SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - Malaysia
Habeenkii Ardayda Soomaalida ee Dalka Malaysia:

 


Abaalmarin: midig ka bilow ( Abdirazaq Abdulahi, xidhiidhiyaha barnaamijka, Mubaarak ibrahim Aar , Madaxweynaha Ururka, Dr.Xirsi Hilowle, mid ka mid soo qabanqaabiyayaashii Barnaamijka.).

Waxaa habeenkii taariikhdu ahayd Jimcaha 24-ka October 2003, la qabtay Barnaamij aad u balaadhan oo loogu magacdaray “Habeenkii Ardayda Soomaalida ee Dalka Malaysia”, xafladaa oo ay si wayn u soo qaban qaabiyeen Ururka ardayda Soomaalida ee Dalka Malaysia (Somali Students Society Malaysia)

Xafladaa oo lagu qabtay Magaalada Kuala Lumpur, Jaamacada Islaamka ee dalka Malaysia(International Islamic University Malaysia), gaar ahaan Tiyaatarka koowaad ee kulliyada Engineering-ka.

Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan mujtamaca kala duwan ee Soomaalida ee dalkan Malaysia degan , iyagoo ka kala yimi Gobollada kala duwan ee dalkan,kuwaasoo isugu jira Aqoonyahano, Ganacsato, Arday, iyo Qoysaska dalkan degan.

Xafladan oo qabanqaabadeeda lagu mashquulsanaa todobaadyadii la soo dhaafay ayaa u dhacday si aad u xiiso badan , laguna tilmaamay barnaamijkii ugu qaalisanaa uguna xiisaha badnaa ee Soomaalida dalkan Malaysia soo bandhigto, sidoo kale kana dhigaysa xafladii ugu tirade badnayd ee dad intaa le’eg ka soo qayb galaan

Xaflada oo si rasmi ah loo bilaababay saacadu markii ay ahayd 7:30pm wakhtiga magaalada Kuala Lumpur, waxaa Tiyaatarka Barnaamijku ka dhacayay la moodayay mid ka mida kullamadii lagu qaban jiray Guddaha dalkeenii , yacni dadkii ka soo qayb galay tiradooda iyo farxada ka muuqatay wajiyadooda iyo sida xiisaha badan ee ay uga raali noqdeen Barnaamijkaa isaga ah.

Ugu horeyn waxaa Barnaamijka lagu furay Aayadaha Quraanka , Aayada Quraanka kariimka ah ka dib waxaa la guda galay qaybihii kale ee xaflada .

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Cabdi Khadar Xasan ( Cubayd) oo ahaa soo qabanqaabiyihii Barnaamijkan qaaliga ah, Mr.Cubayd waxa uu dadwaynaha uuga mahadnaqay sida balaadhan ee ay uuga soo qaybgaleen xaflada, waxaa kale oo uu ka hadlay sidii ay Barnaamijka u soo qaban qaabiyeen, iyo marxaladihii kala duwanaa ee Ururku soo maray, sidoo kale waxa uu uga mahadnaqay Dhamaan dadkii la soo qabanqaabiyay ee la gacan qabtay soo diyaarinta barnaamijkan .


 Mubaarak ibrahim Aar, Madaxweynaha Ururka

Dhinaca kale waxaa isaguna halkaa ka hadlay Mubaarak Ibrahim Aar , oo ah Madaxweynaha ururka Ardayda Soomaalida ee dalkan Malaysia .

Mahadnaq kadib , Waxa uu ku soo dhaweeyay dalkan dhamaan Ardayda Soomaalida ee cusub ee bilihii u dambeeyay u soo waxbarasho doontay dalkan Malaysia , kuwaasoo ka kala yimi meelo kala duwan oo ay ugu badan tahay wadamada Carabta ,Mudane Aar waxa uu ugu horeyn ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu Ururku soo maray, iyo sidii ay iyaguna kaalin muhiim ah uga soo qaybqaateen , duruufihii kala duwanaa ee la soo gudboonaaday muddadii xilka ay hayeen.

Mudane Aar waxa uu halkaa ka tilmaamay in ay ka qayb galeen fadhiyo kala duwan , Shirar , iyo kulamo heerar kala duwan leh oo dalkan ka dhacay.

Ururka Soomaalida waxa uu sannadkii u dambeeyay sameeyay horumar aad u balaadhan oo kala duwan, isagoo ka qaybgalay kulamo aad u tiro badan oo isugu jira kuwa dhexe iyo kuwa heer Caalami ah.

Waxa uu Mudane Aar u mahadnaqay sidii balaadhnayd ee ay dadku ula soo shaqeeyeen muddadii ay soo shaqaynayeen, sidoo kale waxa uu tilmaamay in aanay wakhti dambe u soo istaageyn Jagada Ururka.

Ugu dambayntii waxa uu dadkii ka soo qayb galayaasha ahaa uuga mahadnaqay sida way n ee ay uga soo qayb galeen barnaamijkan.

Hadalka Guddoomiyaha kadib waxaa halkaa lagu soo bandhigay bandhiga loo yaqaano “Multimedia Presentation”, kaasoo lagu soo bandhigay sawirada iyo magacyada Ardayd a cusub ee timi, Ardayda timi bilihii u dambeeyay ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwii ugu tirada badnaa ee dalkan muddo yar yimaada, Waxaa halkaa is xidhay sacabka lagu soo dhaweynayo ardayda cusub.

Sidoo kale waxaa iyana la soo bandhigay , muuqaalo kala duwan oo tilmaamaya xaalada , degaanka ee dalka Soomaaliya, halkaasoo lagu soo bandhigay horumarka balaadhan ee laga gaadhay xaga waxbarashada intii burburka kadib.


Badhtamaha Caasimada Kuala lumpur

Waxaa iyana la soo bandhigay waxyaabihii kala duwanaa ee ururka wakhtigan xilka hayaa soo qabtay , iyagoo halkaa ku soo bandhigeen sawiradii barnaamijyadii kala duwanaa , kulamadii kala duwanaa ee ay ka qaybgaleen, iyo dalxiisyada kala duwan ee ay Ardayda u baxaan marka ay waxbarashada ka nasanayaan.

Intaa kadib waxaa iyana la galay barnaamij Dood cilmiyeed ah oo aad u xiiso badan, Doodaa oo lagaga doodayay qodobka ah “Waa maxay Aqoonyahanku ?, Sidee Aqooyahanku uuga qayb qaadan karaa dib u dhiska Dalka”.

Doodaa oo ay ka qayb qaateen laba aqoonyahan oo kala ahaa Dr. Muuse Maxamuud , iyo Aqoonyahan Xasan Nuur ( Iimaam ),

Waxaa ugu horeyn Dooda hadalka qaatay Aqoonyahan Iimaam, oo ugu horeyn ka hadlay macnaha kalmada Aqoonyahan leeyahay , isagoo si weyn uuga hadlay macnayaasha kala duwan ee ay weedha Aqoonyahanku yeelan karo, isagoo hadalka sii wata ayaa waxa uu u daadagay sida weyn ee aqoonyahanku uuga qayb qaadan karo dib u dhiska dalka , waxa kale oo uu ka hadlay Burburkii dalka soo gaadhay iyo waxyaabihii kala duwanaa ee sababay, iyo in Dadku maanta iska iloobaan dhibaatadii dhacday, oo ay u kacaan dib u dhiska dalkooda.

Dhinaca kale waxaa isaguna goobtaa ka hadlay Dr.Muuse oo isagu ka hadlay macnaha ka Aqoon iyo Aqoonyahan leeyahay , iyo waxa diinta Islaamku ka qabto , isagoo tilmaamay in Aqoonyahanku hayo masuuliyad aad u balaadhan, sidoo kale waxa uu ka hadlay Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo waxqabadkiisa, waxa uu ka hadlay sida weyn ee uu Aqoonyahanku uuga qayb qaadan karo dib u dhiska iyo burburinta dalkaba.

Sida dib u dhiska uu uga qayb qaadan karo dib u dhiska dalka waxa uu tilmaamay in Aqoonyahanku aanu dhinacna garabka saarin , ee uu aqoonyahanku dhex ka noqdo wax walba oo soo gudboonaada.

Sidoo kale waxa uu kalmada Aqoonyahan ku qeexay cid walba oo xumaan iyo wanaag kala sooci karta ee aanuu Aqoonyahanku ahayn darajo ama shahaado laga gaadho heerkay doonto ha noqotee.

Intaa kadib waxaa dadweynihii ka soo qaybgalay xaflada loo ogolaaday in ay su’aalo weydiiyaan waxa ay dooda ka qabaan .

Waxaa halkaa laga soo jeediyay su’aalo aad u balaadhan, oo taabanayay dhinacyo kala badan, waxaana si xeel dheer uuga jawaabay aqoonyahanadii Dooda soo jeedinayay.

Waxaa iyana halkaa aan ka madhnayn barnaamijyada kala duwan ee dhalinyaradu aadka u xiisayso, iyadoo halkaa lagu soo bandhigay Barnaamij aad u xiiso badan oo la mid ah, lana magac baxay Barnaamijka “Who wants to be a millionaire”, oo laga sii daayo Television badan oo caalamka ah , gaar ahaan Tv-ga caanka ah ee af-carabiga ku baxa ee la yidhaa NBC.

Barnaamijkaa oo uu soo diyaariyay mid ka mid ah dhalinyarada oo isagu Barnaamijyada qosolka ah kaga caan baxay dalka Malaysia.

Su’aalaha lagu soo bandhigay barnaamijkaa waxa ay isugu jireen qaar ka hadlaya taariikhda , dhaqanka iyo degaanka soomida, sidoo kale waxaa iyana ku jiray, deegaanka , juqraafiga , iyo cimilooyinka kala duwan ee Caalamka.

Waxaa iyana halkaa lagu guddoonsiiyay Abaalmarino kala duwan dhalinyaradii ka guulaysatay su’aalihii lagu soo bandhigay Barnaamijka.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaa iyana halkaa lagu soo bandhigay Bandhig faneed aad u balaadhan oo loogu magac daray “Habeenkii ardayda soomaalida Malaysia”

Bandhig faneedkaa oo ay soo wada qabanqaabiyeen Dhalinyarada soomaalida iyo jaaliyada Jabuuti ee dalkan Malaysia degan.

Bandhigaa oo ka hadlayay xaalada kala duwan ee ay soomalidu ku jirto , kuwa dalkii jooga, kuwa qurbaha iyo dhamaan meelaha soomaalidu joogto.

Waxaa dadkii xaflada ka soo qaybgalay ee Bandhig faneedkaa daawanayay ay aad ula dhaceen sida balaadhan ee loo soo diyaariyay bandhigaa.

Ugu dambayntii waxaa halkaa lagu bixiyay Abaalmarino kala duwan oo isugu jira Dadkii soo qabanqaabiyay ee ka mid ahaa suura geliyayaashii Xaflada.

Waxa ay Xafladu ku dhamaatay si heer sarre ah , waxaana la isku raacay in xafladu ahayd tii ugu xiisaha badnayd ee Soomaalida dalkani soo bandhigto, waxaana dadku u kala hoydeen goobihii kala duwanaa ee ay dadku ka soo baqooleen.

Waxaana Eebe loogu mahadnaqayaa sida wanaagsan ee ay xafladu ku soo gabagabowday.

Source : Media Group , Somali Students Society Malaysia.
www.sssmalaysia.org
E-mail : sssinmalaysia@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD