| DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo   
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay. 
· Dagaallo ay ku naafeeyay ciidanka wadani 
xoraynta Ogaadeenya ciidamada gumaysiga Itoobiya.
 · Sadex sargaal oo EPRDF ka tirsan oo la xidhay.
 · Sargaal sare oo ka tirsanaa kililka Axmaarada oo baxsaday.
 · Afayeenka Baarlamaanka Itoobiya oo loo hanjabay.
 · Waraysi aanu la yeelanay gudoomiyaha hogaanka dhaqaalaha Jabhada wadaniga 
xiraynta Ogaadeenya Ing Saaluxidiin C/raxmaan Macow iyo waliba suugaan halgameed.
 
  Dagaallo ciidanka gumaysiga lagu naafeeyay. Dagaallo is-dabajoog ah oo ka dhacay meel u 
dhaxaysa magaalooyinka Galadiid iyo Wiji-waaji ayaa ciidanka gumaysiga Itoobiya 
lagaga dilay Siddeed askari, Lix kalana waa lagaga dhaawacay. Dagaalladan, oo ahaa kuwo cadowga si fiican 
loogaga gacan sarreeyay, waxay dheceen intii u dhaxaysay 2-8 bishan Nofember.Dagaallada dhex-mara ciidammada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa xoraynta Ogadenya 
waxay u dhacaan si aan kala go’ lahayn, waxayna ka dhacaan gobollada dalka oo 
dhan, mar kastana waxaa lagu jabiyaa ciidammada isu keen-keenka ah ee gumaysiga 
Itoobiya.
 Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada 
Jigjiga ayaa sheegay in xukkumadda gumaysiga Itoobiya ay xabsiyada magaalada 
Jigjiga ka sii daysay dad rayad ah oo aad u badan, kuwaasoo muddo dheer lagu 
hayay xabsiyada gumaysiga, waxayna dadkaasi u badnaayeen dad laga soo qaqabtay 
gobolka Dhagaxbuur, laguna soo eedeeyay inay taageerayaal u yihiin Jabhadda 
Waddaniga Xoraynta Ogadenya. Sadex sargaal oo EPRDF ka tirsan oo la xidhay. Wariyaha Wakaalda Wararka Ogadenya u jooga 
magaalda Addis Aabab ayaa sheegaya in la xidhay 3 sargaal oo sare oo ka tirsan 
isbahaysiga EPRDF. Sadexdan sargaal waxay EPRDF wakiillo uga ahaan 
jireen ismaamul ku-sheegyada Soomaalida, Canfarta iyo Binishangulka, waxaana 
xabsiga ninmankan lala xidhiidhsiiyay kala qaybsaanata iyo is-aamin la’aanta ka 
dhex taagan isbahaysiga EPRDF, oo maaliinba maalinta ka danbaysa soo kordhaysa. Laba nin oo ka tirsan xukuumadda fadaralka 
Itoobiya ayaa si gaar ah loogu xil-saaray xallinta dhibaatda ka taagan Ogadenya. 
Hase yeeshee sarkaal is-maamulka Soomaalida wakiil uga ahaan jiray isbahaysiga 
EPRDF ayaa hadda lagu soo eedeeyay insaga iyo nimanka madaxda ka ah is-maamul 
ku-sheegga soomaalidu in ay lacag aad u badan wada lunsadeen. Dadka u dhabba-gala siyasada Itoobiya ayaa 
sheegaya inaanuu maanta jirin qof ka mid ah madaxda EPRDF oo ka caaggan 
lunsashada hantida dadwaynaha, balse arrimaha saddexdan sargaal loo xidhay ay 
salka ku hayaan kala qaybsanaanta isbahaysiga EPRDF, gaar ahaan ciidamada iyo 
maamulka. Sargaal sare oo ka tirsanaa kililka Axmaarada 
oo baxsaday. Wararka naga soo gaadhaya magaalada 
Baaxir-dhaar ayaa sheegaya in sargaal sare oo ka tirsanaa kililka axmaarda, isla 
markaana ahaa xubin sare oo ka tirsanaa xisbiga axmaarda ee isbhaysiga kula jira 
isbahaysiga EPRDF uu dalka ka baxsaday oo magangelyo wayddiistay dalka 
Marayknaka. Sargaalkan, oo lagu magacaabo Lulsagadh, wuxuu 
dalka ka baxsaday xilli ay xukuumadda Wayaanuhu si wayn uga shakisan tahay 
hawlaha uu qabto Ururka Axmaarda oo hadda lagu samaynayo dabagal wayn. Xukuumadda Wayaanuhu waxay dabagalka ururka si 
gaar ah ugu xilsaartay wasiirka warfaafinta Baraket Simon, oo ah nin u dhashay 
qowmiyda Tigreega, isla markaana si wayn ugu dhaw keligii taliye Meles Zenawi. Afayeenka Baarlamaanka Itoobiya oo loo hanjabay. Afayeenka Baarlamaanka Itoobiya Dhawit Yuhanis 
ayaa toddobaadkan lagu wargaliyay inuu aad u gaabsado, isla markaana uusan 
booqan karin xafiiska iyo guriga Meles midna.  Afhayeenka waxaa farriintan, si ay handaadi ku 
dheehan tahay ugu gudbiyay Xayle Kiros, oo ah madaxa nabad sugidda ee xafiiska 
keligii taliye Meles Zenawi.Arrinatani waxay caddayn u tahay inuusan wax nidaam iyo kala danbayn ahi ka 
jirin isbahaysiga EPRDF dhexdiisa, isla markaana uu khilaaf siyaasadeed iyo 
tartan shakhsi ahi ak dhex socdo.
 Dhawit Yuhanis, marka laga soo tego 
afhayeennimada baarlamaanka, waa hooggaamiyaha labaad ee xisbiga Almxaarada, 
hase yeeshee waxaa amarkan siisyay sargaal hoose oo nabadgelyada xafiiska Meles 
qaabilsan, kaasoo ka duulaya awoodda qabiilka ku dhisan ee Itoobiya maanta lagu 
maamulayo. Dhinaca kale madaxwaynihii hore ee Itoobiya 
Nagaaso Gidhaadha ayaa isagana loo hanjabay, ka dib markii Guddiga Sharciyada ee 
Baarlamaanku uu kulan degdeg ah ugu yeedhay, isla markaana la gaadhsiiyay inuu 
sharciga ku xadgudbay, ak dib markii uu khudbad ka jeediyay xaflad lagu qabtay 
xarunta Royal College, oo ku taalla magaalada Adaama. Nagaaso Gidhaadha ayaa isaguna sheegay in 
sharciga loo sheegay inuu ku xadgudbay uu yahay mid loogu danaynayay xisbiga 
talada dalka haysta ee aanuu ahayn sharci dadwayn ah dan u ah, waxaanuu sheegay 
inuu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa dhiibto, waxaanuu is-waydiiyay sababta ay 
xukuumaddu uga soo jawaabi wayday waraaqo badan oo u diray intii xilka 
madaxwaynanimada xoogga lagaga qaaday. 18.11.003
 Ahmed Gaal´ eri
 raadioxoriyo@yahoo.com
 radioxoriyo@ogaden.com
  
 Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 
  .... 
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com 
   
    Dhegeyso
    warkan oo Cod ah
   
    
     
   
 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
   
   
     
   
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  
   
     
    
   
  AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk |