Assalaamu Caleykum, 
 Inta aanan u galin macnaha kalmadda dusha ku qoran oo aan hoos ku sharaxi 
 doono, bal marka hore qisadan ila eega. Nin baa waxa uu halheys ka dhigtay 
 kalmadda ah C/laahi Yuusuf baa ka dambeeya. markii wax la weydiiyaba 
 wuxuu ku jawaabaa kalmaddaa iyada ah. maalin ayaa ninkaa xaaskiisii xanuunsatay 
 markaasuu dhakhtarka ula cararay, markii la baaray xanuunkeedii ayaa 
 dhakhtarkii ku yiri ninkii "Aw-guuriyo xaaskaaga uur bey leedahay", ileyn waa 
 nin ay meel kaga dhagan tahaye, isagoo aan hubsan waxa dhakhtarku sheegayo ayuu 
 yiri, " C/laahi Yuusuf baa ka dambeeya". Dhakhtarkii oo naxdin afka kala qaadi 
 la' ayaa ku yiri ninkii " ama C/laahi Yuusuf haka dambeeyo ama cifriide, 
 xaaskaadu waa calool weyn tahay". 
 Waxaan sheekadaa soo xasuustaa markaan arko maqaalo dad ku soo qoraan bogga 
 somalitalk, dadkaa iyaga ah waxey caado ka dhigteen in hal mowduuc ay maalin 
 walba ku celceliyaan iyagoon wax barnaamij ah ama qoraal dadka wax taraya aan 
 iskuba howlin taasoo ay adduun iyo aakhirana ku seegeen. 
 Dadkaa waxaa kamid ah nin magiciisa la yiraahdo C/waaxid laakiin anigu aan u 
 baxshay Madaalaha, ma ahan madaalihii hobolada waaberi , ee waa mid aan 
 ka dhicin, halkii uu Cumar Shooli heestii kedis jimce walba kaga celcelin jiray 
 kan waqtigiisii oo dhan wuxuu u huray in uu C/laahi yuusuf ka sheekeeyo, waan 
 garan waayay waxa uu uga jeedo arinkaa isaga ah siyaabo badan ayaan ku fasiray 
 waxaan u kala garan waayay jaceyl iyo naceyb midka ay tahay, waxaanse u badshay 
 xagga jaceylka in ay xigto oo uu C/laahi u qabo, maadaama cidda aad neceb tahay 
 siyaasad ahaan la qariyo ama si maldahan loo sheego. 
 Markaan akhriyay maqaalo tiro badan oo uu madaaluhu qoray, waa kuwo 
 dhaadheer laakiinse nuxur yar, marmarka qaarkoodna madaxa ku xanuujinaya 
 markaad fahmi weydo meel ay u socdaan, kuwaasoo aan laheyn meel ay ka bilowdaan 
 iyo meel ay ku dhamaadan. 
 waxaa maqaaladaa meel walba kaga jira magaca C/laahi Yuusuf, waxaad ku 
 arkeysaa mowduuc inta la bilaabay oo aan la dhameys tirin ayaa hadana waxaa 
 bilaabanayaa mid kale, markaasaa gabigaagaba jahwareer kugu dhacayaa. Sow ma 
 habboona in marka hore tababar la qaato oo sida wax loo qoro la barto inta aan 
 la isku dhibin in wax la qoro?. Wuxuuse kaga daray markii uu iska dhaadhiciyay 
 in si siyaasad ah wax u qoro, war illeyn balo!!!!. 
 waxaase wax walba isku fuuqsaday ileyn indho adeyg looma dhintee, qof baase 
 xishooda oo wuxuusan aqoon u laheyn ka gabada, maqaalkii ugu dambeeyay ee uu 
 qoro ayuu madaaluhu ku sheegay hadalkii Jamaal Cabdi Naasir oo Masar xukumi 
 jiray, in uu yiri Anwara Sadat oo isna Masar madax ka noqday. Halkaa waxaad ka 
 garaneysaa in arintu tahay laguma dhaamee dhaqaaq, wax qor intaad kari karto 
 adoon eegin kana baaraan degin waxa aad qoreyso iyo mowduuca aad ka hadleyso 
 intaba. 
 Akhriste, haddaan u soo noqdo muwduuceyga maanta oo ku saabasanaan doona 
 talo aan u soo jeedinayo ninkaa isaga ah, ileyn haddii aad aragto qof jihadu ka 
 lunsan tahay, waxna isaga qasan yihiin, waxaa habboon in aad ku toosiso wadada 
 saxda ah haddii aad kari karto. 
 sideynu la wada socono dadyowga carabta ah ayaa la sheegaa in ay yihiin dad 
 aad guurka u jecel , haddii ay arkaan nin waalan ama mid soo wada ama mid aan 
 waxba laga qorin, waxey yiraahdaan war kaas iska daaya, ta'akhara canhu 
 azzawaaj. oo macnaheedu yahay guurkii baa ka soo daahay, xitaa haddii 
 qofku siyaabo kale u waasho iyaga xaggooda waa u arrin guurka ah. halkaa waxaa 
 ka cad in haddii uu guurku kaa soo daaho aad marmarka qaarkood ku sigato in aad 
 dharka xoorto. ma ahan carab keliya dadyowga guurka aadka u qiimeeya ee waa 
 dunida oo idil soomaaliduna waa kamid oo waxeyba yiraahdaan ninkaan guursan oo 
 doobnimo ku gabooba waa naaqis, macnuhu waa qof aan dhameystirneyn halka dadku 
 qaar ku duceysan jireen markaan Muqdisho joogay ilaahoow anoo aan aabbe la i 
 oran taree-disho ha i geyn, (waa qabuurihii km 13). dumarkuna waaba isku 
 caayaan "naa naga tag guumeys yahay" 
 waxaan hadalkaa uga gol-leeyahay, anigu ma ahi nin aqoon u leh C/waaxid 
 laakiin nin isaga garanaya oo maalin sii horeysay maqaal ku soo qoray isla 
 somalitalk waxa uu ka shanqariyay in C/waaxid uu yara doobnimo ku gaboobay, 
 xagga horumarka iyo shaqadana looga fiican yahay marka anigoo taa ka duulaya 
 haddii ay run tahay una caqli celinaya C/waaxid waxaan leeyahay Dantaada 
 garo, C/laahi Yuusuf dantiisa iyo hadafkiisa waa yaqaane, yuusan waqtigu ku 
 seegin oo soomaalidan caalamka soo gashay oo qofba dhinac ka galay wax la 
 qeybso intaad C/laahi Yuusuf oo aan kuba garaneyn in aad jirto iyo in kale aad 
 waqtigaaga ku baabi'in laheyd. 
 waxaan hadalkeyga ku soo gabagabeynayaa waanadaa iyada ah wax ku qaado, 
 haddii kale wacade waxaa xigta C/laahi Yuusuf baa ka dambeeya ileyn 
 waxaad baratay waa baaskaaye, ama waxey arintu kusoo biyo shubmi ta'akhara 
 canhu azzawaaj 
 Wassalaamu Caleykum 
 Farah Warsame
 bile1971@hotmail.com
 
  QORAALADII HORE EE FAARAX WARSAME