SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY
FAL ARGAGIXISO OO KA DHACAY MUQDISHO

(Buufis ayaa sababay in dad fara badan BAM lagu qarxiyo)

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

War aan saakay ka soo xiganay ilo xog ogaal ah oo ku sugan Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay uu Wiil yar ku geystay Fal argagixiso ah oo aanan weli ka dhicin Magaalada Muqdisho, sal & raad-na ku laheyn falalkii foosha xumaa ee ka dhici jiray dhammaan dalka Soomaaliya.

Wiilka da’da yar ayaa Saakay Bomba gacmeed ku tuuray dadkii joogay Isgoyska Sanca oo aad u fara badnaa, waxaana halkaasi dhaawac ka soo gaaray 7 qofood, laba ka mid ahna uu caafimaadkoodu aad u liito.

Labadan qofood ee uu caafimaadkoodu daran yahay ayaa la sheegayaa in loola cararay Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla Waqooyiga Muqdisho, waxaana magacyadooda lagu sheegay Dahaba Gaandi oo Isgoyska Sanca ku gadeysay Qaadka oo qoysas badan Soomaaliyeed ceyr teeyay, ha noqoto kuwa nool dalka gudihiisa & kuwa ku nool dibedda-ba iyo Siciid Jiis.

Sababta keentay in Wiilkan uu Bam gacmeedka uu ku dhex tuuro dadkan faraha badnaa, Xitaa iyada oo haatan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa la sheegayaa in ay ku kaliftay maadaama ay Waalidkiis ka dhiidhiiyeen in uu TAHRIIB ku aado dalka Talyaaniga.

Haddaba waxaa cad in wiilkan yar ay haleeshay Sindrome-ka ama jirada cusub ee Af-ka Soomaaliga ah loogu magac daray BUUFIS, jiradan dhalin yaro badan oo jooga Soomaaliya ama dalalka kale ee Afrika ayaa la sheegayaa inay iyadu-na heyso, waxaa kale oo jirta in dhalin yaro kale oo badan oo ku Nool qurbaha ay iyada oo ka gedisan haleeshay jiradan Buufis-ka la yiraahdo maadaama ay Cidladu ka badatay, Qaad cunowgiina ay Raaxada ama Tabarta isaga qaadeen.

Mar aan la xiriiray Mas’uul ka tirsan Idaacadda Banaadir, Vice Chairman-ka Mogadishu Media Center, isla markaana ah Wakiilka Idaacadda Dalmar (Holand) ee Muqdisho Md. Max’ed Cali Max’ud “Madka” ayaa ii sheegay in Saxaafadda Muqdisho ay si aad ah u hadal heyso Arintan Xasaasiga ee la xiriirto Tahriibka lagu aadayo Talyaaniga.

Md. Max’ed Cali Max’ud “Madka” wuxuu ii sheegay inay wadaan Wacyi gelinta waalidiinta Soomaaliyeed sidii ay uuga hortagi lahaayeen Tahriibka ay Carruurtooda uugu dirayaan Wadamada Libia & Talyaaniga.

Waalidiinta dhalay wiilkan geystay Falkan Argagixisanimo lala meel dhigo karo ayaa ah kuwa mudan in laga tusaalo qaato, waxaana rajeyneynaa in Waalidiin kale ay ku dayadaan ayna muujiyaan Xilkasnima-da & adkeysiga ay la yimaadeen Waalidka dhalay wiilkan Buufiska qaba.

Waxaa xaqiiqo ah in Wiilkan uu yahay Wiil xanuunsan waxaana rajeyneynaa in Waalidka & dhammaan dadka ay xiriirka leeyihiin ay u guda geli lahaayeen dib ugu soo celidda Ummadda Dhibane-han yar in kasta uu yahay Nin geystay fal Argagixiso laguna magacaabi Karo Danbiile.

Hadda-ba waxaa Muhiimaddu tahay in Wiilkan aanan loola dhaqmin Danbiile weyn, waxaana ka codsaneynaa Saxafadda Muqdisho inay waddo wacyi gelinta Waalidiinta Soomaaliyeed si aanan mar danbe u arkin Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku la'anaya Badweynta Mediterraneum-ka.

WabiLaahi Towfiiq.

Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk – Italia

somalitalk@email.it
tahriibdiid@hotmail.com
amalroma@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD