|
Waxaan ogaaney inaan shucuub dhan la tirtiri
karin ummaduhuna kala awood roonayn
Amiir Danashanmid
musanaf@hotmail.com
Waxaa alle qadarey inaan joogey magaalada
Nairobi subax jamce ah oo taariikh-du ahayd 7 bisha Augost sanadkii 1998-kii oo
anigoo isu diyaarinaya inaan u boxo salaadda jamce uu yeerey diryaan wayn oo
gurigii aan ku jirey daaqaduhu isla garaaceen wax yar kadibna magaaladii oo
qaxa ay xaggaa noo dhaaftey waxaa markaa jirey khilaaf ku salaysan dhul
masjisku leeyahay oo u dhexeeya qolyo suuqleey ah oo gaala ah iyo masaajidka
wayn ee jamiica mosque oo ku yaal bartamaha Nairobi sidaa darteed markii ugu
horeysey waxaa maskaxdayda kusoo dhacay in masjidkii la qarxiyey isla markiiba
warkii waa iskasoo baxay.
Arrintaani waxay reer kenya ku noqotey argagax
wayn iyo wax lama filaan ah oo marnaba ay qaadan waayeen dadku maalmo badan
ayey sas ka qabeen dhismayaasha dhaadheer inay u dhawaadaan khasaaruhu aad ayuu
u badnaa ilaa ururka caafimaadka indhaha oo loo yaqaan Blind Control Program ay
diiwaan galiyeen dadka indhaha dhaawacyadu ka gaareen kaliya ilaa shan kun uu
ruux, anigu markaan tagey eeryadaas down town-ka Nairobi waxaan ogaadey in
magaalo dhan oo wayn halmara dukundaakun laga dhigo inaysan maanta wax wayn
ahayn ee ay taasi aadanaha u fududahay.
Waxaa kaloo alle qadarey inaan joogey wadanka
maraykanka subax talaada ah oo bisha September ahayn kowyo toban sanadkii
labada kun iyo kowda subaxaas anigoo qol hurda ayaa waxaa qayliyey nin hor
fadhiyey TV barsada yaalla wuxuu leeyahay diyaaradbaa guri hardiday waan soo
baxay meeshii anagoo fadhina ayaan waxaa aragney diyaarad kaloo burjigii kale
hardiday maalintaa ilaa hal usbuuc iskuul iyo shaqo midna maanaan aadin cabsi
badan oo jirtey iyo dareenka dadka oo kacsan darteed.
Run ahaantii dhacdooyinkaani aad ayey u dhib
badnaayeen ninkiise lasocda aduunkaan waxa ka jira wuxuu soo xasuusanayaa
halku-dhagga soomaaliga oo oranaya Haddaad aragto nin calooshu kasoo laalaaddo
ha u garaabin ilaa aad kii kalana aragto.
Inkastoo aanan garanayn cid aan hubo oo aan
falalkaas dusha u saari karo oo aanan hayn daliil cad oo aan u cuskado sidoo
kale aanan aaminsanayn in dad aan waxba galabsan la iska layn karo haddana
waxaan ogahay in hore loo tirtirey ummado aan waxba galabsan maalin walba
maahee saacad walba lagu sameeyo waxyaabo ka daran falalkaas cid u garaabtaana
jirin.
Waxaan ogahay in reer galbeedka oo uu
horkacayo colka ugu wayni isagoo hore ku sita isku talaabta saliibka uu ku
duuley dunida muslimka ah laguna tashaday ummado dhan in la liqo jiritaankooda.
Dunida oo dhan falalkaani markey dhaceen waxay
muujisay dareen raxmadeed oo ku aaddan ummadaha ay ku dhaceen laakiin taasi
maanta isla markiiba waa tirtirantey tallaabooyinka foosha xun oo ay ku kaceen
dartood aniguse waxaan leeyahay aduun waynuhu hadda ayuu arkey laakiin waxaani
waa soo jireen ilaa muddo hore.
Muslimiintu markastaba waa dulman yihiin
markii horena ayadoon wax cad lagu hayn ayaa lagu eedeeyey baaritaanka
eedayntaaba ka horeysey markii dhexena dushaa loo saarey markii dambana waa
lagaga aargoostey oo lagu tirtiray waase siday tahaye ninka dambiga kusoo
oogaya iyo kan ku xukumaya iyo kan ku fulinaya ayaa isku mid noqdey.
dhacdooyinkaan iyo arrimihii ka dhashay waxay
galaafteen ummado badan oo muslimiin ah iyo dhaqaalohooda waxaa albaabada loo
xiray hay'ado badan oo khayri ahaa oo quudin jiray kumanaan masaakiin iyo
agoomo ah ama maal galin jirey kumanaan mashruuc oo islaami ah sida masaajida
iyo madaarista waxaa aduunkoo dhan la hirgaliyey qaanuuno badan oo si midab
kala sooc ah loogu dhibo ummada muslimiinta ah sidaa darteed shaki kuma jiro
inay dhib wayn gaysteen waxaadse moodaa muuqaalka guud inuu leeyahay ma
awalbaan labo ku lulan jiray amase nin qoyani biyo iskama dhowro.
Sikasta hanoqotee waxaa jira faa'iidooyin
badan oo ka dhashay dhacdooyinkaan koley shar kastaa khayrkiisana waa leeyahay
waxaa kamida faa'iidooyinkaan in magaca islaamku noqdey halku dhagga wararka
maanta (headlines-ka) taasi waxay wadada u furtey in darfaha aduunka dadku ay
baaraan islaamku waxa uu yahay taasoo sahashay in maanta aadanuhu si aan hore
loo arag ugu soo qulqulayo islaamka ilaa maanta la sheegayo magaalooyin dhan oo
isu rogeya islaam ilaa la waayey kutubta ku turjuman luqadaha kale ee qur'aanka
ah.
Waxaa kaloo kamida shucuubta aduunkoo dhan
waxaa ku dhalatey inay si taxadar ah u fiiriyaan wararka ku saabsan
khilaafaadka bariga dhexe iyo ceeraaq taasoo keentey in ummado badan ogaadeen
xaqiiqada waxa meesha kasocda iyo xumaanta la maleegayo oo ay maanta la
xanuunsanayaan dhibanayaasha ilaa aan aragno banaanbaxyo caalami ah oo kasoo
horjeeda gardarada iyo caddaalad darada aduunka ka jirta.
Waxaa kaloo kamida uguna muhiimsan in ay
dhibaatooyinkaan indhaha u fureen in badan oo ahaa muslimiinta aan indhuhu u
kala furreyn ee muqlaysnaa oo ay fahmeen sikastoo ay kaba-qaad gaalada ugu
noqdaan inaan marna lagu jeclaanayn ama ay fahmeen mabaadiida waawayn ee
aragtida reer galbeedku ku dhisan tahay taasoo ah mid gumeyste-nimo midab kala
sooc muslim nacayb iyo isla wayni ku dhisan ilaa ay gaartey in maanta
cilmaaniyiintii ay aad uga damqanayaan waxa dadkooda lagu hayo.
Inaan ogaaney inaan shucuub dhan la tirtiri
karin ummaduhuna kala awood roonayn sidaa daraadeen tani ay tahay dubbihii ugu
horeeyey ee ku dhacay quwadaha sharka ayna imaan doonto maalin laga xoroobo
dhamaan quwadaha sharka iyo xulafadooda iyo kaba-qaadyadooda oo inta caddaalada
iyo insaaninimada jecel ay guulaysan doonto taasoo ah mid muslimiintuna
sugayaan ummada badan oo dunida daafaheeda ku noolla sugayaan.
By Amiir Danashanmid
musanaf@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2003 |
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORFE EE MUSANAF
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|