| Jacaylka Waddaninimo 
 Mr. Faysal Rashiid (Nayruus)   Akhristayaasha maqaalkan, inta aanan ka shanqadhin jecaylka wadaniyada 
       waxaan jeclahay inaan gacan togaaleeyo hal qodob oo hordhac unoqon kara 
       maqaalkaygan kaaso ah:-Waa maxay waddaniyadda Akhristayaasha qiimaha leh, haddaan soo koobo 
 wadaniyaddu waa dareen, ku beeran qofka leh dal(dhul) iyo dad, 
 kaasoo(dareenkaasoo) taabanaya shakhsiga leh amma u ku beeranahay inaba haba 
 yaraatee wax dareen ah iyo damiir banii aadantinimo. Waa haybad lagu mitaali 
 karo ukun (beed) aad ku hayso gacmahaaga oo haddii ay kaa dhacdo aan lehayn 
 hanba raac.  Haddaan waddaniyada intaa ku dhaafo, waxaa 
 lama huraan ah inaan wax ka taabto jecaylka waddaniyadda(waddaninimo) taasoo 
 aad mooddo inay aad ugu yartahay in badan oo ka mid ah hogaamiye kooxeedyada 
 (Team Leadership) ay dadka badankooda u yaqaanaan qabqablayaasha dagaal. Wadan jacaylku waa mid loo baahan yahay oo 
 saameya lab iyo dheddig kasta islamarkaana ku dardar galiya qofkasta oo wadan 
 leh inuu ku sifoobo wadani si uu ugguto waajibaadka qof ahaan ka saaran 
 wadankiisa ee ah inuu wax u barto waxna baro ""sare uqaado aqoontiisa iyo midda 
 dadkiisa"", Dhiso ""maalgaliyo dhulkiisa hooyo haddii uu leeyahay hanti ku 
 filan oo usaamixi karta inuu maalgashi ku sameeya waddankiisa, amma kudhiiri 
 galiya shaqsiyaadka leh awooddaas"" , Ushaqeeyo ""u adeego dalkiisa isaga kaga 
 qayb qaadanaya adeegyada bulshada"" Difaaco ""ilaaliyo Diintiisa, xuduudaha 
 dhulkiisa, danaha dalkiisa iyo dadkiisa iyo dastuurka intaba""" una 
 hogaansanaado awaamirta iyo shuruucda dalka. Jecaylka wadaninimo waxaa loo kala saari karaa 
 labo qaybood, kuwaasoo kala ah:-.Wadani togan iyo 
         .Wadani taban Wadaniga togan:- waa wadaniga 
 jecel dalkiisa iyo dadkiisaba balse haddii ay uga muuqato dhaliil maamulka 
 dowladiisa aan ka aamusin ee farta ku fiiqa galdaloolada maamulka, isla 
 markaana sheega sida loo toosin karo isaga oo ku qeexaya fikradiisa fayow ee 
 saliimka ah balse aan ku socon hadaf iyo aragti dal shisheeye oo laga yaabo 
 inay dantiisu tahay inaanu dalkaagu gaadhin wax horumar ah. Wadanigan wuxuu 
 noqon karaa mucaarad. Wadaniga togani waa waddani maskax furan oo dhinayo badan 
 wax ka fiiriya isla markaana miisama duruufaha dalkiisa iyo dadkiisa ku sugan 
 yihiin, waddanigani ma aha mana noqdo mid dadkiisa u geysta dil iyo dhibaato 
 ama ka hor joogsada deeqda loogu tala galay in lagu samata bixiyo walaalihiisa 
 dhibaataysan. Umana dulqaato dhibaatooyinka loo geysto shacabkiisa. Waana 
 wadaniga quman. balse aan ahayn sida dad badani ufahansan yihiin! inuu yahay 
 ama ay yihiin kuwo wax burburiya ama mansab (]ago) doon ah. Wadaniga taban:- waa wadaniga 
 jecel dalkiisa, dadkiisa, dhaqankiisa iyo dowladiisa. Waxaana lagu tilmaamaa 
 Muxaafid. Haddii dowladiisu dhaliil leedahay iyo hadii kalaba waa wadaniga 
 dowladii dhalataba raaciyad u noqda ee ugu dadaalka badan fulinta awaamirta iyo 
 shuruucda dalka. Akhristayaasha qaaliga ah, waadaninimadu waa 
 mabda' qaali ah oo haddii sida ay loo ilaaliyo dadkeedu horumar iyo kor u kaca 
 dhaqaale ka gaadho dhinacyada farsamo iyo adeegga arrimaha bulshada. Wadaninimadu waa u dhalasho dal(dhul) ee uu 
 qofku udhasho. Tusaale ahaan haddii aad soomaali tahay waxaa mar walba ku huran 
 sooca goray oo markasta soomaali baad tahay. Daba dhilif kasta ahow amma dawlad 
 shiisheeye u adeeg amma cadaw soo jireen ah usacaba tun mar kasta soomaali baad 
 tahay jinsiyadaadu dowladay dooni ha noqotee. Waddaniyaddu (jinsiyadu) waa haybad lagu faano 
 waana qiimaynta qaranimadaada waxayna la weyn tahay oo jecel qofkii fahansan in 
 sharaftiisa qowmiyadeed tahay jacaylka waddankiisa hooyo kuna faano Hiddaha iyo 
 Caadooyinka, dhaqanka , cimilada, wax soo saarka, khayraadka iyo hibooyinka 
 kale ee dalkiisu kaga duwanyahay dal kasta oo kale. Wadaniga togan iyo wadaniga tabanba waxay 
 dalkooda jecladaan siiba marka ay dalka kale usafraan amma arkaan sida 
 wadaniyadu tayo iyo qiimeyn ugu leedahay dadka wadankaas u dhashay iyo sida uu 
 qofka ajnabiga ku ahi uga takooran yahay mudnaanta ay dadkaasi ku leeyihiin 
 dalkooda. Si kastaba ha ahaatee jecaylka wadanku waa 
 muqadas, waa huwashada haybadda dhulkaaga hooyo, la'aantiina waxba kuma noqon 
 kartid. Marka isku dey inaad mar walba sumcadda dalkaaga kor u qaado, waa 
 sumcadaada,waa magacaaga qaranimo. Isku dey inaad wax yar ka abuurto si aad uga 
 dhigto wax weyn sababtoo ah wax yar yar oo is biirsaday ayaa wax wayn noqda. 
 Ogow inaad dadkaaga iyo dalkaagaba wax weyn u qaban kartid, sidoo kale aad wax 
 weyn ka beddeli kartid dhaqan xumada ku baahday dalka, dulliga iyo darxumada 
 hadheeyay shacab weynaha somaaliyeed meel kastaha ku nooladeene. Ogow inuu 
 dadkaagu ubaahan yahay fekerkaaga saliimka ah iyo wax tar aan hagar ku jirin.
  Akhistayaasha qiimaha leh, waxaan maqaalkaan 
 kusoo abyayaa Su’aalo kooban oo ubaahan inuu qof kasta oo soomali ah isweydiiyo.Adiga shaqsi ahaan kaalintee 
         ayaad kaga jirtaa bulsha weynta somaaliyeed?
          Ma waxaad tahay waddaniga togan 
         mase waddaniga taban ?
           Hoggaamiyayaasha hadda 
         somaliya ka jira maxaad ku tilmaami kartaa ?
           Waddankaagii manta marxaladee 
         buu marayaa ?
          Marba haddaad aragtay heerka 
         waddankaagu marayo maxay tahay tallaabada lagaa rabo inaad qaadid, 
         maxaase kuu qorshaysan? 
           Bulsha weynta somaaliyeed 
         kaalita aad ka gali karto intay dhantahay ? Dhammmaan su’aalahan waa kuwo aan 
     quud-daraynayo inay kuu noqon doonaan halbeeg aad ku qiimayn karto 
     waddaninimadaada islamar ahaantaasna kaaga baahan jawaab. Ilaah Baa Mahad iskaleh wixii afkaar amma tusaale ah waxaad 
     iigusoo hagaajisaan cinwaanka ah :- E-mail:
     nayrus2003@hotmail.com 
      Waa walaalkiin:- Mr. Faysal Rashiid (Nayruus) Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003 Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan UNICEF: Somalia Has Unique Chance to Halt AIDS
       
       Read Here.... [Reuters.com] .. WARAYSIGII ABDULLAHI 
       NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK .. 
       FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....    .... 
 Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee  
 www.somalitalk.com  
       |