SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ilmo “land” ( Somaliland & Puntland) oo cidlo ku lumay

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Wiil Soomaaliyeed baa wuxuu nooga sheekeeyey seddex nin oo wada socday oo midi Caddaan ahaa midna Carab kan kalana Madow. Waxay goosteen inay Ilaahay baryaan. Kii Caddaanka ahaa wuxuu yiri Ilaahoow adduunka kheyr isii. Kii Carabka ahaana wuxuu yiri Ilaahoow adduun iyo aakhiraba kheyr isii. Wuxuu yiri kii madoobaa sidii Ilaah baryid looga sugayey buu yiri: aaway/meeyey Caddaankii! Wiilkii wuxuu yiri ilaa waagaas ninka madoobi wuxuu dabo-oradayaa caddaanka.

Madaxda Carabta hadda horboodda waxaa sameeyey ama ay ka dambeeyaan caddaanka. “Somalilanders” waxay ka dambeeyaan wixii Ingiriisku sameeyey qaarkoodna waxay u arkaan caddaanku inuu madowga ka sarreeyo sida oday reer Waqooyi ah laga sheegay: Caddaan kaan………… miyaan madow ciseeynaa. Ma xasuusto erayguu yiri ma Caddaan kaan la loollan naa buu yiri mise weer kale laakiin micnuhu wuxuu ahaa Caddaankaas ayaan u dhigannaa laakiin madow shuqul kuma lihin. Halka kornayl C/hi iyo taageerayaaashiisa uu madowgu (Zenawi) mowle u yahay.

Madaxweynanimo C/hi baa dilay, hogaamiye mucaaradna Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale taageerayaal waxaa dilay qolyaha taageera.

Miisaankeenii xagga Diinta

Akhritayaal sida aad la socotaan anigu ninna gaal kuma sheego laakiin Diintu waa inaysan na qabsan oo qofkii Diintu ku dhegto ninna kama fujin karo. Maanta aan ku biloowno hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliland, Feysal Cali Waraabe.

Waxaa la sheegaa markii uu Islaamayey C/hi Binu Salaam kii Yuhuudka ahaa oo uu u yimid Nabiga (SCW) ayuu ku yiri Nabigii Ilaahoow (SCW) Yuhuud waan aqaan, walina ma oga inaan muslimay ee waydii aniga markay kuu yimaadeen. Nabigu (SCW) sidii buu yeelay. Yuhuuddii waxay dhaheen C/hi waa Caalimkayaga waana Ina Caalimkayagii. Kaddib C/hi banaankuu usoo baxay oo yiri Yuhuuddeey anigu muslim baan ahay. Isla markiiba Yuhuuddii waxay dhaheen C/hi waa kan noogu liita waa ina Kii noogu liitay. Ma durbadiiba?

Faysal C. Waraabe waxaa laga sheegay inaysan reer Koonfur is-af-garan karin oo ay is-fahmi karaan kan Adisababa jooga ama uga sahlantahay. Isaga iyo taageerayaashiisu waxay ahaayeen kuwii meelaha la ordayey muxaadaradii uu jeediyey Professor Lewis ee ahayd “ Scrap Merchant of Mogadhishu”. Marka arrinta USC maxaa iska bedelay? Miyaanan anigu shalay difaacayn dadweynaha labada gobol markaan siiyey cinwaankii ahaa: Prof Lewis SNM baa u aragta, Prof Lumis-na USC. Maxaan uga jeeday? In dadweynaha iyo ururada siyaasadu labo kala yihiin. Haddii la arko anoo C/hi Yuusuf ammaanaya waxaan isku doon saaranahay Faysal Cali Waraabe. Waa qoladii lagu sheegay “nooc minal Japan”. Lama garanayo waxay yihiin. Ma Soomaali baa? Ma Ingiriis baa? Haddii qofi sheegto inuu “Puntlander” yahay waa la mid xaggayga.

Dabo-galka gaaladana waxaa nooga digay Qur’aanka iyo Axaadiista. Xaddiiskii waa kii Nabigu (SCW) lahaa waxaad raacaysaan waddadii dadka idiin ka horeeyey dhudhun dhudhun, taako taako oo hadday xittaa galaan god abeeso waad ka dabo-galaysaan. Wallaahi qofkii yiraahda xariiqihii Ingiriiska ayaan raacaya waxaa haysta Xaddiiskaas. Marka sheekh sheego ama shariif. Nabiga (SCW) Xaddiiskaas wuxuu u jeediyey muslimiinta ilaa ay qaarkood dhaheen ma yaraan baa waxaas nagu kalifaysa? Waa tii Nabigu (SCW) yiri maya laakiin waxaad tihiin daad-xoor. Dadkaas waxaa muuqata inaan la dhihi karin waa gaalo laakiin waa dad dulli ah. Rasuulkii (SCW) Ilaahay run buu sheegay. Qab-qablayaasha iyo hogaamiyayaasha mucaaradku ma yihiin daad-xoor? “Fiihaa qowlaan”. Labo arrin baa laga yiri. Taageerayaashoodu mid bay qabaan aniguna mid baan qabaa.

Warbixintaydii Somaliland horaan u dhameeyey marka aan ku soo ceshee muxuu Ingiriisku ukala gooyey Laascaano iyo Garoowe oo Gaalkacyo, Dhuusomareeb, Baraawe iyo Markana hal qayb uga dhigay? Jawaab aan Xaddiiskii Nabiga (SCW) ahayh ma leh oo ahayd inaan gaalo iska dabo-galnay.

Zenawi wuxuu usoo taaganyahay inuu tuulada xunta ah ee Badme soo ceshado idinkuna intaad Xarshin kasoo tagtaan baad Laascaano rabtaan. Xarshinna waxaad uga soo tagteen idinkoo qaddarinaya xariiqii Ingiriiska, Laascaanana waxaad ku rabtaan xukunkii Ingiriiska.

Dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ah ma rabaan inaan noqonno Imaarado yar yar oo sida kuwa Carabtoo kale aan cid wax ugu toornayn. Fiiri Qatar iyo Baxrayn. Mise sidii Maraykanku Kuwait usoo maray baad rabtaan inuu Zenawi noo kiin soo maro? Ma aragteen sida Zenawi u handado Jibouti, Eritrea?

Dhulkaas inaydaan shuqul ku lahan idinkaa isku qiray. Bal aan eegno wuxuu Salaan Carrabay (Habar Jeclo) ka yiri. Mise waxaad mooddeen in taariikhda la qarin karo? War Salaan maxaad Cali-Dhuux (Dhulbahante) ku tiri adoo Caynabo ka hadlaya? Salaan wuxuu yiri anoon gabayga isugu xijinayn siduu ahaa.

  • Hadba waxaan kusoo gocon sidaan kuu haraatiyaye
  • Aniguna halkaad dagi jirtaan ka hawisaayaaye
  • Caynabo haruur kama dartaan holaca jiilaale.

Salaan Carrabey, Ingiriis oo carrada haysta ayuu sheegayey in uu Dhulbahante Caynabo ka soo cayrshay. Saasooy tahay waan idiin ogolnahay inaad Caynaba ama Caliyaalo degtaan. Maxaad isaga af-qabanaysaan Xamar, Afgooye, Marka, Baraaw, Kismaayo, Baydhabo, Baardheere, Jilib, IWM? Haddaad idinku iska xarimteen dhulkaas laakiin annagu waan rabnaa Hargeysa, Ceerigaabo, Burco, Boorame, Berbera iyo magaalooyinka kale. Horay baan u waayey Goday iyo Gaarisa marka ma Gibiley baan ku daraa? Waxaasi war ma ahan. Marka midnimada Soomaaliya uma taal qolo gooni ah, gabaygana waxaan usoo qaatay sida waxgaradkii markaas joogay u arkayeen dhulkaas. Salaan Carrabey wuxuu xusay in meesha dagaal yaal ee aysan xuquuq kale jirin. Salaan Carrabeey gabaygii waa la sii durkay oo wuxuu yiri:

Ma hambaynin dunidii tan iyo Hiiraane

Salaan Carrabeey wuxuu ahaa nin qab-weyn wuxuuna aaminsanaa in ninkii xoog weyni carrada u haro ee ma aaminsanayn in qoqob la isku awdo.

Hadraawi oo soo halgamey wakaas, waxaa la qaba hal-abuurada reer Waqooyi badankood. Ilmo Gahayr iyo Barkhad Cas midna xariiq Ingiriis ma ogolayn. Mararka qaarkood waxaad arkaysaa qof Diin dad u akhriya oo aaminsan xariiqa Ingiriiska halka Ilmo Gahayr iyo Barkhad Cas aysan waxba u arag. Barkhad Cas araggii Ingiriiska ayuu diiday iska daa xariiqe, adinkuna haddaad leedihiin “Alloow yey mar u bururuf tiraahdaa”. Labo qaybood oo dadka reer Waqooyiga ka mid ah waxaa iga celin Diintooda iyo waddaninimadooda laakiin qaybta “Somalilanders” anaa iskaga filan.

Puntland

Lacagtii Puntland waxaa lagu dhameeyey sidii uu kornaylku u samaysan lahaa is-bahaysi. Muuse Suudi waxaan ka bartay boggagga C/hi taageera iyagoo yiraahda Al-Xaaji waa waagii ay isku fiicnaayeen laakiin sidii Faysal Cali Waraabe oo kale waa bedeleen codkoodii hadda waxay xusaan Maxamed Dheere. Lacag badan bay ku khasaariyiin Shaati-guduud. Haddeertaan waxaa kornaylka Kenya ku gubayo waa lacagtii dadkaas. Imisa martiqaad buu qabtay? Ma maqasheen meel uu isbitaal, iskuul, ceel, IMW ka dhisay? Aniguse waxaan aqaan xeryo ciidamo oo uu gattay.

Talo ku socota reer Puntland

Miyaad garanaysaan waxaan dhiig iyo is-nacayb ahayn oo uu soo kordhiyey. Ilayn wax-qabad ma jiree maxaan ka faa’iidnay? Waxaan ka faa’iidnay inuu noo sameeyey is-bahaysiyo waaweyn oo dartiis isugu biiray. Marka haddii loogu dulqaatay inuu hogaamiyayaashii dhaqanka dilay ma ugu dulqaadankaraa inuu noo mideeyo hogaamiyayaasha dagaalka iyo waliba “Somaliland” oo uu colaad nooga kasbay?

Marka hadduu Garoowe idin la joogaaye la xisaabtama oo dhaha waar dhib nagu filan noo gaysatee meel naga fariiso markaasna aan saxno wuxuu khalday haddii kale hadaan ha idin kala dhaco.

Waxaan ka baqayaa inuu soo noqodka horay usoo wato Issimadiina caanka ah ee caqliga isticmaalay markay diideen inay Mbagathi (Doofaaray) tagaan. Maqaal hore waxaan ku xusay in nimanka Mbagathi jooga oo leh issimo Puntland baan nahay loo tasho oo dadkii ay ka soo jeedeen ceshado laakiin taladaas la diid marka iyagoo dulaysan ha soo noqdeen. Sidaan maqalnay Ugaas Cumar oo ah Ugaaska Mareexaan wuu diiday inuu la fariisto maxaa yeelay intooda badan ma ahan dhiggiis. Wuuna ku saxsanyahay.

Feysal Cali Waraaboow shicibka Soomaalidu ka wayn wax kubbad lagu ciyaaro marka haddaad shalay wax la hari lahayd maanta hadal waa kuu furnaan lahaa marka haddii C/hi iyo gobollada uu sameeyey aad is leedahay USC usoo kaxayso kuu suuroobi mayso.

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD