|
Goormay Reer Sool Carta Noqon?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Assalaamu calaykum
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis
ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.
Waxaa la sheegaa in Cumar Binu Khidaab (RC)
uu Baxrayn madax uga dhigay Saxaabigii Muqiiratu Binu Shucbah (RC). Reer
Baxrayn way dhibsadeen wayna ka xanaajisay arrintaas. Marka waa la casilay
Murqayrah (RC). Si aan loogu soo celin waxay u dageen been-abuur. Midkood
baa yiri haddaad taladayda yeeshaan ninkaasi dib idin ku soo noqon maayo.
Waxay dhaheen waan yeelaynaa. Wuxuu yiri waxaan isku dar-daraynaa 100, 000 (boqol
kun) oo dirham waxaana leeyahay waxaa ii dhiibtay Muqayrah (RC) ilayn
magaalo dhan 100 kun waxba kuma ahee kaddibna sidee bay yeeleen. Waxay ula
yimaadeen 100,000 oo dirham Cumar Binu Khadaab (RC) waxuuna ninkii ku yiri
waxaa ii dhiibtay Muqayrah (RC). Wuxuu ka wadaa Muqayrah lacagta wuxuu ka
xaday Baytul-Maalka.
Cumar (RC) wuxuu u yeeray Muqiirah (RC) oo
yiri ninkaan iyo ergadaan waxay isoo hordhigeen 100,000 oo dirham maxaad ka
leedahay? Muqiirah (RC) wuxuu yiri been bay sheegeen Amiirkii Muuminiintoow,
lacagtu waxay ahayd 200,000 (labo boqol oo kun) oo dirham. Cumar (RC) wuxuu
yiri maxaa kugu xambaaray arrintaas Muqiiroow (RC)? Muqiirah (RC) wuxuu yiri
ciyaal iyo fakhri. Cumar (RC) wuxuu ku soo jeestay qolyihii been-abuurka oo
yiri maxaad ka leedihiin 200,000 oo dirham? Ninkii isagoo ku dhexjira
saaxibadii wuxuu yiri Amiirkii Muuminiintoow haddaan kuu run-sheegayaa
Wallaahi inuusan waxyar iyo wax badan midna noo dhiibin. Cumar (RC) wuxuu ku
yiri Muqriirah (RC) maxaad sidaas u tiri? Muqiirah wuxuu yiri khabiithku waa
igu been-abuurtay marka waxaan rabay inaan hoojiyo.
Hadda reer Sooloow waad aragtaan in la
leeyahay Maxamed Cabdi Xaashi iyo C/hi baa is-haya. C/hi iyo
taageerayaashiisa waxaa caado u ah qofkii ay is-qabtaan inuu argagixiso
yahay hadday wanaag u sameeyaan waxay ugu yeeraan inuu Carta yahay. Mar
waxaa jirtay ay Carta ku sheegeen Islaam Maxamed, Maxamed Abshir Haamaan,
Xasan Abshir, Jaamac Cali Jaamac, caaqilo jooga Mudug, iyo siyaasiyiin badan.
Aniga marar badan bay igu dhaheen C/Qaasim
baad taageertaa, C/Qaasim iyo Zenawina waxaa fiican Zenawi. Markaan ka
xaqiiqsado inay arrintu dhab ka tahay ayaan dhahaa C/Qaasim xididnimo ayaa
na dhexmari kartee ka warrama Zenawi? Marka waa iska dareeraan.
Bal aan fiirino beydadkan uu Khaliif Sh.
Maxamuud tiriyey:
Haddaad geel mulki ah leedahoo, xero u
meegaarto Mareerkiyo galoolkiyo hadday, Magacley daaqayso
Oo kuraygu murraha u sidoo, Maraq u
heesaayo;
Ninkii maagistaadiyo fidnada,
muhashadeed hayso
Haddii uu martabaddaadi hore, sax u
malayn waayo
Marka hore mid buu kaa qalaa, muunad loo
dhaline;
Murre hadday dhadhami weydo iyo, dacar
la soo miiray Oo uu raggii maali jiray, soo mur bixi waayo
Mulush iyo hadday wada noqdaan,
mohologiin tuunsan;
Doqontii maldahan hawga biqin, maayal
dirireede
Mar labaad rogaal weerarraa, lagu
mayiiraaye
Oo muqalladoodii rag kale, galab ka
meershaaye.
Reer Sool shalay baad aqbasheen in “waqooyi
Barina” madaxweynaha yeelato idinkuna ku-xigeenka. Ilaah baan idin ku
dhaarshee maxay tahay qaybtaas? Qayta anna ii ogol inaan madaxweyne Putlnad
u tartamo, Maxamed Cabdi Xaashina aan u ogolayn? C/hi siyaasiyiinta reer
Sool wuxuu u arkaa masaakiin oo waxaa u haystaa inay celin karaan kun doolar
iyo wax la mid ah ee aan dadnimo iyo sharaf kale midna rabin. Haddaad u
rumaysan waydo waa kee horjoogaha hogaamiye dhaqameedyada Puntland ee jooga
Kenya? Waa Garaad Saleebaan oo reer Sool ah. Aawaye kuwayagii? Waxay rabaan
haddii meesha wax ka soo baxaan in ay dhahaan waxaa wakiil noo ah Garaad
Saleebaan haddii lagukala tagana ma ahan iyaga cidda sharaftu ka dhacday.
Dadka waxaa jira qaar haybad leh oo aan
isu-haysan, oo u baahan in la dhiiri-gasho. Sidaan siyaasiyiinta
udabo-joogay baan ka baqayaa inaan siyaasi noqdo laakiin markaan maqaalka
soo qorayo waxaan jeclahay inaan soo raaciyo macluumaad. Inkastoon marar
badan duray Maxamed Cabdi Xaashi laakiin run ahaantii waa siyaasi waxgarad
ah. Sabab? Markay u dhamaatay seddexdii sano ee kal hore wuu iskaga tagay
Puntland si uusan uga qayb-qaadan dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee C/hi
qaaday. Markii C/hi qabsaday Boosaaso ayuu yimid oo yiri haddee dastuur baa
jira oo anagu waxaan leenahay madaxweyne ku-xigeenka halkaas ii saar. Wallee
C/hi raali kama ahayn laakiin sankuu ka tolay oo waxaa C/hi ku furnaa
jamhaddii Jaamac Cali Jaamac. Waa kuma siyaasiga Soomaaliga ah ee isagoon
shacabkiisa dhibin jagadiisii helay oo ka ahayn Maxamed Cabdi Xaashi?
C/hi markasta Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu
ugu tukubayey ulo booc ah. Wuxuu baadi-goobayey fursad uu kaga takhaluso.
Fursadii hadday usoo dhowaatay markii Cadde iyo ciidankiisii gudaha soo
galeen oo C/hi la heshiiyeen. Sheekadu soow waqtigaas ma bilaaban? Waxaa
kaaga daran Maxamed Cabdi Xaashi waa geesi maxaa yeelay wuxuu wajahay C/hi
oo xittaa issimada uu magaalooyinkooda joogo aysan fooda-gelin karin. Waa
arrin qof kasta ogyahay. C/hi hadda wax kasta waa iska soo xireen oo
qab-qablayaal badan baa dartiis u midoobay marka wuxuu aaminsanayahay
inuusan Maxamed Cabdi Xaashi waxba ka qaadi karin maaddaama uu helayo mid
kale oo reer Sool ah oo uu madaxweyne ku-xigeen ka dhigto. Nasiib wanaag
waxaad mooddaysaa inay shacabkii wax fahmeen oo ay garteen in shilin la
qaatay uusan waarayn ee sharaftu muhiim tahay. Waxaana shakki iiga jirin in
bedelid la’aanta ku timid Maxamed Cabdi Xaashi ay ka timid reer Sool ee
aysan ahayn degenaansho C/hi.
Maxay xukuumada ku-sheega C/hi u
caadaysteen dabeecadihii reer Banuu Israa’iil laga sheegi jiray ee ay dadka
wax haystana uusan xukunku u qaban jirin dadka masaakiinta ahna ay ugu oogi
jireen.
Maalmo ka hor waxaa Laascaano joogay Fu’aad
Aadan Cadde oo ah Wasiirka degaanka Somaliland mana jirto cid saas u
fiirisay halka Ismaaciil Ibraahim Xaaji Ducaale (Basbaas) ay daraawiishta
Puntland xireen. Waxay Basbaas ku sheegeen basaas! Maxaa Garoowe laga
basaasaa? Muxuuse yahay faraqa u dhaxeeya magaalooyinka “Puntland”?
Indho-adaygooda Allpuntland waxay qortay inuu ninkaasi Laascaano u dhashay!
Arrintu waa nimaan C/hi Puntland keenin ma iman karo. Wuxuu keenay Caato,
Xuseen Caydid, Hilowle Iimaan iyo koox la socota oo Xamar ka timid halka
ninkii Laascaano ku dhashay uusan tagi karin Garoowe! Muddo ka hor waxaa
Gaalkacyo joogay nin C/Qaasim warqad ka waday.
Fu’aad Aadan Cadde wuxuu waraysi siiyey
Horn Afrik isagoo leh Puntland iyo Somaliland midna Laascaano ma xukunto.
Maqaalkaygii kan ka horreeyey ee aan lahaa Daraawiishta C/Qaasim iyo tan
C/hi kee dadnimo badan waxaan aqaan dabcigooda. Waakaas Fu’aadna ka tagay,
Basbaasna gudaha dhigay. Fiicnaan layadaa haddii qoraalada iyo qaddiyadu
saas isu leeyihiin.
Waxaan aaminsanahay inay tahay
abaal-marintii reer Sool oo u soo deg-degtay. Dad badan oo iyaga ka mid ah
ayaa C/hi waxay u taageereen si dhego iyo indho la’aan ah ilaa aan marar is-dhaho
war dadku maxay gooniyoo C/hi wadaagaan? Waxaa yar inaad aragtid qof reer
Sool ah oo C/hi mucaarad ku ah oo hadlay ama wax soo qoray oo is-caddeeyey.
Marka kama wado reer Sool oo dhan baa khaldan waana ogahay in dadweynuhu
yihiin dad akhyaar ah laakiin siyaasiyiintoodii waa dayaceen dadkaas.
Laascaano waxay ahayd magaalo ay waxbarasho iyo ganacsi ka socdo 1998 ka hor
laakiin wuxuu C/hi halkaas dhigay dhibaato isagoo ku raadgadanaya
Somaliland. Meeday waxbarashii iyo madaxyadii Laascaano? Meeday ganacsigii
iyo barwaaqadii? Wiilashadoodii ku dhintay dagaalkii ahliga ahaa yaa u
bedelaya? Maxaase uga soo kordhay dhiiggii ay C/hi u daadsheen.
Maxamed Cabdi Xaashi, Xaabsade iyo Cadde
Muuse kee ka muuqda Puntland? Kollay waad ii cududaaraysaan maaddaama aan
horray u xussay inaad shalaayi taageerada aad C/hi dagaalka ku siiseen,
dadkaasina yihiin dad walaalo ah oo waqti kasta heshiin kara.
C/hi hadduu talo iga yeelayo waxaan
oranlahaa naga fariiso oo Maxamed Cabdi Xaashi ku wareeji bilaha kaaga
harsan Puntland ilayn isagaan la lahayn waa Carta. Teeda kale waxay daawo u
noqonaysaa af-xumadii ahayd reer Sool waxay leeyihii madaxweyne ku-xigeenka
ee madaxweyne shuqul kuma leh. Ama qofkii kale aad rabtid. Siyaasada C/hi
meelna uma socoto, xooggiisuna waa mid xargaha Puntland jaraya. Haddii C/hi
taas diido waxaan kula talin lahaa in siyaasiyiinta reer Sool ku dhawaaqaan
inaysan C/hi shuqul ku lahayn, colaada iyo badda uu leeyahay dad baan ku
darayaa uu kaligiis ku yahay. Adiguna Maxamadoow soo aad Kenya waxaan
aaminsanahay waxaan qaybta u helno in lagu siin karo. Adigu waxaad tahay nin
aqoon leh oo aan dadka la hortagi karno.
C/hi waa u sahlantahay inuu siyaasiyiin
badan oo “Puntland” u dhameeyo sida Maxamed Abshir, Xasan Abshir, Jaamac
Cali Jaamac iyo kuwo kale marka taloow Maxamed Cabdi Xaashi malagu dari
doonaa? Mid baan ogahay haddii reer Sool maya dhahaan cidna ma marsiin karto.
Sidaan soo aragnay markii Muqiirah (RC)
lagu been-abuurtay wuu ka badbaadey dhagartoodii waana hoojiyey. Suurtagal
ma ahayn inay beentooda kusii adkaystaan sababahan darteed:
1. Horta mar hore lacag aad u badan bay
isku soo aruursheen waa iyadoo manta la yiri dhowr malyan oo Doolar reer
ha isku dar-daro.
2. Iyadoo lacagtu aysan dib ugu noqonayn
3. Waxaa laga sii rabaa 100,000 oo
dheeraad ah
4. Inay been sheegeen
5. Inay boqol kun qarsadeen
Marka xalka ugu sahlan wuxuu noqday in
sidii Muqiirah (RC) ay arrintu u dhacdo. Marka reer Sooloow adinkay idin
jirtaa sidaad uga dabaalan lahaydeen.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | OCT 16,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|