|
BARO XUQUUQDAADA
Dhammaan dadweynaha degan magaalooyinka mataanaha la ogeysiinayaa inuu jiro
kulan laga doodayo qawaaniinta la xiriirta waaxda socdaalka (Immigration Law ).
Kulankan waxaa dadka laga caawin doonaa xareynta TPS (sharci ku meel gaar ah)
iyo Documentiga lagu dhoofo ( Travel Document). Kulankan waxaad wax badan ka
ogaan doonta: Sharciga cusub ee la qaato TPS, Arimaha ku diidi kara ama dib
kaaga dhigi kara qaadashada Green Card iyo Dhalashada waddanka (citizenship).
Qaanuunka ka hadla address bedelashada iyo raadka uu kugu lahaan karo, iyo arima
la xiriira tarxiilka (Deportaion). Waxaad la kulmi doontaa khubaro iyo
garyaqaan arimahaasi cilmi u leh.
GOORTA September 6,2003
SAACADDA: 1:00PM
MEESHA: 420 15th Avenue South
(Brian Coyle Community Room)
Minneapolis, Minnesota 55454
Martida ka hadleysaa:
Pegay Russell Maamulaha sharciyaqaanada xafiiska Legal
Aid Society of
Minneapolis
Karen Ellingson sharci yaqaan qawaaniinta socdaalka, iyo
profesoorad
Qaanuunka immigration ka dhigta
University of Minnesota
Hassan Jaamici Sharci yaqaan la shaqeeya mashruuca
Immigration Law ee
Legal Aid Society of Minneapolis
Wixii faah faahin ah la xiriir Xasan Jaamici Tel. (612)746-3727.
Hmohamud@midmnlegal.org
Waxaa kulankan diyaariyey Hay'adda sharci yaqaanada ee Legal Aid Society of
Minneapolis oo ay kaashatay Muslim American Society-MN Chapter (MAS),
Confederation of Somali Community of Minnesta iyo Somali Benadiri Community.
Waxaana kharashka bixiyey Dowladda Minnesota, waaxda qaxootiga iyo adeegyada
aadamiga
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2003 | UPDATED
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |