| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
|
GUMEEYSI-RAACYADII HORE, KUWA DAWLADNIMADA
DIIDAN IYO BUUGGA M. PANKHURST
A.Dirir
burashadley@hotmail.com
Arimaha Somaliya ka taagan ayaa waxay isoo xasuusiyeen buug ay qortay
haweeneey la yiraahdo Mary Pankhurst oo qoyskooda ay wax ka qori jireen
arrimaha geeska Afrika, buuggeedanna waxay ugu magac dartay "Italian
Trusteeship in Somalia", oo aadba isleedahay goorta aad akhrisid bal tollow ma
maanta ayuunbay ka hadlaysaa!
Mary waxay kaga hadashay buuggaas in Somaliya ay ka jirtay adoonsi oo ay wadeen
gumeeysigii
Talyaaniga ahaa oo waliba xoog ku qaatay dhul beeredka u dhaxeeya labada webi
ee Jubba iyo Shabeelle.Intaasna waxay ku dartay in dadka wadanka u dhashay aan
loo oggolaan jirin in si xor ah ay u mushtaraan sida Talyaaniga oo kale.
Xaaladdaaas oo taagan ayaa Talyaanigii waxaa lagu jebiyey dagaalkii labaad ee
Aduunka, dawladihii Aduunka ugu weynaa ee guushu ku raacdayna waxay goosteen in
wadamadii ay gumeysan jireen kuiwii laga adkaaday in xoriyad la siiyo. Sidaas
darteedna ayaa 1947, waxaa booqasho ku tegay Xamar wafdi ka koobnaa afarta dal
ee Aduunka ugu awoodda weynaa si ay ugu kuur galaan xaaaldda ka jirtay
Koonfurta Somaliya iyo rabitaanka shacbka ee xoriyadda.
Marka Talyaaniga oo ogsoon in xaaladdu ay ku xun tahay ayaa waxaa uu abuuray
ururo Somaliyeed oo isaga u shaqeeya inkastoonan ayan heysan taageerada dadka
ay magacooda ay wateen.Ururadaasna waxaa ka mid ahaa Majeerteen Progessive
Party, Abgaal Progressive Party. Marehan Progressive Party iyo HDMs amaba
xisbiyo. Ururradaasna waxaa u kala madax ahaa X. Muse Samatar (MPP), Islaw
Mahadale(APP), Adan Loow(MPP) iyo Hiiloow Maalin (HDMS).Waxaana halkan xusid
mudan in beelaha kala ah Majeerteenka , Abgaalka iyo Digil &Mirifle ay ka mid
ahaayeen aasaasayaashii SYL oo ka koobneyd 13ka halgame.
Wafdiga Aduunka ka socdayna waxaa gacanta loo galiyey qoraallo badan oo
Talyaaniga lagu dacweenayo
oo ka mid aheyd in ay Soomaaliya ka jiraan "Force Occupation" sida haatan ka
jirta meelo badan oo ay Gobollada Shabeelle iyo Jubba ay ka mid yihiin.
Kulankii kale oo dhexmaray guddiga caalamiga ahaa iyo raggii Pro-Talyanka ahaa
ayaa horaantiiba waxaa
ka hadlay ninka la oran jiray Islaaw Mahadale oo magacoodana ka dalbaday
wafdiga in Soomaaliya 30 sanadood oo hor leh ay sii xukunto Talyaaniga si ay
xoriyad u gaarsiiso.
Ninkii ka socday Midowga sofiyeeti ( Ruushka ) ayaa si carro leh u weeydiiyey
Islaawga in uu dafirayo in dhulka iyo beeraha laga boobay uu xoog Talyaanigu
ugu shaqeysto dadka Somalida ah.
Islaawgii oo jawaab uu bixiyo garan la' ayaa hadalka waxaa daf ku soo yiri
ninkii ka socday HDMS oo ahaa
Hiiloow oo yiri arrinta aad sheegtay waa dhab waana wax aanan la qarin karain!
Intaas ka dibna, Islaaw Mahadale ayaa dantu waxay ku kaliftay in uu yiraahdo, 'Xumaantaas
oo kaliya ayey
Talyaanigu ay leeyihiin'.
Maantana, Somaliya waxaa ka jira xaalad ka ba'an tii jiri jirtay xilligii
gumeysiga iyadoo jawigii hore ay bedelen C/qaasim (Talyaniga cusub), Muse Suud
i(Islaawgii oo jaahil ah), Jaamac C. Jaamac ( X. Muuse Samatar oo
dadnimadiisase ka liita ), Bare Hiiraale ( Adan Loow) iyo Xaabsade oo aanan
fileynin in uu gaari karo heerkii Hiiloow Maalin ee Talyaaniga dulmigoodii
daaha ka qaaday.
Qof kastana wuxuu garan karaa in kuwa diidan dawladnimada ay yihiin kuwa
dawladda marka la soo dhiso
ay baa'bi'in laheyd oo kala ah burcadkii dhulalka ayan laheyn xoogga ku heystay,
dalka furfurtay, daroogadana ku beeray iyo shaqsiyaad qaxooti ah, dambiyana
horana soo galay haatana qaxooti ku ah dibedda sida Jaamac iyo Jees.
Marka waxaa hubaal iin dadka noocaan ah ayan hor- istaagi karin rabitaanka
shacabka dulman ee Soomaliya
waxaana habooneyd haddii intii ay joogeen Nairoobi lagu weeydiin lahaa
Su'aashii ninkii Ruushka ahaa uu
weeydiiyey Hiiloow Maalin in xaaladdooda kala haadka ah ayba gaarsiin laheyd in
ay is-dhiibaan dadkana dhinac ay ka raacaan. Aakhirkoodana waxay isku meel
taariikhda kala geli doonaan meeshii ay gumeysi-
raacyadii hore ka galeen iyagoose jab iyo ceebba ku dhacday maxaa yeelay ,"Al-xaqu
Yaclaa Wallaa Yacluu Caleyhi".
A.Dirir
burashadley@hotmail.com
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|