya u
qoondeeyaan. Taasina waa dacfi haysta dadka Soomaaliyeed oo aan waxooda
aaminsanayn. Waa arrintaas waxa Islaamku noogu boorriyaa inaan
iskaalmayno.
3. Ma maqal cid diiday
in hay’ado kale laga dalbado kaalmo iyadoon labadaas qodob oo kore la
jabin.
Maantadan aan qorayo
maqaalka oo bisha Ramadaan tahay 10 haddii Isniintii la soomay ama 11 haddii
Axadii la soomay oo ku beegan 5/11/03. Haddii Axadii koow ahayd waxaa lagu
jiraa tobankii labaad ee Ramadaan laakiin haddii Isniintii ay koow ahayd
waxaa lagu jiraa maalintii u dambaysay tobankii koowaad. Sidaan la socono
waxaa Ramadaanka loo sheegay raxmad, dambi-dhaaf iyo cadaab-iska-xorayn.
Ilaah baan arrimahaas oo dhan waydiisanaynaa.
Akhristayaal sida aan la
socono aayadda ah “ wa idaa sa’alaka cibaadii cannii fa’innii qariibu ujiibu
dacwataddaacii idaa dacaani falyastajiibuu Lii walyu’minuu Bii lacallahum
yarshuduun” waxaa Ilaahay dhexyeelay aayadaha ka hadlaya Ramadaanka. Halkaas
waxaa ku jira xikmad Rabbaani ah. Waxaan Allaha Raxmaanka ah ka beryeynaa in
dadka Soomaaliyeed galabta xareed ka cabbaan. Sidii Nabigu ku ducaysan jiray
waxaan Ilaah ka baryeynaa roob wanaagsan oo aan dhib lahayn oo aan dadka iyo
duunyada wax u dhimin oo meel walba buuxsha oo aan lahayn aaffo iyo cudur
midna. Ma jirto bil aan Ramadaanka ku doorsanayno sidoo kale ma jirto maalin
aan maanta roob uga baahi badanahay. Marka Ilaahoow roob nasii.
Marka aayaddaas aan kor ku
xussay waa aayad ku rajo gelinaysa oo Ilaah leeyahay haddii Nabi Muxamadoow
(SCW) ay addoomahaygu ikaa waydiiyaan Anigu waan udhowahay. Ilaahay aayaddan
Nabi Muxamadoow dheh ma oran. Ilaahay Isagaa sheegay inuu dhowyahay oo uu
ajiibo qofkii barya. Marka maxaa ka wanaagsan in Ramaadaanka aan Ilaah ka
barino wax aakhiro iyo adduun na anfaca.
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|