Tan iyo markii eey dagaalada sokeeyey ka qarxeen Somaliya, waxeey kumanaan
dhalinayaro Somaliyeed ahi day-day ugu jireen dhabayaal eey u maraan tagista
wadamada galbeedka Yurub, Mareykanka, Canada & Australia oo guud ahaan ah meelo
lagu sheegay ineey ka nolol wanaagsan yihiin Somaliya iyo wadamada dariska la
ah. Alleylehe, Sucuudi Carabiya ayaa iyana lagu sheegay in woxoogaa batrool ahi
uu wali ku aasan yahay dhulkooda, suura-galna eey tahay in shaqooyin
booyaasnimo, darawalnimo, fuundinimo IWM. laga helo. Si kasta oo xaalku yahayba,
qabuurihii qaranka Somaliyeed wuxuu si ku meel gaar ah uga furan yahay
bedweynta mideteranian-ka.
Isweydiin waxaa mudan maxaa ku khasbay dhalinyaradan ineey isbiimeeyaan?
Dabcan waa naf-lacaari. Wexeey nolol moodeen qoxootinimada Yurub ee xeryaha
lagu sugo lacag ceyr ah oo bishiiba mar loo soo tuuro dadka aan dalalka
xasiloon laheyn. Dhamaan dhalinyaradan, oo aan qaarkood la sheekeystay ka hor
intaaneey ka dhoofin Libya, waxaa heesta calanka u ah halheys caan ka ah
dhalinyarada la il-daran cudurka Buufiska(damac waalan oo lagu doono in
galbeedka uun lacaga dhigo), halheyskaas oo ah "Yurub, Yaxaaska ama Yunbo"
Hadii la soo koobana laga wado: Ama Yurub baan tagi, ama yaxaas baa badda igu
dhex cunaya, ama badda ayaan yunbanayaa (Tiinbanayaa) ! Iyagoo sidaas isku
dhiiri galinaya ayeey soo jeexaan saxaraha u dhexeeya Sudan iyo Libya. Inta
badan, waxaa lagu xirxiraa xuduuda labada dal, halkaas oo lala soo hadashiiyo
reerohooda ku dhaqan yurub, halkaas oo xoogaa lacag ah looga qaato ($500.00)
qiyaas ahaan. Marka e! ey xeradaas ka soo baxaan, wexeey afka aadiyaan
caasimada Libya ee Tiripuli oo iyadu ka soo kabsaneysa cunaqabateyn caalami ah
oo ku qaan-gaartay. Qeybta ugu dhibka badan inteeysan dhalinyaradani helin
doonta dhimashada wexeey tahay dulaaliinta doonta oo aalaaba inteey lacag dhan
$1,000.00 (kun doolar) ka hormarsadaan dhalinyaradan misana ku inkira,
dabadeedna xabsiga u taxaaba. Hadii eey u marto, mar mar waxaa suura gal ah in
Police-ku joojiyaan doonta, halkaasna eey u taxaabaan xabsiga dhamaan
tahriibayaasha, sida uu iigu waramay nin eey taasi ku dhacday. Sida uu ii
sheegay, ku dhawaad 700 qof oo Somali ah ayaa imminkadan ku jira xabsiyada
silicsan ee wadanka Libya.
Iyadoo eey dhibkaas oo dhan eey marayaan dhalinyaradan Somaliyeed ayaa
misana waxaa isugu darsoomay laba arrimood: (a) Ragii eey daraadood wadanka uga
soo qexeen oo wali iyagoo shaxaad ah dhex meereysanaya wadanka Libya. (b) Walba
hadii la xiro ama dhib kale loo geysto, siyaasiyiin ku sheegan shaxaad doonka
ahi marnaba afkooda uma kala qaadayaan ineey ka hadlaan dhalinyaradan
dhibaateysan. Iskaba daa ineey taas sameeyaan, waxaa la ii sheegay ineey isku
dayaan ineey lacag ka qaataan qofka eey soo deynayaan oo eey dowlada Libya kala
hadlayaan! Markaas, dhalintii soo qaxay ee tahriib doonka ahaa waxaa
dhibkoodiiba usii dheer in mid magaca hogaamiyohooda ku qaraabanaya uu ka
dalaalayo dhiigoodii. Kolka, waxaa isweydiin mudan: Tolow dalkaan yaa iska leh?
Dadkuse yeey u dhasheen? Dhamaan waa su'aalo kasoo maaxaya maskaxda qofkii
woxoogaa waqti yar uu fikir ah galiya.
Gunaanadkii, waalidiinta Somaliyeed waxaa la gudboon ineey ku quus-qaataan
xasuuqa ku habsaday caruurtoodii. Siyaasiyiinta Somaliyeed (kuwooda Libya
xiriirka la leh) waxaa la gudboon ineey dowlada Libya u bandhigaan dhibaatadan,
isla markaana ka codsadaan ineey dhalinyaradan hadii eeysan wax kale u heyn ku
soo celiyaan dalkooda. Dhalinyarada Somaliyeed-na waxaa la gudboon ineey
qubuurtooda ka qotaan dhulkooda hooyo, inteey si arxan-darro ah ugu sabbeyn
lahaayeen biyaha caalamiga ah. Isla markaana gar-waaqsadaan tagista Yurub ineey
ka horeyso tagista meel aan in la tago u qalmin.