SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY
DOON AY SAARAN YIHIIN 172 OO AY U BADAN YIHIIN SOOMAALI AYAA CAAWA KU SOO XIRATAY XEEBTA DEKEDDA RAGUSA.

Laba Doon kalena waxaa soo galbinaya Ciidanka Ilaalada Badda ee Talyaaniga

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Doontani waxaa saarnaa dad gaaraya 172 qofood waxaana la sheegayaa in dhammaan dadkii doontaas ay caafimaad qabaa, wax ku dhintayna lama sheegin illaa hadda intii safarkan ku jireen.

Dadkani uu Illaahey safarkoodii uu sahlay ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin Soomaali & Eretrey, waxaa la sheegayaa in 15 ka mid ah ay yihiin carruur, tiro lagu qiyaasay 50-nna ay yihiin ay haweyn.

Seddex ka mid ah haweynkaan ayaa la xaqiijiyay inay Uur leeyihiin, waxaana isla durbadiiba loo wareejiyay Isbitaalka Magaalada Ragusa, dhaqaatiirtan Isbitaalkan ayaa sheegay in xaaladdooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, laakiin waxaa ka muuqda haraadkii ay soo mareen.

Saxaafadda dalka Talyaaniga ayaa si aad ah u hadal heysa sidii wax looga qaban lahaa dadkan sida sharci darada ugu soo qulqulaya Xeebaha Talyaaniga, waxaana maalmahan si joogta ah looga hadlaa arimaha Soomaalida, ka dib markii ay goor dhow ku naf waayeen Badweynta Mediterraneum-ka in ka badan 90 qofood bishan oo kaliya.

Ciidamada Amniga ee Talyaaniga ayaa haatan ku guda jira baarista & diiwaan gelinta dadkan sida sharci darada ku soo galay, illaa beri galab-na inooma suura geli doonto sidii aan ku heli laheyn magac yada dadkan soo galay.

Waxaa isla saacaddan (caawa 28-10-2003) ay Ciidamada Ilaalada Badda ee dekedda Lampedusa sheegeen in ay soo arkeen Laba doon kale oo ku soo aaddan isla dekeddan, Ciidamada Badda iyaga oo wata diyaarada-ha lagu ilaaliyo xeebaha ayaa la sheegayaa inay soo galbinayaan labadan Doon.

Labadan Doon ayaa lagu qiyaasay in mid kiiba uu saaran yahay ugu yaraan 30 qofoof, waxaana haddii la isku cel-celiyo tirada qiyaasta ay gaareeysaa in ka badan 70 qofoof.

Hadda-ba wax Alla & wixii ku soo siyaada Arintan dib ayaan idiin kala soo socodsiin doonaa, waxaana rajeyneynaa in labadan ay ku soo galaan Dekedda Lampedusa iyaga oo caafimaad qaba, waxaana ilaahey ka baryeynaa inaysan dul saarneyn ama aysan Badda ku soo tuurin dad ku geeriyooday Doonta dhexdeeda. Aaaaaamiin Aaaaamiin Aaaamiin Aaamiin Aamiin Amin.

WabiLaahi Towfiiq.

Khalid X. Cali Maalin “Deble”
somalitalk@email.it
tahriibdiid@hotmail.com
amalroma@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD